AADAABTA CUNTADA IYO CABITAANKA ISLAAMKA
Diinta Islaamku waa diin kaamil ah oo dhammaystiran waxayna ka hadashay waxkasta oo nolosha ku saabsan. Ujeedada iyo hadafka diinta Islaamku waxaa weeye in nolosha qofka muslimka ahi ku dhisnaato wuxuu Alle ku soo dejiyey Rasuulkiisii Muxamamd, sallalaahu calayhi Wasallam (scw). Akhriso aayadda lambar 7 ee ku jirta suurat al-Xashar ee tarjumadeeda afka Soomaaligu tahay $B!H(BWuxuu Rasuulku dadka faro waa inay qaataan, wuxuu ka reebana, ka hadhaan$B!I(B. Rasuulkii Alle, (scw) wuxuu ina baray aadaabta iyo hab dhaqanka ku saabsan marka wax la cunayo iyo marka wax la cabayo.
1.. QUUD XALAAL AH CUN
Alle wuxuu addoomihiisa u banneyey inay cunaan quud ama cunto xalaal ah. Sida diinta Islaamku qabto, risiqa ama quudka xalaasha ahi waa mid lagu kasbaday si sharciga waafaqsan, cunistiisuna ay sharciga waafaqsan tahay. Alle wuxuu mu$B!G(Bminiinta faray wax la mid wuxuu faray rasuuladii uu soo diray. Akhriso aayadda lambar 172 ee ku jirta suurat al-Baqarah ee marka afsoomaali lagu tarjumo macnaheedu yahay $B!H(BKuwa xaqa rumeeyow wax ka cuna waxa wanaagsan ee aanu idinku arsaaqay, kuna mahadiya Eebe haddaad tihiin kuwo isga caabuda.$B!I(B Akhriso aayad lambar 51 ee ku jirta suurat al -Mu$B!G(Bminuun ee Alle ku yidhi$B!I(BRasuulow wax xalaal ah cuna, wanaagna fala, Anigu waan ogahay waxaad falaysaan.$B!I(B Markaa waxaa ku waajib ah qofkasta oo Muslim ah inuu wuxuu cunayo iyo wuxuu cabayo ku koobo wax xalaal ah oo fiican.2. BISINKA KU BILOW
Qofka Muslimka ah waa inuu had iyo jeer ama markasta noloshiisa Alle ku xidho oo weydiisto oo ka codsado hanuunin iyo hagis. Rasuulkana waxaa caado u ahayd inuu cuntada iyo cabitaanka ku bilaabo magaca Alle oo dhaho bismilaahi. Hadduuse qofku hilmaamo ama ilaawo inuu bisinka ku bilaabo ha dhaho waxaan ku bilaabay kuna khatimay magaca Alle.

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix