DUULLAANKII SUWEYQ

Markii laga takhallusay Abii Jahal oo ahaa hoggaamiyihii qureysheed iyo in badan oo madaxdii qureysh ah ayaa waxaa qureysh madax u noqday Abuu Sufyaan binu Xarbi. Abuu Sufyaan wuxuu bilaabay tallaabooyin uu ku rabo in uu ku aar guto, wuxuu markaa ku fekeray in uu Madiina tago oo dhib u soo geysto muslimiinta si ay dhoolatus ugu noqoto oo loo arko in uu awood leeyahay, sidaa darteed wuxuu ku nadray in uusan janaabo ka qubeysan ilaa uu ku duulo Nabi Maxammed SCW. Wuxuu markaa soo kexeystay ciidan rakuubley ah oo caddadkoodu yahay Labo boqol oo nin. Wuxuuna isla habeennimadii galay Madiina isaga oo is qarinaya, wuxuuna u tegey Kacab binu Asad, oo ahaa odeygii yahuudii reer banuu Qureyda, albaabka ayuuna ku garaacay laakiin Kacab baqdin uu ka baqayo Nabiga SCW dareed waa uu diidey in uu albaabkii ka furo. 

Abuu Sufyaan, markii albaabka laga furi waayey ayuu wuxuu u tegey Salaam ibnu Mashkam, oo ahaa duqii reer banuu Nadiir, keydkoodana hayey. Albaabka ayuu markaa ku garaacay oo ka idan dalbay, wuuna ka furay oo wuu soo dhoweeyey, wuuna u warramay. Ka dibna abuu Sufyaan waa baxay, wuxuuna isla habeennimadiiba ku noqday ciidankiisii, dabadeedna wuxuu direy koox ciidanka ka mid aha si ay wax u soo kharbudaan isla habeennimadaba, maxaa yeelay dhuumaleysi maahane, dagaal caddaan ah uma uusan imaan. 

Kooxdii uu direy waxay tageen beer beerihii muslimiinta ka mid ah, markaas ayey dhirtii jareen, beertiina gubeen, labo nin oo muslimiin ah oo beertooda joogeyna way soo dileen, ka dibna si degdeg ah ayey Abuu Sufyaan iyo ciidankiisii Makka ugu noqdeen.

Rasuulku SCW markuu arrintii maqlay ciidan ayuu ka soo daba qaatay, Madiinana wuxu uga soo tagey Abaa Lubaaba ibnu Cabdi-mundir. Dabadeed markii uu marayo Qarqaratu Kadar, oo uu gaari waayey, ayuu dib u soo laabtay. Waqtigaasna wuxuu ahaa bishii Dulqacda, sannadkii 2aad ee hijriga. 

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1789309
Today
Yesterday
All days
684
2652
1789309
2026-06-12 09:58

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a2bd84f6c5074957271401781258319
title_6a2bd84f6c55917378029661781258319
title_6a2bd84f6c5a610016385471781258319
title_6a2bd84f6c5f313543251471781258319
title_6a2bd84f6c63f6002424611781258319
title_6a2bd84f6c68b18920816791781258319

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a2bd84f7f41411375760701781258319
title_6a2bd84f7f46316340569011781258319
title_6a2bd84f7f48117543207541781258319
title_6a2bd84f7f4cd17482058571781258319

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com