ILAALADII SEYD BINU XAARITH

Markii la gaaray waqtigii jiilaalka ee qureysh Shaam u safri jirtey ayey qureyshtu isu diyaariyeen safar, markaas ayey ka wada tashadeen waddadii ay safarkooda marin lahaayeen, maxaa yeelay cunaqabatayn ayaa saaran oo waddo kasta oo ay isku dayaan muslimiinta ayaa ugaarsanaya. Waxaa markaa hadlay Safwaan binu Umaya, oo ay u doorteen in uu safarka kexeeyo, wuxuu yiri "ma garanayo wax aanu ku samayno Maxammed iyo asxaabtiisa, dadka xeebta degganna way la heshiiyeen oo badankoodu isaga ayey la jiraan, mana garanayno meel aan marno, haddii aan guryahayaga iska joognana waxa aan cuneynaa lafahayagii oo waxba noo hari mahayaan, noloshayada Makkana waxa ay ku dhisan tahay ganacsiga jiilaalka ee Shaam iyo kan xagaaga ee Yaman". Arrimahaas markii uu Safwaan ka warramay ayaa laga wada hadlay mawduucii, waxaana fikrad keenay Aswad binu Cabdimudhalib oo ku yiri Safwaan: "iska daa waddada xeebta, waxaadna qaaddaa waddada Ciraaq", waddadaas Ciraaqna waxa ay ahayd waddo dheer oo sii marta Najdi ilaa Shaam laga gaaro, Madiinana waxaa laga marayaa dhinaca bari ee qorrax ka soo bax oo aad uga fog Madiina, qureyshna ma aqoon waddadaas, mana marin markaas ka hor. Sidoo kale wuxuu Aswad u tilmaamay safwaan in uu kexeysto ninka la yiraahdo Furaat binu Xayaan, oo u dhashay qabiilka la yiraahdo Banii Bakar, si uu safarka waddada u mariyo.

Safwaan iyo safarkiisii waa ay bexeen isagoo wata koox rag ah, waxayna qaateen waddadiii cusbeyd, iyagoo ku baxay si qarsoodi ah. Hase yeeshee sirtoodii waa la helay, sida lagu helayna waxa ay ahayd: nin la yiraahdo Sulayd binu Nucmaan, oo muslim ahaa, iyo nin gaalada ka mid ahaa oo la oran jirey Naciim binu Mascuud Al-ashjaci, ayaa meel khamro ku wada cabbey (waana intaan khamrada laxarimin). Markii ay sakhraameen ayaa Naciim si tifafiran uga warramay khiddada safarkka iyo meesha uu mari doono, markaas ayaa Suleyd si degdeg ah khabarkii Rasuulka SCW ugu soo gudbiyey. Rasuulku SCW markii loo keenay wuxuu direy ciidan gaaraya Boqol nin oo rakuubley ah, wuxuuna madax uga dhigay Seyd binu Xaarith.

Ciidankii waxay jidka ku sii jiraan waxa ay si kedis ah ku qabteen safarkii. Raggii waday oo uu Safwaan madaxda u ahaana way carareen, muslimiina waxay soo qafaasheen safarkii iyo ninkii la oran jirey Furaat binu Xayaan, oo ahaa ninkii dhul yaqaanka ahaa oo safarka hor socday. Riwaaayadaha qaarkood waxay ku daraan in Furaat iyo laba nin oo kale la qabtay. Ka dib waxa ay ciidankii u tageen Rasuulka SCW iyagoo safarkii wata. Alaabta safarkaa saarnayd waxaa lagu qiyaasay 100,000 oo Diinaar. Rasuulku SCW markii uu ka saaray khumuskii ayuu xoolihii u qeybiyey raggii duullaankaas galay. Ninkii ahaa Furaat ee la soo qabtayna waa uu islaamay.

Nimankii qureysh ahaa waxaa u hoydey murugo iyo calool xumo, waxaana ku caddaatay talo, maxaa yeelay waddada sidaa loogu galay waa waddadii keliya ee ay naf bidayeen. Sidaa darteed waxa ay duruufu kala dooransiisey in aysan safar dambe gelin, oo ay cunaqabatayntaa ku jiraan in ay Rasuulka SCW heshiis la samaystaan iyo in ay dagaallamaan, oo iyaga iyo Nabi Maxammed SCW fooda is daraan. Waxayna doorteen midda u dambeysa oo dagaalka ah, waxay xoojiyeen tabaabulshihii ay ku jiree, waxayn qadeen olole ballaaran sidii ay Rasuulka SCW ula dagaallami lahaayeen.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1480159
Today
Yesterday
All days
37
2764
1480159
2026-01-20 00:24

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_696ecb41028417883159161768868673
title_696ecb410289515659755551768868673
title_696ecb41028e24064918741768868673
title_696ecb410292f18202062831768868673
title_696ecb410297a8490283091768868673
title_696ecb41029c513939845481768868673

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_696ecb41158c03471406941768868673
title_696ecb41158ef1926531751768868673
title_696ecb411593f2183013031768868673
title_696ecb411598d20324412431768868673

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com