Darsiga ugu horeeya ee maanta waxa aan {إن شاء الله} ku koobi doontaa Muqadimo ama hordhac ku saabsan;
Waxaan kaletoo iyadana {إن شاء الله} raacin doonaa (Surat al-Faatixa) oo Quraanka ka bilaawdo tafsiirkeeda ayaan iyadana raacin doonaa {إن شاء الله}, intaasuu darsigeena maanta ku ekaan doonaa oo darsiga koowaad ah.
Waajibka Illaahay (سبحانه وتعلي) uu saaray culimada iyo dadka aqoonta leh ayaa waxaa ka mid ah; inay dadka u cadeeyaan Illaahay (سبحانه وتعلي) diintiisa oo ay u fasiraan qaasatan bani aadamka Illaahay (سبحانه وتعلي) luqadaha kala gedisan ee uu siiyay, yacni luqadaha kala duwan ee bani aadamka Ilaahay siiyay waxa weeyaan waa aayad Ilaahay aayaadkiisa ka mid ah sida Quraan-kaba lagu sheegay.
Si marka dadka xujada Ilaahay loogu oogo, kii Ilaahay hanuun la damcay ee uu hanuuno ee hanuunka qaato, ummad walbana luqadeeda inay wax ku gaarto, oo diinta ay ku gaarto waa lagama maarmaan xilkaa iyo mas’uuliyadaana waxaa loogu baahana yahay in ay gutaan dadka culimada ah ee ehlu cilmiga.
Quraanka marka la fasiraayo waxa ugu fiican in quraanka quraan kale lagu fisiro. Quraanka isagaa is fisira waxaa laga yaabaa arin laga hadlaayay meel ama suurat quraanka ka mid ah si gaaban in looga hadlo, suurat kale isla arinkii laga hadlo oo isagoo intii ka faahfaahsan laga hadlo.
Quraanka marka wuu is cadeeynaaya isaa is fasira, waxaa ugu fiican marka aayadan aad dooneeyso in aad fasirto in aad u raadiso aayat kaleeto oo macnaheeda sii cadeeyneeyso sii faahfaahineeyso. Maxaa yeela Ilaahay (سبحانه وتعلي) isagaa garanaaya maqsuudka iyo qasadka uu ka leeyahay quraanka ama aayadan qurkaanka ah Ilaahay (سبحانه وتعلي) isagaa u aqoon leh.
Marka quraanka in quraan lagu fisiro waa dariiqa ugu fiican, waana mid uu leeyahay Sheekhul Islaam Ibnu Taymiya (raxmattullaahi caleyhi)
Tafsiirka jidadkiisa kan ugu fiican waa taas.
Qaab quraan lagu fasiro, qur’aanka laftirkiisa in laysku fasiro ayaa ugu fiican
Hadaan mathalan tusaale bixino Suurada al-Faatixa bilowgeeda waxaan ugu tagi doonaa,
Mida labaad luqada carabiga ee quraanka uu ku soo degay sirteeda saxaabada wey ugu aqoon badnaayeen ummada inteeda kale, maxaa yeelay carabtii qulaska ahayd ee barax tirneyd ee waxba dheehinoo waxba ku darmeyn iyagay ahaayeen, wixii ka dambeeyay ummada waxaa ku furantay cajam fara badan.
Carabta luqadeedii wax badan baa galay, ummado fara badan oo soo islaamay oo cajam ah baa soo dhax galay, luqadii inyar baa xoogaa wax u dhex galeen, laakiin saxaabada (رضي الله عنهم) ragii carabta ee qulaska ahaa luqada carabiga sirteed iyo asraarteed yaqaani iyaga ayay ahaayeen, quraankana luqada carabiga ayuu ku soo dagay.
Qureysh luqadeedii ayuu qur’aanka ku soo degay sida Nabiga (صل الله عليه وسلم) ka sugan.
Tan seddexaad wax weeye:
Quraanka in badan oo ka mid ah markuu soo degay sabab uu ku soo degay baa jirto, sabab uu ku yimid baa jirta arin markaa taagneyd oo aayadu ay ku timid baa jirto.
Sababka ood fahantana waxay qayb ka tahay aayada macnaheeda oo aad fahamto, aayada marka sababka ay ku timid aad fahamto waxay kaa caawineysaa macnaha aayada inaad fahamto, ayagaa goob joob u ahaa marka asbaab fara badan oo quraanka ku soo degay.
Dihaarka aayaadkooda sabab ayay ku soo degeen, yacni waxa weeye aayado asbaab fara badan ku soo degay baa jiro, wixii sabab ku soo degay marka ayaga (Saxaabada) wey garanayeen. Taas daraadeedana Saxaabada tafsiirkooda baa loogu hormarin tafsiir kaloo dhan.
Waxaa kaletoo la mid ah (Quwatul-Fahmi) fahamka bani aadamka Ilaahay (سبحانه وتعلي) waa u qeybiyay, isku faham ma ahan.
Tusaale ahaan;
Hadal inteena meesha fadhiga hada dhexdeena laga sheegay baa nina uu sirtiisa iyo dulucdiisa iyo ujeedada laga leeyahay fahmi kara, nine meela soke iyo daahir uun buu ka fahmi wax kale uusan ka fahmi karin.
Sida fahamka bani aadamka Ilaahay (سبحانه وتعلي) ugu qaybiyay ayay Saxaabadana ugu qaybsaneyd, laakiin hadana dadka iyaga ugu siteen xaga fahamka iyo garashada iyo aqoonta iyaguna waa kala horeeyeen.
Waxaa intaa dheer Saxaabadu {رضوان الله عليه} aad waxay ugu dadaali jireen inay quraanka tafsiirkiisii iyo macnahiisii ay fahmaan,
… iyo rag fara badan baa soo guuriyay tafsiir aad u fara badan oo aan la koobi kareynin oo Nabiga (صل الله عليه وسلم) qaar laga soo guuriyay, qaarna ishtihaadkooda iyaga ay ku fasiray.
Cabdullahi Ibnu Mascuud {رضي الله عنه} waxaa laga weriyay oo yiri:
‘’Ilaahay baan ku dhaartay buu yiri isaga cidaan ahayn aan xaq lagu caabudinee, aayadi ma soo degin kitaabka Ilaahay ka mid ah, ilaa hadey soo degto waxaan ogahay cidday ku soo degtay, iyo meeshay ku soo degtayba waan garanhaya, hadaan ogahay cid uun iga qaoon badan Ilaahay (سبحانه وتعلي) kitaabkiisa, gaadiidka iyo geeluna ay gaari karaan waa tegi lahaa buu yiri.’’
Wuxuu tilmaamayaa cid uu tuhunsan yahay inaysan jirin, oo uu isleeyahay marka waa kaaga cilmi badan yahay Ilaahay (سبحانه وتعلي) kitaabkiisa. Maxaa yeelay Nabiga (صل الله عليه وسلم) saabiqiintiis ayuu ka mid yahay, tafsiirkii Nabiga (صل الله عليه وسلم) iyo quraanka culuumtiisa ragii aad u xambaaray buu ahaa Cabdullaahi Ibnu Mascuud {رضي الله عنه} Saxaabadana intooda kale sidaas ayay ahaayeen.
Waxaa kaloo ay dheer yihiin Saxaabada dadka intooda kale, sheygii soo dega oo ay macnahiisa bartaan wey ku dhaqmi jireen. Sheygana markaad ku dhaqanto oo aad fuliso oo camal uu kuu noqdo fahamkiisana waa kuu baxaayaa. Markuu yahay uun nadari shey afka aad ka sheegto markuu yahay ama shey un aad iska fahamsan tahay iyo markaad dhaqan geliso waxaa ka fahmi ogtahay, markii sheygu dhaqan kuu noqdo.
Tusaale:
Hada salaada hadii la inoo sharxo soo ma fahmin…? Aad beynu u fahmi, laakiin marmar sidaas nin aan xajka tegin xajka u sharax (faham guud) inuu ka qaato ma ehee sida salaada u fahmi maayo, maxaa yeelay, waayo salaada wuu shaqan geliyay wuu sameeyay si fiican ayuu u fahmay.
Sheyga markaad sameyso oo aad dhaqan geliso ayaad fahamkiis si fiican u qaadan.
Saxaabada {رضي الله عنهم} baa waxay ahaayeen aayad quraana markey macnaheeda gartaan wey ku dhaqmi jireen.
Wuxuu leeyahay (Cabduraxmaan as-Sulami) taabici weeye waxaa inoo waramay buu leeyahay ragii qur’aanka na baray oo Saxaabada Nabiga (صل الله عليه وسلم) waxay inoo sheegeen inay Nabigu (صل الله عليه وسلم) quraanka ka aqrisan jireen, tobon aayadood markay bartaan ma aysan talaabin jirin ilaa ay ku camal falaan, cilmiga tobonkaa aayadood ku jira.

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix