WAAJIBKA QOFKA KA SAARAN IN WIXII UU MAS'UUL KAYAHAY FARO ADEECIDDA ALLE, KA REEBONA KU CAASINTA ALLE, UUNA U CIQAABO KANA CELIYO HADDAY KHILAAN AMARADA ALLE

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

125. "Oo far dadkaagaa cibaadada, ahowna mid ku sugan arrintaaoo daa'ima (yacni faridda dadkaaga cibaadada). Suuradda Daaha: Aayadda132.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

126. "Kuwa xaqa rumeeyoow! Ka ilaaliya naftiinna iyo ehelkiinaba naar shidaalkeedu yahay dadka iyo dhagaxaanta". Suuradda At-Taxriim:Aayadda 6

298. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Xasan ibn Cali (A.K.R.) baa wuxuu qaatay xabbad timir ah oo ka mid ahayd timir sadaqo ah, afkiisana geliyey. Markuu arkay Nebigu (S.C.W.) isagoo muujinaya ka xumaantiisa arrintaabuu yiri: (akh, akh), farayna inuu iska tuuro, oo ku yiri: Ma waadan ogeyn inaynaan sadaqada cunin". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale waxaa ku soo arooray inuu nabigu (S.C.W.) yiri: " innaga xaggayaga(waxaa loola jeedaa reerka nabiga s.c.w. sadaqadu) nooma bannaana oo waainnaga xaaraan".

299. Abuu Xafs Cumar bin Abii Salamah Cabdullaah bin Cabdul Asad, ooah wiilkii Umm Salamah (A.K.R.) xaaskii Nabiga (S.C.W.) ay u dhashay ninkeediihore, wuxuu yiri: Anoo yar, oo gacanta nabiga (S.C.W.) ku jira waxaan yeelijiray inaan saxanka hadba meel ka qaato markaan raashinka cunayo. Wuxuu igu yiri Nebigu (S.C.W.) : "Maandhow bismilaah dheh, midigtana kucun, iyo raashinka wixii ku soo xiga". Intii ka dambeyseyna sidaasaan wax u cunaa. (Bukhaari iyo Muslim)

300. Xadiiskan horay buu noo soo maray. Wuxuu ka hadlayana waxaan kusoo sheegnay xadiiska tiradiisu tahay 283.

301. Camar ibn Shucayb (A.K.R.) wuxuu Aabihiis ka soo weriyey, Aabihiisna aabihi, in Nebigu (S.C.W.) yiri: "Markay ilmihiinnu gaaraan toddobosano salaada fara, una ciqaaba wixii khalad iyo gabood fal ah oo ay salaada ku sameeyaan markii ay toban jirsadaan, jiifkana u kala duwa (wiilasha iyo gabdhaha (markay toban jirsadaan)". (Abuu Daawuud) waa xadiis sanad wanaagsan. Imaam Daawuudbaa wuxuu ku weriyey sanad wanaagsan.

302. Abuu Surayrah Sabrah ibn Macbad al-Juhni (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu(S.C.W.) wuxuu yiri: "Markii ilmuhu gaaraan toddobo jir salaadabara, una ciqaaba (hadduu salaada ka sagsaago) markuu toban jirka yahay".(Abuu Daawuud iyo Tirmidi)

Wuxuu ku weriyey abuu Daawuud xadiiska lafdiga ah: far ilmaha inay oogaan salaada kolkay toddobo jirsadaan. Waa xadiis sanad wanaagsan.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1408640
Today
Yesterday
All days
837
2864
1408640
2025-12-19 09:32

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69451bc49a9033359087481766136772
title_69451bc49a9558125831841766136772
title_69451bc49a9a28131005981766136772
title_69451bc49a9ee12318880161766136772
title_69451bc49aa396095771871766136772
title_69451bc49aa841504530101766136772

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69451bc4acc1b5330371821766136772
title_69451bc4acc6e19966718761766136772
title_69451bc4accbc15708142801766136772
title_69451bc4acd0914382320221766136772

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com