WAALID CAASIYADDA IYO QARAABA GOYNTU WAA XAARAAN

Alle weyne kor ahaaye wuxuu yiri:

134. "Oo ma waxaad ku dhaqaaqi laheydeen, haddii aad madax noqotaan, inaad dhulka fasahaadisaan, qaraabadiinnana goysaan. Waa kuwaasoo kale kuwa Alle naclado, markaasna uu dhego tiro, indhahana ka rido". Suuradda Muxammad: Aayadaha 22-23.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

135. "Kuwa axdiga Alle jebinaya adkaysiintiisii kaddib, goynayana wixii Alle faray in la xiriiriyo (sida qaraabada) oo dhulka fasahaadinaya, kuwaasu nacalad bay leeyihiin, daarta xumaantana waa leeyihiin". Suuradda Ar-Racad: Aayadda 25.

Wuxuu kaloo yiri kor ahaaye:

136. "Rabbigaa wuxuu guddoonshey inaydaan caabudin waxaan isaga ahayn iyo wanaajinta labada waalid, haddii ay waayeelnimo agtaada ku soo gaarto midkood ama labadoodaba uf ha ku oran hana canaanan. qawl wanaagsan ku dheh una raarici garab nugul naxariis darteed, dhehna; Rabbiyoow u naxariiso sidii ay ii soo koriyeen". Suuradda Al-israa: Aayadaha 23-24.

336. Nufayc bin Xaaris (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Ma idiinka warramaa dembiyada waaweeyn? (seddex jeer buu ku celceliyey) Waxaynu niri: "Haa" Rasuul Alloow'. Wuxuu yiri: waa Alloo loo shariig yeelo iyo caasi waalidnimada (xusul baana u mudnaaye inta fariistay buu yiri) iyo been sheegidda iyo inaad markhaati been ah gasho". Aad buuna ugu celceliyey ilaa aan jecleesannay inuu joojiyo. (Bukhaari iyo Muslim)

337. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: Waxaa ka mida dembiyada kabaa'irta ee waaweyn ee halista ah Alloo wax loo shariig yeelo, iyo waalidkoo lagu caasiyoobo, iyo naf la gooyo, iyo inaad been ku dhaarato". (Bukhaari)

338. Cabdullaah ibn Camar ibn al-Caas (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: "Inuu caayo qofku waalidki waa dambi weyn oo halis ah oo lagu halaagsamo". Dadkii waxay yiraahdeen: Rasuul Alloow! ma nin baa waalidkii caayi kara? Wuxuu ku jawaabay: ÒHaah, Haddii uu caayo qof kale aabihii, qofkii aabihi la caayey baa isna aarogoosasho ahaan caayaya kii wax caayey aabigii; haddii uu caayona qof kale hooyadi, qofkii la caayey hooyadii baa isna caayaya kii cayda billaabay hooyadii". (Bukhaari iyo Muslim)

Werin kale baa waxay leedahay: " dunuubta waaweyn ee halista ah waxaa ka mida in ninku waalidki naclado. Nin baa wuxuu weydiiyey: Rasuul Alloow! Sidee buu qofku waalidkiis u nacladayaa? Wuxuu yiri: " Kolkuu caayo qof kale aabihii, kii aabihii la caayey baa isna markiisa kii wax caayey aabihii caayaya, markuu qofku caayona ruux kale hooyadi, ruuxii hooyadi wax laga shegay baa isna caayaya kii kale hooyadiis".

339. Abuu Muxammad Jubayr ibn Mudcim (A.K.R.) wuxuu yiri: Qaraabo goys Janno ma gali doono. (Bukhaari iyo Muslim)

340. Abuu Ciisaa al-Muqiirah ibn Shucbah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nebigu (S.C.W.) wuxuu yiri: " Alle kor ahaaye wuxuu idinka xaaraanshey in hooyooyinka lagu caasiyoobo, bakhiilnimada, Boobka iyo Booliyenta (Dhaca iyo xoog ku qaadashada hanti iyo xoolo dad kale) iyo in nolol la xabaalo gabdhaha yaryar ee dhasha, raallina kama aha oo ma jecla ku tiri kuteenta iyo hadalka faa'ida la'aanta ah, su'aalaha badan iyo ku ciyaaridda maalka (ku bixintiisa waxaan faa'ido laheyn ama xaraan ah sida sigaarka, qaadka iwm.). (Bukhaari iyo Muslim)

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1626511
Today
Yesterday
All days
1058
2063
1626511
2026-04-01 13:12

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cd19c2728ff12213321781775049154
title_69cd19c27296515670494971775049154
title_69cd19c2729ba4795013151775049154
title_69cd19c272a1617152012751775049154
title_69cd19c272a716029326851775049154
title_69cd19c272ace14887476061775049154

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cd19c2875c417518042381775049154
title_69cd19c2876168248761721775049154
title_69cd19c2876709226506481775049154
title_69cd19c2876ce4451163661775049154

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com