Ku Salli Nabigaada (SCW)


Alxamdullah rabbil caalamiin wassalaatu wassalaamu calaa rasuulillah scw:

Ku Sallinta Nabiga SCW waxay ka mid tahay cibaadoynka kuwa uugu fadliga badan, uguna qiima badan, loona baahanyahay qofka muslimka ah inuu badsado kuna dadaalo.

Waxaa is weydiin mudan: Maxaa laga wadaa ku sallinta Nabiga SCW? Sideen ugu sallinnaa Nabiga SCW!

Waxaa Nabiga SCW laga soo wariyey markii la weydiiyey sideen kuugu sallinaa wuxuu ku jawaabay: Waxaad dhahdaan: "Allahumma salli calaa Muxammad wa calaa aali Muxammed kamaa salleyta calaa Ibraahiima wacalaa aali Ibraahima innaka xamiidun majiid wa baarik calaa Muxammad wacalaa aali Muxammad kamaa baarakta calaa Ibraahiima wacalaa aali Ibraamiina fil caalamiin innaka xamiidun majiid" (Buqaari iyo Muslim)

Qaar ka mid waqtiyaasha soo aroorey in lagu salliyo Nabiga SCW:
  • Tashahudka Salaadda uugu dambeeyo
  • Salaadda janaazada rakcadeeda labaad
  • Muxaadarooyinka iyo khutboynka, sida khutbada jimcada iyo khubada roobdoonka.
  • Aadaanka kadib
  • Markii la galaayo masjidka iyo markii laga soo baxaayo
  • Markii dad meel iskula kulmaan intii kacin kahor, sida shirka oo kale
  • Markii la bilaabaayo ducada
  • Markii qabriqiisa (SCW) la ziyaaranaayo
  • Maalinta jimcada

    Fadliga iyo Miraha laga helaayo ku Sallinta Nabiga (SCW):

1.       Waxaa la fulinaayaa amarka Allah SWT oo Quraanka nagu amray in aan ku sallino Nabigiisa (Nnkh).
2.       Qofkii ku salliyo Nabiga (SCW) hal mar Allah SWT ayaa ku sallinayo 10 mar siduu Nabigu (SCW) xadiis saxiix ah noogu sheegay.
3.       Waxaa loo qoraayaa qofkaas 10 ajir lagana tirayaa 10 dambi siduu Nabigu (SCW) xadiis saxiix noogu sheegay.
4.       Qofkii ku salliyo Nabiga (SCW) Alle ayaa hammigiisa kafaalo qaadayo.
5.       Waxay ku Sallinta Nabiga SCW calaamad u tahay jacaylkiisa.

ALLAH swt hana waafajiyo inaanu badino ku saallinta Nabigeena SCW. Wassalalaahu Calaa Nabiyinaa Muxamed Wacalaa Aalihii Wasaxbihii Wasalam.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1409908
Today
Yesterday
All days
2105
2864
1409908
2025-12-19 23:32

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6945e0a178e114527785171766187169
title_6945e0a178e658378245921766187169
title_6945e0a178eb319029798601766187169
title_6945e0a178f0410112222741766187169
title_6945e0a178f532391723801766187169
title_6945e0a178fbf2871132871766187169

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6945e0a18bee016679298441766187169
title_6945e0a18bf3018862340911766187169
title_6945e0a18bf7d12552653151766187169
title_6945e0a18bfc916692796681766187169

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com