SALAATU-ADUXAA 

(وصلاة الضحى) Tan labaad na waa salaadda barqinka la tukado.

 

Iyaduna waa middii Nabigaﷺ Abuu Hurrayrah u dardaarmay, xadiiska Bukhaari iyo Muslim, haa 2 rakca dood oo barqin kii ah haka tegin buu ku yiri saas buu u dardaarmay.

Nabigunaﷺ maalin kii uu Makkah furtay buu tukaday oo 8 rakca dood buu tukaday, Ummu Haani binu Abii Taalib sida ay werin neyso xadiiska Bukhaari iyo Muslim sidoo kale, marka sidaas weeye.

  • (فاختة بنت أبي طالب (أم هاني))

Salaadda duxada waxaa iyadana la tukadaa qoraxda markay soo baxdo oo wax yar soo kacdo, taqriiban soo bixi taan keeda shuruuqa marka 10 daqiiqo ama 15 daqiiqo laga joogo meelahaas oo soo kacdo laga bilaabo ilaa zawaal ka laga gaarayo ayaa la tukan nayaa. Tira deedu marka waa, 2 rakca dood baa u yar, 8 na waa u badan tahay.

Kutubta Shaaficiyada iyo Minhaajka iyo Rowdaha iyo Imaamu Nawawi 12 baa u badan buu yiri, laakiin badan kooda waxay leeyihiin 8 baa u badan. 12ka xadiis teedu waa daciif, laakiin 8da ayaa xadiiska Ummu Haani loo daliishadaa, waa (صلاة الضحى) waxayse u fadli badan tahay waqtiga ay qoraxdu kululaato oo dhulka iyo carada kululeeyso oo noolaha lugta jilicsan oo dhan ay caga gubyoodaan sooma aha? Haa.

Waa kii xadiiska Nabigaﷺ ahaa…

:وعن زيد بن أرقم رضي الله عنه أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال
 صلاة الأوابين حين ترمض الفصال ) رواه الترمذي)

Yacni nirgaha yar yarka ah markay caga gubyoodaan oo dhulku kululaado, xiligaa weeye xiliga salaadda dadka Ilaahay u noqda salaad dooda waa xiligaa, xiligaas bey u fadli badan tahay.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1725184
Today
Yesterday
All days
1586
3451
1725184
2026-05-17 20:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a0a233c552dd15984111281779049276
title_6a0a233c5532c18694745361779049276
title_6a0a233c55377955703351779049276
title_6a0a233c553c216002912611779049276
title_6a0a233c5540c3376957421779049276
title_6a0a233c554554791642541779049276

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a0a233c67cc51821211051779049276
title_6a0a233c67d133545165141779049276
title_6a0a233c67d5f11388827271779049276
title_6a0a233c67dc021048803051779049276

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com