Qarnigii 1aad ee hijriyada gaar ahaan xilligii khilaafada Cali (h) magaca shiica koox gaar ah looma aqoon ee waxaa lagu magacaabi jiray koox kasto ee bah wadaag ku ah mabda’ ama maslaxad kuu doona ha noqdee. Xilligaasi waxaa loo yaqaanay kooxihii kala raacsanaa Cali iyo Mucaawiya (j), iyadoo koox waliba la oran jiray shiicadii hebel, taana waxaa inoo cadeynaya markii labada koox ay isku waafaqeen dagaalkii Sifiin ka dib in la heshiiyo.
Heshiiskaasi waxay u soo kala dirsadeen Abuu Musa Alashcari (h) oo matalayay dhinaca Cali (h) iyo Camr Ibnu Caas (h) oo matalayay dhinaca Mucaawiye (h)qoraalkii heshiiska lagu gaaray waxaa ku qornaa erayadan”. Kani waa qoraal ay ku heshiiyeen Cali iyo Mucaawiya iyo labadooda shiica (koox) ee kala raacsan”. Macnaha xilligaasi loo yaqaanay erayga shiica ayaa ahaa koox mabda’, fikir iyo maslaxad isku bahaysatay hoggaamiyahoodana ku raacsan arinkaasi, mana jirin koox gaar ah oo magacaasi loo yaqaanay.
Fikirka shiicada sida taariikhdu wariso, waxaa aabe u ahaa dhagaxna dhigay ninkii la oran jiray Cabdullahi Ibnu Saba’ 3 Taqiyadu waa tiir ka mid ah tiirka caqiidada shiicada, taasoo macnaheedu yahay inuu qofku qarsado waxa uu rumeysan yahay ama ka been sheegi karo, sida aan ku arki doono qeybta caqiidada shiicada ee noolaa bilowga qarnigii 1aad ee hijriyda. Ninkan oo reer yemen ahaa gaar ahaan qabiilka la yiraahdo Ximyar, waxaa la yiraahdaa uma dhalan reer Ximyar ee waa uu ku dhax dhaqmay, asal ahaanna wuxuu ahaa yahuudi. Ninkan waxaa la qiyaasaa inuu Islaamka soo galay xilligii khilaafada Cusmaan (h) ama dabayaaqadii khilaafada Cumar (h).
Sida ka muuqatay fikirkii uu xanbaarsanaa iyo hab dhaqankiisa, wuxuu ahaa nin fidno iyo kala geyn la soo dhex galay dadkii muslimiinta ahaa, bilowgii horeba wuxuu bilaabay inuu yiraahdo ama uu gado fikir qariib ku ah Islaamka, Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) iyo saxaabaduna aan ka sugnaan ee uu isagu la kaliyoobay dabadeedna bilaabay inuu dadka ka gado.
Fikirkaasi wuxuu ahaa inuu yiri: “Nabi ma jiro intuusan dhiman wuxuu ka dardaarmi jiray cidda xilka kaga danbeyneysa, waxaana ku xaq leh Aal beytkiisa (qaraabadiisa), Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) qaraabadiisa waxaa ugu fadli badan Cali (h) sidaasi ayuuna Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) ku dardaarmay in Cali khilaafada leeyahay”.
Fikirkan wax yiraahdaa inuu Cabdullahi Ibnu Saba’ ugu horeeyey waxaa qirsan oo qoraalladooda ku cadeeyay culimada Shiicada laf ahaantooda. Ninkan wuxuu isu diyaariyay dhexdana u xirtay sidii uu fikirkan u gadi laha uguna heli lahaa dad raacsan una dagaalama, ninkan wuxuu doonayay inuu dadka muslimiinta ah kala geeyo, waana ay dhacday oo fikirkiisii dad badan oo Islaamka cadaw u ahaa ayaa ka faa’iideystay kuna dadaalay iney dabkii kala geynta ku sii shidaan, waagaasi laga bilaabo bulshadii Islaamka waxaa ku bilowday wax la yiraahdo kooxo (firqooyin) u dhar dhigtay iney Islaamka gudaha kala dagaalamaan.
Ninkan hab dhaqankiisu wuxuu ahaa inuu daah isku qariyo, fikirkiisa inuu dad u dhiibo isagana uusan is muujinin (waa dhaqanka yuhuudda), sidoo kale wuxuu isaga gooshi jiray magaalooyinka Muslimiintu aad u dagan yihiin si uu u gado fikirkaasi gaar ahaan magaalooyinka ka fog xarunta Islaamka ee Madiina oo ay saxaabadii waaweynaa joogeen raadkii Rasuulkana ka qoyan yahay. Meelaha uu xushay inuu suntiisa iyo waabaayadiisa ku afuufo waxaa aad ugu badnaa dadka uu Islaamku ku cusbaa inkastoo ay saxaabada qaarkood joogeen, ninkan dacwaddiisa waxay ahayd miduu si qarsoodi ah u fidin jiray dadka ay aqoon tooda diineed hooseysa ayuu ku beer laxawsan jiray Aala beyt iyo qaraabadii Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) s i uu fikirkan uga gado, wuxuuna u kala socdaalay magaalooyin ka mid Ciraaq iyo Masar.
Dilkii Cali (h) ka dib waxaa sii kordhay fikirkan dadka raacsan, iyada oo dad badan ay si laab la kac ah ula qiiroodeen Aala beytka, waxay arintu sii xoogeysatay markii Xuseen Ibnu Cali (h) isagana la dilay xilligii Yazid Ibnu Mucaawiya uu ahaa Khaliifkii muslimiinta ee dowladdii Umawiyiinta. Dilkii Xuseen Ibnu Cali (h) ka dib waxaa bilowday fikirkii ahaa Imaamada ee ahayd in Imaamka muslimiintu yahay Aala Beyt gaar ahaan dhashii Xuseen oo hadba kan ugu weyn uu leeyahay Imaamada ilaa la soo gaaray Imaamkii 12aad oo sida ay sheegayaan la waayay, ayna sugayaan inuu soo noqdo si uu dunida u xukumo.
Kooxihii fikirkan qabay ee sheeganayay in imaamada muslimiinta ay leeyihiin Aala beytka gaar ahaan dhashii Xuseen ibnu Cali (h), kacdoon koodu wuxuu ahaa mid siyaasadeed oo salka ku haya fikirka imaamada, dowladdii Islaamka ee Umawiyiinta aad bay uga soo horjeesteen dagaallo badanna waa ay la galeen iyaga oo ka duulaya fikirkaasi, sidoo kale dowladdii Cabaasiyiinta bilowgeedii hore. Sida taariikhda ku cad dhaqdhaqaaqa kooxdan wuxuu u badnaa dhulkii Faaris la oran jiray (Qeyb Ciraaq ka mid ah iyo Iiraan) dadkii fikirkan aaminsanaa waxay u badnaayeen dadka ka soo jeedo deegaankaasi.
Islaamka ka hor deegaankaasi waxaa ka talineysay boqortooyadii Faaris ee majuusiyadda (dab caabudka) ahayd. Dad badan oo u dhashay deegaankaasi ayaa waxaa ka guuxayay dareenka soo celinta boqortooyadoodii uu Islaamku burburiyay ee Faaris ee majuusiyadda ahayd, dadkaasi waxay fursad u heleen iney ku biiraan kooxdan dabadeedna ay ku tallaalaan fikradihii ay boqortooyadoodii aaminsaneyd, iyaga oo ku tilmaamaya iney ka mid tahay usuusha caqiidada Islaamka oo qofkii rumeyn waayaa uu gaaloobayo, waxyaabihii bidacda ahaa ee ay ku soo biiriyeen waxaa ka mid ah:
1. Arinta Imaamada oo maanta ka mid ah arkaanta Iimaankooda iyo iney dhaxaltooyo tahay uu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) ka dardaarmay, imaamyadaasina ay yihiin 12, kii 12aadna uu isaga oo yar tagay soona noqon doona, ilaa hadda oo laga joogo in ka badan kun sano waa ay sugayaan, waxayna rumeysan yihiin inuu yahayMahdigii la sugayay.
“Waxyaabaha aasaaska u ah mad-habteena waxaa ka mid ah in Imaamyadeenu leeyihiin meeqaan uusan gaari karin Malak Alle u dhow iyo Nabi la soo diray”.4
Caqiidadaasi ay aaminsan yihiin waa tan keentay iney saxaabada la colloobaan in yar oo fara ku tiris ah mooyee, colaaddaasi waxay gaartay xataa Aala beytka qaarkood الخوميني “الحكومة الاسلامية” ص 4 52 sida Alcabbaas (h) oo ahaa Nabiga adeerkii iyo Ibnu Cabbaas (h) oo isna ahaa Nabiga ina adeerkii sidoo kalena ah ummaddan caalimkoodii Nabigu u duceeyay turjumaankii Quraankana ahaa.

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix