KAALMEYNTA MUSLIMIINTA BAAHAN

Alle weyne kor Ahaaye wuxuu yiri:

106. “Khayrka iyo samaha fala aad liibaantaane” Suuradda al-Xaj: Aayadda 77.

244. Xadiiskan waxaynu ku soo marnay No.233. Xadiiskan ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu kaga warramayaa Nebigu (S.C.W.) hadalkuu yiri in qof kasta oo muslim ahi u walaal yahay qofka kale ee muslimka ahi, sidaa awgeed muslimiintu ay yihiin walaallo aan isdulmin, cadowna isu gacan gelin. Qofkii danta walaalkii muslimka ah daryeela oo dhibka ka saara inuu helayo kaalmada iyo daryeelka Alle kolkay isaguna dhibaato la soo gudboonaato. Qofkii qof muslim ah dhibaato ka saaraa Allaa kaga saaro dhibaato ka mida dhibaatooyinka maalinta qiyaamaha, qofkii qof muslim ah u ceeb qariyaana, Allaa u ceeb qariya maalinta qiyaamah”.

245. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii qof muslim ah dhibaato ka saara dhibaatooyinka adduunka ah, Allaa ka saara dhibaato ka mida dhibaatooyinka maalinta qiyaamaha. Qofkii qof danaysan taakuleeyana Allaa taakuleeya aakhiro iyo adduunba. Qofkii qof muslim ah u ceeb qariyaana Allaa u ceeb qariya maalinta qiyaamaha. Allena addoonka waa u kaalmaynayaa inta addoonku walaalkiis u kaalmaynayo. Qofkii waddo cilmi raadin awgi u marana, Allaa u sahlo waddo jannada ah. Mar kasta oy qoon ku kulmaan guri guryaha Alle ka mid ah (Masjid) iyagoo kitaabka Alle (Qur’aanka kariimka ah) akhrisanay oo dhexdooda akhrinta wadaagaya xasilooni baa ku soo dagta, naxariis “Alle” baana daboosha, ma laa’igna waxay ku daboosha baalashooda, Allena malaa’igta isaga ag jooga buu u sheegaa. Qofkii camalkiisu reebana dhalashadiisu (yacni nasabkiisu) sooma hormariyo”.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1725184
Today
Yesterday
All days
1586
3451
1725184
2026-05-17 20:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a0a233c552dd15984111281779049276
title_6a0a233c5532c18694745361779049276
title_6a0a233c55377955703351779049276
title_6a0a233c553c216002912611779049276
title_6a0a233c5540c3376957421779049276
title_6a0a233c554554791642541779049276

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a0a233c67cc51821211051779049276
title_6a0a233c67d133545165141779049276
title_6a0a233c67d5f11388827271779049276
title_6a0a233c67dc021048803051779049276

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com