KAALMEYNTA MUSLIMIINTA BAAHAN

Alle weyne kor Ahaaye wuxuu yiri:

106. “Khayrka iyo samaha fala aad liibaantaane” Suuradda al-Xaj: Aayadda 77.

244. Xadiiskan waxaynu ku soo marnay No.233. Xadiiskan ibn Cumar (A.K.R.) wuxuu kaga warramayaa Nebigu (S.C.W.) hadalkuu yiri in qof kasta oo muslim ahi u walaal yahay qofka kale ee muslimka ahi, sidaa awgeed muslimiintu ay yihiin walaallo aan isdulmin, cadowna isu gacan gelin. Qofkii danta walaalkii muslimka ah daryeela oo dhibka ka saara inuu helayo kaalmada iyo daryeelka Alle kolkay isaguna dhibaato la soo gudboonaato. Qofkii qof muslim ah dhibaato ka saaraa Allaa kaga saaro dhibaato ka mida dhibaatooyinka maalinta qiyaamaha, qofkii qof muslim ah u ceeb qariyaana, Allaa u ceeb qariya maalinta qiyaamah”.

245. Abuu Hurayrah (A.K.R.) wuxuu yiri: Nabigu (S.C.W.) wuxuu yiri: “Qofkii qof muslim ah dhibaato ka saara dhibaatooyinka adduunka ah, Allaa ka saara dhibaato ka mida dhibaatooyinka maalinta qiyaamaha. Qofkii qof danaysan taakuleeyana Allaa taakuleeya aakhiro iyo adduunba. Qofkii qof muslim ah u ceeb qariyaana Allaa u ceeb qariya maalinta qiyaamaha. Allena addoonka waa u kaalmaynayaa inta addoonku walaalkiis u kaalmaynayo. Qofkii waddo cilmi raadin awgi u marana, Allaa u sahlo waddo jannada ah. Mar kasta oy qoon ku kulmaan guri guryaha Alle ka mid ah (Masjid) iyagoo kitaabka Alle (Qur’aanka kariimka ah) akhrisanay oo dhexdooda akhrinta wadaagaya xasilooni baa ku soo dagta, naxariis “Alle” baana daboosha, ma laa’igna waxay ku daboosha baalashooda, Allena malaa’igta isaga ag jooga buu u sheegaa. Qofkii camalkiisu reebana dhalashadiisu (yacni nasabkiisu) sooma hormariyo”.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1403434
Today
Yesterday
All days
3116
4049
1403434
2025-12-16 23:51

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6941f088d2b6b2306674211765929096
title_6941f088d2bbc6844302881765929096
title_6941f088d2c0a877666931765929096
title_6941f088d2c5a8836602501765929096
title_6941f088d2cc311929215591765929096
title_6941f088d2d1512961807421765929096

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6941f088e57e1971916381765929096
title_6941f088e584f18738739421765929096
title_6941f088e58a311939394701765929096
title_6941f088e58f014326899051765929096

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com