Sida aannu horay u soo tilmaamnay kooxdan shiicada la yiraahdo oo bilowgeedii hore ka duuleysay fikir siyaasadeed, xukun iyo cidda ku xaq leh xukunkaasi, ayaa ugu danbeyntii isu rogtay koox caqiido iyo mabaadi’ rumeysan ka dib markii ay ku soo biireen dodyow badan oo doonayay iney Islaamka dhagraan ama ka aarsadaan maadaama uu burburiyay diimahoodii. Caqaa’idka ay maanta shiicadu rumeysan tahay inta badan waxay salka ku haysaa fikrado ka soo jeedo caqiidooyin hore iyo bidac ay iyagu ku soo dareen dadkana ay uga dhigeen diin iyo mad-hab ku abtirsata Islaamka saxa ah.
Qoraalkan kooban kuma soo ururin karno dhammaan waxyaabaha ay rumeysan yihiin, hase yeeshee waxaan ku soo qaadaneynaa inta ugu waaweyn si aannu u cadeyno mowqifka Islaamku uu ka qabo fikradahaasi ay aaminsan yihiin, waxyaabaha aasaaska u ah caqiidada ay la soo shir tagaan waxaa ka mid ah.
1. Imaamada: oo ah in Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) uu magacaabay cidda xukunka kaga danbeysa, taasoo ah mid uu Ilaahay (c) cadeeyay naska Quraankana lagu sheegay Nabiguna uu ka dardaarmay, Calina uu ahaa ninkii ku xaq u lahaa isagana uu kala sii dardaarmay labadiisii wiil ee Xasan iyo Xuseen sida ay u kala weyn yihiin, ka dibna ay sidaasi ku soconeyso silsiladdaasi oo imaam kastaa uu wiilkiisa curadka ah ka dhaxlayo imaamnimada isaga ka dib.
Arinkan waxay u soo daliishadaan dhacdadii Qadiir Khum oo ay leeyihiin waa meeshii uu Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) kula dardaarmay Cali inuu isagu leeyahay dhaxalka xukunka Nabiga ka dib, runtii dhacdadani meelna raad loogama hayo Muxadisiinta Sunnada iyo taariikh yahannada Muslimiinta meelna kuma aysan cadeyn dardaaranka dhacdadaasi waxay u badan tahay mid u gaar ah shiicada oo ay iyagu abuurteen si ay fikirkoodaas ku xoojiyaan, waana sida ay u badan yihiin in axaadiis daciif ah ama asal ahaan aan raad lahayn ay soo arooriyaan, waxay rumeysan yihiinna u soo daliishadaan, sida kutub tooda ku cad waxay leeyihiin kutub u gaar ah oo ay ku soo arooriyaan axaadiis ay sheegaan iney ka sugnaatay Nabiga ( صلى الله عليه وسلم) oo inta badan ay ku jiraan rag lagu yaqaan been abuuradka iyo daciif nimada axaadiis tooda, sida kitaabka Alkaafi oo uu qoray Alkuleyni oo lagu soo arooriyay dhowr iyo toban kun oo xadiis, waxay yiraahdaan wuxuu u dhigmaa Kitaabka saxiixa ah Albukhari. sida la cadeeyayna axaadiistaasi waxay u badan yihiin been abuur iyo kuwa dabar go’an oo aan loo hayn raad taxan.
3. Cilmiga waxyooday.
4. Imaamyadu waxa ay leeyihiin mucjisooyin ay dadka tusaan sida Anbiyada, taasoo cadeyneysa imaamnimadooda.
5. Soo noqoshada Imaamka: waxay rumeysan yihiin in Imaamkii 11aad ee Alxasan Alcaskari wiilkiisii dhaxli lahaa ee noqon lahaana imaamkii 12aad in isagoo yar la waayay, sida ay sheegaanna god weyn oo ku yaal magaalada Saamurraa ee Ciraaq ayuu galay, waxay aaminsan yihiin inuu imaamkaasi soo noqon doono ilaa haddana ay sugayaan – waxaana qiyaastii laga joogaa in ka badan kun iyo boqol sano -. Qaarkood maqrib waliba godkaasi afkiisa ayay istaagaan una dhawaaqaan Imaamkaasi iyagoo ugu yeeraya magaciisa si uu ugu soo baxo, markii goor danbe la gaaro oo uu soo bixi waayana waa ay iska kala tagaan iyagoo ku raja qabo inuu habeenka xiga u soo baxo.
Imaamkan 12aad ee ay leeyihiin isaga oo yar ayaa la waayay oo uu godkaasi galay, – sida la xaqiijiyay Alxasan Alcaskari ilmaba kama tagin ama wiilkiisa isaga oo yar ayuu dhintay. Waxaa la yiraahdaa imaamkaasi ma jiro ee waa shakhsiyad la sameeyay laguna dhisayay caqiidada Imamiyada. Waxay rumeysan yihiin Imaamkaasi marka uu soo noqdo wuxuu xukumi doonaa adduunka cadaalad iyo xaqsoor ayuu ka buuxin doonaa dunida, sida dulmi iyo cadaalad dari looga buuxiyay.
6. Taqiya: oo macnaheedu yahay in la qarsado waxa la rumeysan yahay, mabda’an wuxuu ka mid yahay usuusha biyo kama dhibcaanka ah ee ay shiicadu aaminsan tahay, la’aantiina qofka diintiisu sax ma ah in laga tagaana waxay ka dhigan tahay iyada oo salaadda laga tago. Mabda’an Taqiyada la yiraahdo wuxuu asal ahaan ka soo jeedaa ninkii la oran jiray Mukhtar Al Thaqafi ee noolaa qarnigii 1aad ee Hijriyada, kaasoo qabay in Imaamadu Cali ka dib uu lahaa Muxammad Alxanafiya oo ka mid ahaa Cali caruurtiisa, wuxuu kaloo qabay in Muxammad Alxanafiya macsuum yahay, uuna hayo Quraan aysan muslimiinta kale haysan, sidoo kale ogyahay cilmiga qarsoon ee sirta ah cid kalena aysan ogeyn.
“Taqiyadu waa diinteyda iyo diinta aabayaashey, iimaan ma leh qofka aan taqiya lahayn”.5
Waxay kaloo yiraahdaan Taqiyadu waa 90% diinta, sidaasi daraadeed ayaa inta badan shiicadu waxay rumeysan yihiin qariyaan kana been sheegaan si aan loogu tuhmin iney diinta Ilaahay (c) badaleen oo ay la yimaadeen waxaanan ka mid ahayn, marka lala doodayo inta badan ma sheegaan caqiidadooda, gaar ahaan waxay ka rumeysan yihiin Quraanka iyo saxaabada, sidaas ayay dadka aan kutubtooda iyo qoraalladooda akhrin ama aan aqoon badan u lahayn kooxdan shiicada la yiraahdo ay ku qaldaan una tusaan inaan wax badan lagu kala duwaneyn oo lagu been abuurto.
7. Waxay rumeysan yihiin inuu jiro Musxaf aan ahayn Musxafka Quraanka oo la yiraahdo Musxaf Faduma, inkastoo ay inkiraan oo ay yiraahdaan ma rumeysnin oo waxaan rumeysan nahay Kitaabka Quranka – taasina waa taqiyadooda, waayo arintan waxay ku cadahay kutubtooda marjica u ah sida kitaabka Alkaafi ee uu qoray AlKuleyni boggiisa 57aad wuxuu ku soo arooriyay in Jacfar As Sadiq uu yiri: “Waxaan leennahay Musxaf Faduma”, markii la weydiiyay muxuu yahay Musxaf Faduma, wuxuu yiri:
“Waa Musxaf sida Quraankiinna oo kale ah oo sadax jibbaaran, Wallahi xaraf Quraankiinna ah kuma jiro”.6
8. Mutcada: oo ah guurka mudada kooban lagu heshiinayo, guurka noocan ah shiicadu waxay u arkaan inuu yahay hab dhaqan wanaagsan iyo waxyaabaha Ilahay (c) loogu dhawaado kuwa ugu fadliga badan, in gabadha lagula heshiiyo in la qabi doono muddo kooban qiima go’anna lagu siiyo arintaasi Islaamka sharci ahaan waa uu xarimay oo xalaal ma ah, culimaduna waxay ku tilmaamaan iney sino tahay labadii qof ee ku heshiiya guurka noocaasi ah, laakin shiicadu waxay u arkaan hab dhaqan wanaagsan oo diinta ka mid ah.
9. Waxay rumeysan yihiin in laga bari noqdo inta badan saxaabada oo macnaheedu tahay in laga fogaado oo wax laga sheego, gaar ahaan Khulafadii Abu Bakar, Cumar iyo Cusmaan
(j) sidoo kale Caa’isha (o), ka bari noqosho kaliya ma ah ee waa in la lacnado oo diintooda iyo sharafkooda la duro, arintani waxay ka mid tahay imaanka qofka haddii uusan sidaa yeelin caqiidadiisu sax ma ah, waayo khulafadaasi waxay u arkaan iney yihiin daalimiin Ilaahay iyo Rasuulkiisa amarkoodii iyo dardaaran koodii marin habaabiyay ummaddiina qalday, sidaasi daraadeed ay waajib tahay in la lacnado.
10. Caqiidada Bada: oo ka mid ah tiirarka ugu waaweyn ee caqiidadooda gaar ahaan kooxda la yiraahdo Ithnaa Cashariya (laba iyo tobanleyda) oo ah kooxda ugu badan shiicada maanta uguna mayalka adag, kuwaasoo ah shiicada Iiraan, Ciraaq, Lubnaan iyo qeyb ka mid ah Pakistan iyo Afgaanistaan iyo wadama kale.
Caqiidada Bada oo uu keenay ninkii la oran jiray Mukhtar Athaqafi ee noolaa qarnigii 1aad ee Hijriyada lana casriyay bundhigihii fikirka shiicada Cabdullahi Ibnu Saba, ayaa caqiidadan wuxuu ku keenay markii uu damcay inuu abaabulo ciidan u hiiliya Xuseen Ibnu Cali (h) una aarguda ayuu ciidankii u sheegay in Ilaahay (c) uu u balan qaaday in duulaan koodaas ku guuleysan doonaan, markii la soo jibiyay ayaa abbaanduule ka mid ahaa ciidanka oo firxad ah u yimid kuna yiri, aaway balanqaadkii Ilaahay (c) ee aad noo sheegtay, markaasuu ku yiri, balanqaadku sax buu ahaa waana sidii uu Ilaahay (c) u sheegay, hase yeeshee Ilaahay (c) wax kale ayaa u muuqday oo waxaa ku yimid wax uusan ku tala galin oo aan u qorsheysneyn sidaasi ayuuna wax u badalay, xilligaa laga bilaabo caqiidada Bada oo macnaheedu yahay Ilaahay (c) waxaa u muuqda oo ku soo baxa wax uusan ku talagalin markaasi ayuu wax badalaa.

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix