DADKII DIINTA UGU SOO HORREEYEY

Rasuuka SCW markii Allaah subxaanahu wataacaalaa soosaaraymas'uuliyaddaa weynanka badan oo ah mid qof bini aadan ah la saaro tii ugu cusleyd una baahan juhdi, dadaal iyo sabir, waxa uu bilaabay u qumitaankeedii isagoo ka bilaabaya meeshii laga soo direy ee Makka oo ahayd xaruntii diinta ee carbeed, kacbadiina ay ku taalley dadkii ku noolaana ahaayeen dad aad uga fog xaqa iyo islaamka. Wuxuu markaa Rasuulku SCW markii ugu horreysey dacwadii ku bilaabay si qarsoodi ah maxaa yeelay waxa dhici kari lahayd haddii uu markii u horreysey kala dhex kici lahaa inay dhib u keeni lahayd dacwada, sidaa dareeed Allaha Xakiimka ah ayaa ku ilhaamiyey Rasuulkiisa inuu bilowgii dacwada qarsoodi u guto, waxayna dacwadu sidaa ku soo socotey saddex sano.

Ugu horreyntii wuxuu Rasuulku dacwada ka bilaabay ehelkiis (gurigiisa), qaraabadiis iyo saaxiibbadiis intii ugu kheyrka badneyd ee uu wanaagga ku yaqaanney isna lahaa wey ajiibayaan xaqa. Waxaa dacwadii ajiibey oo noqday dadkii ugu horreeyey ee islaamka qaatay xaaskiisii Khadiijo bintu Khuweylad, saaxiibkiis Abubakar alsidiiq, mowlihiisii Seyd binu Xaarith iyo ina adeerkiis Cali binu Abii-dhaalib oo wiil yar ahaa.

Ka dib Abubakar alsiddiiq oo ahaa nin magac iyo sharaf ka leh Makka dhexdeeda, ahaana nin ganacsade ah ayaa markuu xaqa qaatey waxa uu sameeyey habkii lagu yaqiin qofka daaciga ah oo ahayd inuu markuuu xaqa qaato uu naftiisa ku tadbiiqiyo dabadeedna dadka kale u gudbiyo, wuxuu markaa Abuubakar dacwadii gaarsiiyey qaar ka mid ahaa saaxiibbadiisii uu ku kalsoonaa, waxaana isla markiiba dacwadiisii ku islaamay shan saxaabi oo Ilaahay diintiisa ku ciseeyey kana mid ahaa tobankii jannada loogu bishaareeyey, waxayna kala ahaayeen:1. Cusmaan Binu Cafaan
2. Subyr binu Cawaama
3. Cabdiraxmaan binu Cawf
4. Sacad binu abii waqaas
5. Dalxa binu CubeydillahKa dib waxaa ku soo xigsaday oo soo islaamay Bilaal binu Rabaaxa, Abuu Cubeyda Caamir ibnu Jarraax, Abuu Salama binu Cabdilasa, Arqaam ibnu abii Arqam, Cusmaan binu Madcuum iyo laba walaalihiis ah Quddaama iyo Cabdullaahi, Cubeyda binu Xaarith binu Mudhalib, Siciid binu Seyd iyo xaasikiisii Faadumo bintu Khadaab (Cumar binu Khadhaab walaalishiis), Khabaab ibnul-arat, Cabdullaahi binu Mascuud iyo kuwo kale waxaa uuna ibnu Haashim gaarsiiyey illaa 40 qof. Intaasoo dhan waxay ahaayeen dadkii islaamka ugu horreeyey, dabadeedna qof ayaa loo soo gelayey ilaa uu
islaamkii magaaladii Makka ku fidey o lagu sheekeystey.

Odeyaashii qureysheed markii ay maqleen arrinkaas dan kama gelin oo waxay iska dhaadhiciyeen in Maxammed raacay diin ka mid ah diimihii jirey sidii markaa ka horba ay niman qureysh ka mid ahi u raaceen diimihii kale, laakin markay maqleen in dad badani Nabi Maxammed raaceen, maalin walbana ay sii siyaadayaan ayay baraarugeen hase yeeshee tallaabo weyn ma aysan qaadin saddexdii sano ee dacwadu qarsoodiga ahayd.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1618947
Today
Yesterday
All days
1050
1348
1618947
2026-03-28 13:06

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69c7d23a6869311696384071774703162
title_69c7d23a686fb15009022551774703162
title_69c7d23a6875a7021723551774703162
title_69c7d23a687b96687157061774703162
title_69c7d23a6881618481849181774703162
title_69c7d23a6888914381389811774703162

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69c7d23a7fad29322831311774703162
title_69c7d23a7fb317272090591774703162
title_69c7d23a7fb8e17952598921774703162
title_69c7d23a7fbe61456229081774703162

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com