NABADA IYO MUHIMADA ISLAAMKU SIIYAY
ilaahay ayaa mahad leh nabad galyo iyo naxariis rasuulkeena muxamad ah dushiisa ha ahaato.
intaa kadib waxaan rabaa inaan kahadlo muhimada ay nabaddu kuleedahay islaamka dhexdiisa oo an doonayo inan waxyar ka iftiimiyo,markaan sidaas leeyahayna uma jeedo inan la ogayn ama aan lagaranaynin ahmiyada nabadgalyadu leedahay ee waxaan isleeyahay sidi loo baahnaa looma fahmin.
hadii aan muwduuca kusoo dhowaado walaalayaal nabadgalyadu muhimad khaas ah ayay uleedahay jiridaanka aadanaha,xayawaanka,iyo jamadaadka(manolaha),waxabana ladhihi karaa waa tiirka koowaad ee nolosha,hadaan nabadi jirin nololi jirimayso sida layiri marar badan.
sharaxaad badan uma baahna arintaas,aadanahu wuu ka qaxaa meeshii uu nabad kuwaayo sikasta oo ay qiimo ugu lahayd noloshii uu kuhaystay,xayawaanku wuu kahajiraa halka lagu waxyeeleyo barwaaqo kasta oo uu kuqabay,jamaadaadkuna jiri mayaan hadii ayan helin nabad iyo daryeel,taasina waa wax marag madoonto ah oo ay fahmi karto cidkasta.
sidaas darteed ayuu islaamka dowr weyn kaciyaaray adkaynta nabadgalyada iyo ilaalinteeda waxabana ladhihi karaa waxay kamid tahay waajibaadka shareecad uqasdiday in laxifdiyo.
islaamku isagaaba nabad galyo ah sida ku cad magaciisa,magacyada ilahay waxa kamid ah السلام (Assalaam) oo micnaheedu nabadgalyo tahay,nabi muxamad(scw)waxa nalafaray markaan kusalinayno inaan niraahno صلي الله عليه وسلم (salalahu calayhi wasalim)oo micnaheedu yahay nabadgalyo iyo naxariis dushiisa ha ahaato,salaadaha markan kabaxno waxa nala faray inaan niraahno
اللهم انت السلام ومنك السلام
(allahuma anta salaam waminka salaam) oo micnaheedu tahay ilahow adaa nabad ah xagaada ayayna nabadgalyadu katimaadaa.
arimahaasoo dhan hadii aynu ilgaar ah ku milicsano waxa ay ina tusinayaan martabada ay nabadu islaamku kajoogto iyo qiimaha gaarka ee ay leedahay.

logo 2


Facebook Liibaanta

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

3259066
Today
Yesterday
All days
245
2176
3259066
2026-10-04 02:22

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

JSN_TPLFW_GOTO_TOP
UongofuUongofu.com