SOO DIRITAANKII RASUULKA SCW

Markii ugu horreysey ee Rasuulka uu waxyiga ku bilaabanayey waxaa lagu bilaabay riyo wanaagsan oo hurddada ugu imaaneysey oo u cad sida oogga waabberi oo kale. Riyaadaas waxay socotey muddo lix bilood ah Rasuulku SCW wuxuu jecleystey inuu meel gaar ah ku cibaadeysto wuxuuna tegi jirey god la yiraahdo Qaaru Xiraa oo ku yaalley buurta Nuur oo Makka laba mayl u jirta, halkaas oo uu soo joogi jirey habeeenno intuu sahaydiisa (cuntaddiisa)

qaato, waxaa uu Rasuulka SCW ku cibaadeysan jirey iney diintii Nabi Ibraahiim aheyd iyo in kale ma kala cadda, laakiinse waxaa cad in shirkigii iyo asnaamtii taalley Khaliijul-carab uu ilaahay ka dhowray uuna nacay.

Wuxuu Nagiba SCW hadba sahaydiisa qaato oo uu godkaas ku khalweeyaba, maalinkii dambe ayaa Malag u yimid wuxuuna ku yiri: "akhri", markaasuu Nabigu SCW ku yiri: "wax ma akhriyo", ka dib intuu qabtey oo majuujiyey ayuu mar labaad yiri: "akhri" Nabiguna wuxuu yiri: "wax ma akhriyo", mar saddexaad intuu qabtey ayuu yiri: "ku akhri magaca Rabbigaagii abuuray (koonka), akhri Rabbigaana waa kan sharafta lehe, oo baray (dadka) qalimka, dadkana baray waxaysan ogeyn). (Suuratul-Calaaq 1-5) Markaasuu Rasuulku ka daba akhriyey, intaa ka dibna malagii waa uu tegey.

Rasuulku SCW isagoo naxsan oo wadnihiisu boodboodayo ayuu gurigiisii yimid markaasuu ku yiri xaaskiisii Khadiija: "I deda I deda" iyana wy dedday ilaa uu argagaxii ka tegey, markii naxdintii ka ba'day ayuu qisadii u sheegay Khadiija kuna yiri: "naftayda ayaan maanta u baqay" markaasay tiri: "ilaah baan ku dhaartaye Alle ku hoojin maayo weligaa mxaa yeelay martidana waad soortaa, xaqana waad u kaalmaysaa", markaa ka dib ayey Khadiijo wadday Rasuulka SCW waxayna u tageen Waraqata ibnu Nawfal oo ahaa Khadiijo ina adeerkeed, diintii Nebi Ciisena haystey ahaana nin oday ah oo aad u da'weyn oo indho la'kuna turjumi jiray kitaabka Injiil luuqadda Carabbiga. Markay u tegeen ayaa Khadiijo tiri: "ina adeer bal dhegayso wiilka aad adeerka u tahay", Waraqa wuxuu Nabiga ku yiri: "maxaad aragtay?" markaasuu Rasuulku SCW u sheegay qisadii. Waraqa markuu qisadii dhegaystey ayuu fahmay arrintii wuxuuna yiri: "kaa kuu yimid waa kheyr wadihii Nabi Muuse u imaan jirey" wuxuuna intaa sii raaciyey "shallaytadeydee maan noolaado marka qoomkaagu ku bixinayo".

Rasuulka SCW waxa uu la yaabay wanaagga iyo jaceylka uu dadkiisa dhexdiisa ku leeyahay iyo hadalkan ah Makka ayaa laga saari doonaa, markaasuu yiri: "oo ma i bixinayaan", Warqaa wuxuu yiri: "Haa, qof lama imaan waxa aad la timid ilaa waa lala colleytamay, haddii aan maalinkaa gaarana waan kuu gargaari" hase yeeshee Waraqa markaa ka dib muddo badan ma sii noolaan, waxyigiina waa is raacraacay. Ka dib Rasuulka SCW waxyigii muddo ayuu ka kala go'ay si argagaxu uga tago, debadeed wuxuu yiri Rasuulka SCW: "anigoo soconaya ayaan samada markaan arkay malaggii Qaaru Xiraa iigu yimid oo kursi ku fadhiya samada iyo dhulka dhexdooda markaasaan ka argagaxay ilaa aan dhulka ku dhacay.

Ka dib reerkaygii ayaan u tagay oo ku iri: "I dede i deda" markaasay i dedeen. Alle ayaa markaa soo dejiyey aayadahan: "(NABIGA) IS DADAYOW, KAC OO DIG RABBIGAANA WAYNEE, DHARKAAGAN DAAHIRI, WAXA XUNNA KA HIJROOD" (sida asnaamta) (Suurat Al-Mudathir)

HABABKII UU WAXYIGU UGU IMAAN JIRAY RASUULKA SCW

wuxuu waxyigu ugu imaan jiray Rasuulka SCW toddoba nooc oo kala ahaa sidatan:

1) Riyo wanaagsan oo hurdada ugu imaanaysay, taasoo u caddayd sida oogga waabberi waana tii waxyigu ugu bilaabmay.

2) Arrimo uu malaggu qalbigiisa ku rido isagoon malagii arag.

3) Malagga ayaa nin isugu soo matali jiray oo la hadli jiray ilaa ay mararka qaarkood asxaabtu ka arkeen.

4) Waxyiga ayaa ugu imaan jiray sida qaylada gambaleelka waxayna taasi ahayd habka ugu daran Rasuulka SCW ee waxyiga ugu imaan jiray oo wuu dhididi jiray.

5) Malagga ayaa ugu imaan jiray suuraddiisii Alle abuuray oo u waxyoon jiray, waxayna arrintaani dhacday labo jeer sida ay tilmaantay suuratu Wannajmi.

6) Alle ayaa uga waxyooday samawaadka dushooda sida habeenkii la dheelmiyey ee salaadaha lagu soo farad yeelay Alle ayaa toos ula hadlay siduu Nabi Muuse ula hadlay.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1373234
Today
Yesterday
All days
210
1409
1373234
2025-12-04 04:30

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69310e6c69d016067995111764822636
title_69310e6c69ddb790506311764822636
title_69310e6c69eab6449923331764822636
title_69310e6c69f7a8344513071764822636
title_69310e6c6a04710923703021764822636
title_69310e6c6a11312033153961764822636

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69310e6c6ae832148197201764822636
title_69310e6c6af5613072169931764822636
title_69310e6c6b0267697120591764822636
title_69310e6c6b0f415501013431764822636

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com