DHISITAANKII KACBADA

Sida la sheego waxaa la yidhaahdaa kacbada waxaa dhisay malaa'ig ama Nebi Aadam laakiin Qur'aanka iyo axaaddiista midna kama hadlin arrinkaas, sidaa darteed waxaa xaqiiqo ah oo Qur'aanka iyo axaaaddiistuba sheegeen in Nabi Ibraahiim iyo wiilkiisa Nabi Ismaaciil ay dhiseen. Waqtigii qureysheed, Nebiga oo 35 sano jira ah ayey qureysh waxay dheheen kacbadii maaddaama ay duugowday waa in aan dhisnaa oo aan maal u ururinaa, waxayna isku dhaarsadeen in aysan kacbada ku dhisin illaa wax xalaal ah maahane iyo in aysan gelin naag saaniyad ah xoolaheeda iyo xoolo Riba ah iyo wax qof bani aadam ah laga dulmiyey.Nimankii qureysheed markii ay kacbada dhisaayeen waxaa ka go'ay xoolihii xalaasha ahaa ee ay haysteen sidaa daraaddeed waa ay ka soo soka mariyeen kacbada dhismihii Nabi Ibraahim labada tiir ee Shaam xigay. Markii ay dhismihii dhammeeyeen ayey isku khilaafeen ciddii xajarul-aswadka booskiisii dhigi lahayd maxaa yeelay qabiil walba wuxuu rabay inuu isagu magaca qaato.

Markuu arrinku qir iyo qir daadhey ayey waxay go'aansadeen qofka ugu horreeya ee albaabkaas ka soo galaa inuu kala saaro. Nasiib wanaag qofkii ugu horreeyey ee albaabkii ka soo glay wuxuu noqday Nabiga SCW markaas bay ku farxeen oo waxay dheheen waa Max'ed Aammiin kulligayo raalli baan ka nahay. Arrinkii bay Nagiba SCW u sheegeen markaas buu wuxu yir: "ii keena go", markii go'ii loo keenay buu yiri: "qabiil walba nin ha keeno" markii qabiil kasta nin keenay ayuu dhagaxii go'ii ku dhex riday nin walbana uu dhinac qabtay, markii meeshii la gaarsiyeyna intuu kor u qaaday ayuu saaray.

Arrintaan oo kale meelaha ay qureyshtu ku dhaantey dad badan oo maanta islaam u nasab sheeganaya maxaa yeelay qureyshi waxay garatay in cibaadada Alle iyo beytkiisa aan lagu dhisin xoolo xaaraam ah laakiin in badan oo muslimiin ahi waxaa laga yaabaa ineysan taas fahmin oo cibaadada ilaahay ay xaaraam u adeegsadaan, wax badan oo khayr ahna ay xaaraam geliyaan sida masaajiddada iwm.Sidoo kale Ilaah way rumeysnaayeen, sida marka la yidhaahdo yaa abuuray cirka iyo dhulka, idinkana yaa idin irsaaqa, roobkana yaa keena waxay dhihi jireen "Allaah". Asnaamtana waa ay ogaayeen in aysan Ilaahyo ahayn laakiin waxay u sameeyeen suurado dad wanwanaagsan sida Nabi Ibraahiim iyo Nabi Ismaciil waxayna dhihi jireen Ilaah baannu ugu dhowaaneynaa, sida maantaba dadka u yiraahdaan awliyada Ilaah baannu ugu dhawaaneynaa. Sidoo kale markay ku safraan badda oo dhibi ku timaaddo Ilaahay ayey baryi jireen, laakiin maanta dad muslimiin sheeganaya ayaa hadday dhibi ku timaaddo awliyada keliya baryaya ama Ilaah iyo awliyada amaba Ilaah iyo Nabiga SCW.
 

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1695860
Today
Yesterday
All days
2402
1550
1695860
2026-05-02 16:02

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69f620258fa4920517967281777737765
title_69f620258fa9c3652731661777737765
title_69f620258fae89884150011777737765
title_69f620258fb3319865342741777737765
title_69f620258fb7e7007215171777737765
title_69f620258fbca17364436981777737765

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69f62025b26a419758845091777737765
title_69f62025b26d312060276191777737765
title_69f62025b272113780768601777737765
title_69f62025b276d13997239691777737765

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com