TIIRKA LABAAD: Rumaynta Malaa'igta waana khalqi(la abuure) aad u wayn, ilaahay kaliya ayaa garanaya awoodooda iyo tiradooda, mid walba oo malaa'iktaas kamida wuxuu leeyahay timlaamo iyo magacyo iyo shaqo u gaar ah, sida: Malaku Jibriil oo u xilsaaran soo dajinta waxyiga rabi, gaadhsiinayana rusushiisa. TIIRAKA SADEXAAD: RUMAYNTA KUTUBTA Kutubta samada laga soodajiyay ee Eebbe weyne ku sheegay kitaabkiisa waa: Quraanka Kariimka, oo ilaahay kusoo dajiyay Nabigiisa Muxamed -sallallaahu calayhi wasalam-. Sabuur: Allaah ayaa kusoo dajiyay Nabigiisa Daa'uud-calayhi salaamTIIRKA AFRAAD: RUMAYNTA RUSUSHA Rumayn go'an, oo adag ee ah: in Ilaahay koreeye ummad kasta u soo diray Rasuul ugu baaqaya ciibaadadda illaahay keligiis, oo aan lahayn cid la wadaagta, iyo inay ka gaaloobaan waxa la caabudo isaga ka sokow. In dhammaan Rusushaasi yihiin dad aadame ah, rag, addoommo Eebbe, runsheeg, la rumaysto, Alla kacabsi leh, aamin ah, hanuunsan, watayna mucjisooyin tusinaya runnimadooda, isla markaana ay guteen waajibkii dacwada, Dhammaantoodna waxay ku sugnaayeen xaq cad iyo hanuun iska cad. Rusushaas Baaqooda iyo dacwadooduba waxay ka sinaayen Tawxiidka ilaahay -koreeye- oo ah in ilaahay kaligii la caabudo, waxna lala wadaajin cibaadadiisa.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1411983
Today
Yesterday
All days
2031
2149
1411983
2025-12-20 10:39

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69467cd2c0e9a4825707831766227154
title_69467cd2c0f083437688301766227154
title_69467cd2c0f5c13060362801766227154
title_69467cd2c0fab4329080841766227154
title_69467cd2c0ff8261862751766227154
title_69467cd2c10456251497121766227154

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69467cd2dc34a17019974461766227154
title_69467cd2dc39c20962583811766227154
title_69467cd2dc3c314712046471766227154
title_69467cd2dc41019355575321766227154

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com