TIIRKA KOOWAAD: waa Qiritaanka inaad qirtid inuusan jirin ilaah-xaq lagu caabudo- Allaah mooyee, Mmuxamedna uu yahay rasuulka ilaahay. Ilaahay koreeye wuxuu yiri: {Ogow oo qir inuusan jirin ilaah xaq lagu caabudo Allaah mooyee} [suurada muxamed 19]. macnaha shahaadada (SHADAADATU AN LAA ILAAH ILLA LLAAHU) waa qiritaanka inuusan jirin Ilaah xaq lugu caabudo Allaah mooyaane. salaada oogisteedu waa in loola yimaadaa siduu ilaahay-koreeye- u jideeyay rasuulkuna Muxamednasallaalahu calayhi wasalm- uu noobaray. TIIRKA SADEXAAD: BIXINTA SAKADA Ilaahay koreeye wuxuu yiri: [Sakada bixiya] [Suurada Al-baqara 110] waxayna ku waajibtaa maalka markuu gaaro qadar go'an, taasoo la siinayo sideed kooxood oo quraanka lugu sheegay, oo ay ka mid yihiin Faqiirka iyo Miskiinku. Bixinta zakaduna waxay tilmaan u tahay naxariista io dabacsanaanta ruuxa muslimka ah, sidoo kale waxay nadiifisaa maalkiisa, dadka baahana way raali galisaa, iyadoo xoojisa xariga walaalnimada iyo isjacaylka dhex yaala mujtamaca muslimka, sidaa darteed ayuu ruuxa muslimka ah bixinayaa isagoo naftiisa uga raali ah kuna faraxsan sida uu kaalmada ugu gaystay mujtamacaas kale. zakada Maalka qadarkeedu waa 2.5%, waxayna ku waajibtay: Dahabka iyo Fidada, Lacagta,iyo Badeecada laga ganacsado, marka uu sanad ka soo wareego ee ay gaadho xaddi go'an. sidoo kale zakada waxay ka waajibtaa xoolaha nool ee nicmoolayda ah sida (geela, lo'da, ariga), waana marka ay tahay mid daaqda oo calfata wixii dhulka kasoo baxa, sanadka intiisa badan, ruuxa lihina uuna gacantiisana ku quudin. sidoo kale waxay ka waajibtaa waxa kasoobaxa dhulka sida Baddarka, Miraha, Macdanta, markay gaarto qadar go'an.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1411983
Today
Yesterday
All days
2031
2149
1411983
2025-12-20 10:39

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69467cd2c0e9a4825707831766227154
title_69467cd2c0f083437688301766227154
title_69467cd2c0f5c13060362801766227154
title_69467cd2c0fab4329080841766227154
title_69467cd2c0ff8261862751766227154
title_69467cd2c10456251497121766227154

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69467cd2dc34a17019974461766227154
title_69467cd2dc39c20962583811766227154
title_69467cd2dc3c314712046471766227154
title_69467cd2dc41019355575321766227154

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com