Tiirka Saddexaad
Rususha oo la rumeeyo
(الإيمان بالرسل)
J: Oo rusushu waa Ayo?

C:Rusushu basharkay ka mid yihiin, oo waxbay cunaan, waxbay cabbaan, suuqyaday iska maraan, Allaase ku gooni yeelay risaaladiisa (diintiisa), kuna kallifay inay shareecadiisa faafiyaan, iyagaana basharka ugu fadli badan, ugu daahirsan, uguna nadiifsan, wayna badan yihiin, oo waxaa ka mid ah kuwaynu horey usoo xusnay, ee uu Aadam ugu horreeyay, Muxamadna ugu danbeeyay ( calayhim assalaatu wassalaam ), muslimkuna wuu rumeeyaa, wuuna jecel yahay, fadligoodana wuu caqiideeyaa, Allana diin qudhuu u soo dhiibay oo ah in dadka loogu yeedho in Alle kaligii la caabudo, oo nabi waliba qoomkiisa wuxuu ku yidhaahdaa:

يَا قَوْمِ اعْبُدُواْ اللَّهَ مَا لَكُم مِّنْ إِلَهٍ غَيْرُهُ
(هود( 50)

“Qoomkayow, Alle caabuda, cid xaq lagu caabudo oo kale ma lihidine.”

[Suuradda (11aad) Huud, Aayadda 50]

Ha iskuba khilaafsanaadeen rusushu cibaadaadka iyo axkaamta tafaasiishooda e, rasuul walbaana qoomkiisii uunbaa loo diray, Muxammad oo dadka oo idil loo diray mooyee (sallalaahu calayhi WA sallam).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1816242
Today
Yesterday
All days
44
2878
1816242
2026-06-27 00:32

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a3f1a2a50da34739336061782520362
title_6a3f1a2a50e1150610681782520362
title_6a3f1a2a50e7519037727051782520362
title_6a3f1a2a50ed819727989911782520362
title_6a3f1a2a50f3a20638033761782520362
title_6a3f1a2a50f9d19595169491782520362

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a3f1a2a6babd18816887781782520362
title_6a3f1a2a6bb0f19072161911782520362
title_6a3f1a2a6bb5c17268934951782520362
title_6a3f1a2a6bba95079483881782520362

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com