Qodoka Tobonnaad(Xajka)

J: Haddana nooga sheekee tiirka shanaadee islaamka.

C: Waa inuu muslimka awooda u lihi u xajiyo baytul-xaraamka. Xajka macnihiisuna waa in Makka loola qasdo gudashada acmaasha xajka, ee kale duwan , sida dawaafka, sacyiga….waana ku waajib ruux kasta oo muslima , oo oofsaday shuruuda xajka , oo ah inuu xajka uhelo awood: dhinaca maaliyada iyo dhinaca badankaba, illayn nafna Alla kuma kallifo wax awoodeeda kasareeyee, oo waa ka Alla leh- subxaanahu watacaalaa:

لاَ يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلاَّ وُسْعَهَا
.(البقرة (286)

“Alla nafna kuma kallifo waxayna awood uhaynin.”

[Suuradda (2aad) Al-baqarah, Aayadda 286]

يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ
.(البقرة (185)

‘’Alla fudayd buu idinla dooni, oo cidhiidhi idinlama doonaayo.”

[Suuradda (2aad) al-Baqarah, Aayadda 185]

J: Cibaadadan muuqaaladeedu waa maxay?

C: Muslimku, markuu ku soo dhawaado Makka wuu isdaahirin, isna nadiifin, maydhanna is cadrin, ninku labisan dharka ixraamka: oo ah go, iyo qayd (gunti hoose) cad- cad, oo nadiifa, haweenayduna labbiskay rabto ayay qaadan, laakin daahira, xishmo iyo xishood iyo asturaadi ka muuqato, dabadeed baytkay dawaafi, Safaa iyo Marwa ayay dhex socon, bisha xajka sagaalkeeday Carafa istaagi, habeenkeedana (10ka bisha) muzdalifa ayay u hoyan, Ayaamu-tashriiqana (11-12-13bisha) Mina ayay ku nagaan.

Cibaadadaasay wada gudan, iyaga oo uuna inna wax farqi ihi u dhaxaynin: qanigooda iyo faqiirkooda, madawgooda iyo cadaankooda, carabkooda iyo cajamigooda, oo labiskoodu waa mid, meesha la is taagi waa mid, meesha la baryi waa mid, halka lagu nagaan waa mid, waxa lafali waa mid, qibladu waa mid, diintu waa mid, illayn rabbigaa ah ilaah qudha, oo kaligii mudan in lacaabudo.

Intaa dabadeed, islaamku waakan atbaac diisa ku tarbiyayn isu imaatinka, isku duubnaanta, isjacaylka, walaalaynta iyo sinaanta. Waxaa muslimiinta maanta hayaana, sababtiisu waxaa weeye oo kaliya inay ka hadheen ku dhaganaantii diintooda, haday si dhab ah u qabsadaanna way liibaani lahaayeen, cizzoobi lahaayeen, oy guulasanlahaayeen!!!!!

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1817509
Today
Yesterday
All days
1311
2878
1817509
2026-06-27 17:47

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a400cc64590d2221153391782582470
title_6a400cc64595c4328083941782582470
title_6a400cc6459a721424274231782582470
title_6a400cc6459f214124017671782582470
title_6a400cc645a3c15681895341782582470
title_6a400cc645a864730083441782582470

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a400cc65a1d94437548561782582470
title_6a400cc65a2293739959941782582470
title_6a400cc65a2767104415631782582470
title_6a400cc65a2c515935647431782582470

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com