Qodoka Tobonnaad(Xajka)

J: Haddana nooga sheekee tiirka shanaadee islaamka.

C: Waa inuu muslimka awooda u lihi u xajiyo baytul-xaraamka. Xajka macnihiisuna waa in Makka loola qasdo gudashada acmaasha xajka, ee kale duwan , sida dawaafka, sacyiga….waana ku waajib ruux kasta oo muslima , oo oofsaday shuruuda xajka , oo ah inuu xajka uhelo awood: dhinaca maaliyada iyo dhinaca badankaba, illayn nafna Alla kuma kallifo wax awoodeeda kasareeyee, oo waa ka Alla leh- subxaanahu watacaalaa:

لاَ يُكَلِّفُ اللَّهُ نَفْسًا إِلاَّ وُسْعَهَا
.(البقرة (286)

“Alla nafna kuma kallifo waxayna awood uhaynin.”

[Suuradda (2aad) Al-baqarah, Aayadda 286]

يُرِيدُ اللَّهُ بِكُمُ الْيُسْرَ وَلاَ يُرِيدُ بِكُمُ
.(البقرة (185)

‘’Alla fudayd buu idinla dooni, oo cidhiidhi idinlama doonaayo.”

[Suuradda (2aad) al-Baqarah, Aayadda 185]

J: Cibaadadan muuqaaladeedu waa maxay?

C: Muslimku, markuu ku soo dhawaado Makka wuu isdaahirin, isna nadiifin, maydhanna is cadrin, ninku labisan dharka ixraamka: oo ah go, iyo qayd (gunti hoose) cad- cad, oo nadiifa, haweenayduna labbiskay rabto ayay qaadan, laakin daahira, xishmo iyo xishood iyo asturaadi ka muuqato, dabadeed baytkay dawaafi, Safaa iyo Marwa ayay dhex socon, bisha xajka sagaalkeeday Carafa istaagi, habeenkeedana (10ka bisha) muzdalifa ayay u hoyan, Ayaamu-tashriiqana (11-12-13bisha) Mina ayay ku nagaan.

Cibaadadaasay wada gudan, iyaga oo uuna inna wax farqi ihi u dhaxaynin: qanigooda iyo faqiirkooda, madawgooda iyo cadaankooda, carabkooda iyo cajamigooda, oo labiskoodu waa mid, meesha la is taagi waa mid, meesha la baryi waa mid, halka lagu nagaan waa mid, waxa lafali waa mid, qibladu waa mid, diintu waa mid, illayn rabbigaa ah ilaah qudha, oo kaligii mudan in lacaabudo.

Intaa dabadeed, islaamku waakan atbaac diisa ku tarbiyayn isu imaatinka, isku duubnaanta, isjacaylka, walaalaynta iyo sinaanta. Waxaa muslimiinta maanta hayaana, sababtiisu waxaa weeye oo kaliya inay ka hadheen ku dhaganaantii diintooda, haday si dhab ah u qabsadaanna way liibaani lahaayeen, cizzoobi lahaayeen, oy guulasanlahaayeen!!!!!

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1495731
Today
Yesterday
All days
2574
2489
1495731
2026-02-01 22:21

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_697fd1d4be4c215893630861769984468
title_697fd1d4be51411570848971769984468
title_697fd1d4be5642431521991769984468
title_697fd1d4be5b015273217481769984468
title_697fd1d4be5fa14791009851769984468
title_697fd1d4be6452600632871769984468

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_697fd1d4d967914810394461769984468
title_697fd1d4d96af11793995531769984468
title_697fd1d4d96fe21353292201769984468
title_697fd1d4d974e5084278821769984468

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com