Qodobka Sagaallaad(Soonka Ramadaan)

J: Tiirarkii islaamka, sadexbaan ka haynaaye, ka afraad waa maxay?

C: Tiirka afraad waa ramadaanka oo la soomo.

J: Bal nooga sheekee soonka ramadaan

C: Ramadaan waa magaca bisha sagaalaad, oo ka mida bilaha dayaxa lagu xisaabsado, oo Alla soonkeeda ku waajibiyay muslimiinta. Soonkuna waa cibaado muslimiinta loogu faral yeelay, sidii loogu faral yeelay ummadihii ka horeeyay iyo diimihii samaawiga ahaa.

Allana wuxuu yidhi – subxaanahuu watacaalaaa:

يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ كُتِبَ عَلَيْكُمُ الصِّيَامُ كَمَا كُتِبَ عَلَى الَّذِينَ مِن قَبْلِكُمْ لَعَلَّكُمْ تَتَّقُونَ
.(البقرة (183)

“kuwii Alle rumeeyow, sidii kuwii idinka horeeyayba, soonka loogu faral yeelay, ayaa idinkana la idiinku faral yeelay, si aad Alle uuga cabsataan.”

[Suuradda (2aad) al-Baqarah, Aayadda 183]

J: Sida uu soonku muslimiinta agtooda ku yahay, bal tilmaan iga sii, maxayse ka soomaan?

C: Soonku waa in la daayo cunnada, cabidda iyo jimaaca, laga soo billaabo waaga dillaaciisa ilaa gabbal dhaca, goortaas oo wixii loo diiday oo idili u banaanaan, ilaa uu haddana waagu ka dillaaco, oo wixii oo dhan laga joogsado.

J: laakin muxuu soonku taraa?

1. Horta waa daaco iyo cibaado iyo camal uu muslimku Alla uugu dhawaan, xagiisana uu ajri wayn kaga heli, kol haduu Alla dartii u daayaye cunnadiisii, cabbiddiisii iyo waxay naftu rabtay, oo wuxuu Alla jecelyahay ka hor mariyay hawadiisa iyo waxay naftiisu jeceshahay, sidaa awgeedna soonku waxaa muslimka uugu jira in lagu tababarayo, laguna edbinayo inuu waxa Alla jecelyahay ka hor mariyo waxa naftiisu jeceshahay

2. Soonka iimaanka iyo taqwadaa ku siyaada, maadaama ay ruuxdu ku dahirmayso soonka

3. Naftana sabir iyo adkaysi ayuu u caadeeyaa

4. Muslimka soomani, kolkuu dareemo oonka iyo gaajada xanuunkooda, wuxuu xasuusan fuqarada iyo masakiinta dhibaatada haysata, taasoo ku riixi inuu u naxariisto, lana dareen wadaago.

5. Faa’idooyin badan oo waawayn oo dhinaca caafimaadka ah iyana waa laga helaa soonka, oo calooshii iyo nidaamkii dheefshiidka, ee sanadka oo dhan, shaqada joogtada ah ku jiray, waxay u baahanyihiin inay helaan waqti ay kaga nastaan shaqada ku dheeraatay, cunada iyo cabidda oo laga joojiyaana wax tar wayn bay utahay, waxaa iyana jidh ka kabixi suntii iskor-kortay, arimahaasna waa waxay sugeen addibbo (dhakhaatir) aan muslimiinba ahayn

6. Soonku wuxuu kamid yahay muuqaalada, laga arko midnimada muslimiinta iyo sinaantooda: qanigooda iyo faqiirkooda, xaakimkooda iyo maxkuumkooda, kabiirkooda iyo saqiirkooda, labkooda iyo dhaddigooda, oo Allay u wada soomanyihiin, danbi dhaaf wada waydiisanayaan, hal waqtibay cuntada ka wada joogsan, hal waqtina way wada afuri, maalintii oo dhanna ka simanyihiin gaajada iyo oonka, oo soonku mujtamaca sooman, wuxuu ka dhex xaqiijin: hadaf mida, shucuur mida, damiir mida, aaye mida, iyo caqiida mida.

Caqiidaddu waxay suura dhab ah ka dhiibi midnimada uugu wayn ee ummadda dadkeedu kasimanyihiin, intay doonaan ha ku-kale duwanaadeen jinsiga, midabka iyo wadanka. Haddaad arrintaa daliilkeeda dontana, bal si fiican baytul-xaraamka uuga daawo shaashaadka warbaahinta, si aad u aragto boqolaalka kun, iyaga oo markaliya wada afuri, salaada isu taagi, oo wax walba kamidaysan: rukuucda, sujuuda… ilaa salaada laga baxo. Hadaba majiraa muuqaal midnimo muujin oo ka cad muuqaalkan quruxda badan?!

Soonku dagannaasho dhinaca nafta ah ayuu xaqiijiyaa, lagdanka nafta gudaheeda ku dhex mari waxa sharka kiciya iyo waxa khayrka keena waa joogto, soonkayse awooda khayrku ku guulaysan, oo amnigu nafta gudaheeda ku faafi, hadana u gudbi xubnaha, oo iyana ku nicmaysan amnigaa iyo daganaanshahaa, kolkaasuu khayr oo dhammi u dhaboobi muslimka sooman
Soonku niyaduu xoojiyaa, akhlaaqda fiicanna wuu dhaliyaa, wuxuu kordhiyaa ruuxa muslimka ah dareenkiisa ah inay jirto ilaalin Alle.
J: Ilaahaw waa wax bilic iyo wanaag badan!!!

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

690187
Today
Yesterday
All days
154
1311
690187
2024-09-20 02:43

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66ece138815ea5024100891726800184
title_66ece1388171c9586941391726800184
title_66ece138818608992191071726800184
title_66ece1388199919609679871726800184
title_66ece13881ad618345474841726800184
title_66ece13881c0817796040991726800184

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66ece13882d8a894411011726800184
title_66ece13882e5c8784746151726800184
title_66ece13882f2813464128341726800184
title_66ece138830012423848651726800184

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com