Qodobka Sideeddaad(Zakada)

J: Kani wuxuu ahaa tiirkii labaad ee islaamka ee waa maxay ka saddexaad?

C: Waa in zakada la dhiibo, oo ah qayb xaddidan oo ka mid ah xoolaha qaniga in la siiyo fuqarada, arrintaas oo Alle ku caabuda, naftuna raali ku tahay

J: Intee in le-eg buu qanigu xoolihiisa ka siin fuqarada?

C: Qaddarku wuxuu ku kala duwan yahay sida xoolahu ukala duwan yihiin oo -masalan- dahabka iyo fiddada (qalinka) iyo wixii lacag ah, kolkii shuraada la helo waxa ka waajibi 2.5%, wixii beeraha kasoo baxa iyo midhahana 5%, hadii qalab lagu waraabsho, haduu roob waraabshana 10%, waana wax uu qaddaray Allaha wax walba og xogtiisana haya, sidaa darteed, waa qaddar aan xoolaha qaniga culays ku ahayn, faqiirkana u gudaya danihiisa lama huraanka ah, waana nooc ka mid ah iskafaala qaadka bulsheed, ee lagu faral yeelay muslimka qaniga ah, oo la yiraahdo: ZAKO, arrintuna iyadan uun kuma koobnee waxa kale oo islaamku faray sadaqo, aan iyadu waajib ahayn oo haddii la falo ajri laga heli, haddii kalana aan la isu ciqaabaynin, sida zakadana aan qaddarkeeda la cayimin, hase ahaatee kolkii jidadka khayrka wax lagu sii bixiyaba ajrigaa sii waynaan. Iskafaala qaadka bulshadeed, qaniga wuxuu ka dhigi inuu faqiirka u naxariisto, faqiirkana inuuna karaahiyad u qaadin qaniga, iskuna dayin inuu dilo, ama xado, ama dhibaato kaleba u gaysto, maadaama uu ka helay walaalkiisa hodanka ah naxariis iyo qalbi nugayl (jileec).

Zakada iyo cibaadaadka kalaba muslimka waa ku waajib, halla helo dawlad islaam ah oo amar ku hir galisa, ama yaan la heline, oo la mid maaha nidaamyada adduunyaad, ee meel marintoodu ku xiran tahay dawlad jiritaankeed iyo awooddeed, taana waxaa keenay inuu muslimku leeyahay damiir ku riixa inuu falo wuxuu rabbi faray, ka joogsado wuxuu ka reebay, goor kasta iyo xaalad kasta uu ku jiro, haba ka maqnaato ilku haynta dawladnimo, oo wuxuu ogyahay in Alla ilaalinayo, waxwalbana ogyahay, dhaqdhaqaaqiisa iyo xaaladihiisa oo dhanna daalacanayo.

Islaamku wuxuu ku dadaalay inuu dhaqaaluhu isu dheelli tirraado, jid qurux badanna arintaa wuu u qaaday, oo wuxuu diiday nidaamka hanti wadaagga ee maalka ka xanibay kuwii wax ikhtiraacay, mufakiriinta iyo kuwa wax soo saaraayay, ee uuga dhaartay inay kasabkooda ka siiyaan wax dhaafsan waxay siiyaan shaqaalaha daciifka ah ee baliidka ah, dabeedna dabaqadii wax xukumaysay, ayaa wax walba iskala kaliyoobi, halkaana waxa kasoo baxay shacab wayne, silic iyo saxariir u dhiman, iyo dabaqad sare oo dhereg iyo barwaaqo ku nool. Haddaba, xaggee bay cadaalad iyo garsoor uuga iman kuwaasoo kale.

Sidaas oo kale ayuu islaamku uugu gacan saydhay nidaamka hanti goosadka ah ee jid walba maal ka kasoo xayuubsanaya ,haba ahaadeen jidad qaloocan oo xaaraan ah, oo keena in shaqaalaha la dulmiyo, dabaqad gaar ahina siday doonto xoolaha uugu tasarruto, intii kalena ay dhib iyo baahi ku cadaabanto, sidaa awgii itijaaha nidaamka hanti goosdka ihi, waa in hantiiluhu sii hodmo, faqiirkun sii faqiiro, taasoo dhalisay inuu faqiirku colaad daran uqaado qaniga, iskuna dayo inuu xoolihiisa si uun u hantiyo: tuugo, khiyaano, iyo sidii kale ee uu ku heli karo, ama inuu dilaba, qaniguna wuxuu ku dadaali inuu kaba maarmo gacan aadami shaqaynteed, oo wuxuu bilaabay inuu shaqaalihii in yar inyar uuga takhaluso, isaga oo halkoodii soo gashan qalabkii badali lahaa, arintaasina waa damac iyo hunguri wayni darteed iyo inaan ruuxna la wadaagin xoolaha, taasoo keentay in mujtamicii laba qaybood u kala dilaaco: qayb si daran u xoolaysata , iyo qayb si laga argagoxo u faqiirta, oo waxaa meesha ka baxday dabaqadii dhexe ee asaaska u ahaan lahayd isu dheeli tiranka dhaqaale ee mujtamaca guduhiisa ah.

Dulmigani kuma koobna afraada hanti goosadka ah oo qura, ee wuxuuba usii gudbaa heerka duwalka hanti goosad ka ah, oo aad isugu hawla sidii ay uuga faa’idaysan lahaayeen duwalka faqiirka ah khayraadkooda, hantidoodana qiima jaban uugu qaadan lahaayeen, ama bilaashba. Aaway hadaba, cadaaladda ay ku hadaaqaan, had iyo goor? Aawayse xuquuqda insaanka ee ay ku andacoodaan?

Islaamkuse, dhab ahaan wuxuu ruuxa u ogolaadaa inuu hanti yeesho, waase inay kasoo gasho jidadka sharcigu ogolyahay, sidaa darteed baana loogu diiday waxyaalaha dhibaatada u keeni maslaxada guud iyo ta gaarba ee sabab u noqon in mujtamaca ka dhex dilaacdo dabaqiyadda lanecbyahay. Islaamku wuxuu ku waajibiyay muslimka inuu maalkiisa ka bixiyo xaqa faqiirka oo ah zakada lagu faral yeelay, si loo helo iskafaala qaadasho bulshadeed, wuxuuna dhiiri galiyay oo kale bixinta sadaqada, oo ajri loo yeelay, si uu ruuxu uugu dadaalo inuu wax baxsado, Allana ajri uuga fisho, kaasaana lagu heli isu dheeli tiranka dhaqaale, umuuruhuna si habsan uugu socon, faqiirkuna uuna wax nacayb ah uugu qaadaynin qaniga.

Mushkilaadka dhaqaale ee xirxiran ee maanta caalamka ka taagan, xalkeedu wuxuu ku yimid islaamka, 1400 oo sano ka hor.( alla may tolkay taa ogaadaan)….

[1] meesha ilmaha la dhigo markuu dhasho
[2] Meel walbay gaadhay lagana maqla
[3] Soo saaridda dadka maalinta qiyaamo
[4] Soo saaridda dadka maalinta qiyaamo

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

789409
Today
Yesterday
All days
139
1886
789409
2024-12-22 03:15

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_676784469549f18550277601734837318
title_67678446955898474215541734837318
title_67678446956606847719261734837318
title_676784469573a12668220331734837318
title_676784469580f4301769081734837318
title_67678446958e417214605691734837318

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_676784469668c7026187711734837318
title_676784469678920875344311734837318
title_67678446968621653668081734837318
title_676784469693a13979667451734837318

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com