Qodobka Sadexaad
J: Uunkan yaa leh oo ku tasarrufa? Ma mid mise in kabadan?

C: Waxaan ku su’aali: ma suura gashaa in laba hogaamiye, oo dhinac walba ka simani ay wada hogaamiyaan dayaarad, ama doon, ama dawlad nimo?

J: Hubaal, maya.

C: Oo maxaa iman lahaa haday taasi dhacdo?

J: Dayaaraddu way baydhi lahayd, doontuna way qarriqmi lahayd, dowladnimaduna way dumi lahayd.

C: Haddaba, haddii uunkani laba khaaliq yeelan lahaa, dhul iyo cirba way fasaadi lahaayeen. Haddaynase, arrini sidaa ahayn oo caalamka idaylkii arrimihiisu suganyihiin oy nidaamsanyihiin, waxay taasi ka mid tahay daliilalada ugu waawayn ee cadaynaya in uu caalamka u taliyo rabbi kaliya, malik kaliya, ilaah kaliya, ee uuna lahayn ilaah iyo Rabbi aan isaga ahayn, sida ayna fitrada iyo caqligu u oggolayn in uu caalamku lahaado laba rabbi, oo, isu dhigma oo wax wada abuura, ayayna u ogolayn laba ama seddex ilaah, oo wada mudan in lacaabudo, illayn cibaadada ka mudan unbaa lasiiyaaye, ka mudanna waa rabbiga khalqay, ee maamula uunka, aadmigu kamid yahay, ee wax arzaaqa, sidee baa haddaba cibaadada looga weecin kii mudnaa, loona caabudi ku aan mudnayn?

Sidani waa kas-yari, iyo ku aan kuu nicmayn oo lagu shukriyo kii kuu nicmeeyayna lagu kufriyo oo ah rabbiga iyo ilaaha aan isaga mooyee, ilaah kale iyo rabbi kale midna jirin, macnaha saxa ah ee muslimka caqiidadiisa ku sugan waa {لا اله الا الله}, oo macnaheedu yahay:

(Ma jiro wax xaq lagu caabudo oon Alle ahayn).

Macnaheedu waxa weeye oo kale, in noocyada kala duwan, ee cibaadada isaga oo kaliya loo weeciyo sida tawxiidka, salaadda , soonka , zakada, iyo qaybaha kale ee cibaadada, waa in haddana lagu kufriyo waxaan alle ahayn ee la caabudo sida: sanamyada, geedaha, dhagxaanta, xoolaha, wax yaalaha naftu rabto iyo hawooyin keeda, iyo wax kasta oon Alle ahayn.

Kol haddaad ogaatay in ka uunkan abuuray ee mulkiya, ee dhul iyo cirba u taliyaa, uu rabbi qudha yahay, hadana ogow inuu yahay ilaaha kaligii mudan in la caabudo, waana rabbiga caalamiinta, ee kolkaad doonto inaad Alle caabudo waxa waajib kugu ah inaad kaligii caabuddo, oo aadan wax kale la caabudin.

BAL haddana dhegayso wuxuu Alle Qur’aanka ku yidhi ee arrinkan ku saabsan:

وَمَا أَرْسَلْنَا مِن قَبْلِكَ مِن رَّسُولٍ إِلاَّ نُوحِي إِلَيْهِ أَنَّهُ لا إِلَهَ إِلاَّ أَنَا فَاعْبُدُونِ
.(الانبياء(25)

“Muxammadoow (sallalaahu calayhi wa salam) – ma jiro Rasuul aanu hortaa soo dirnay, oo aanaan u waxyoonin: Ilaah xaq lagu caabudo oon aniga ahayni ma jiree aniga I caabuda.”

[Suuradda (20aad) al-Anibiya, Aayadda 25]

Wuxuu Alle leeyahay oo kale:

ذَلِكَ بِأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْحَقُّ وَأَنَّ مَا يَدْعُونَ مِن دُونِهِ الْبَاطِلُ وَأَنَّ اللَّهَ هُوَ الْعَلِيُّ الْكَبِيرُ
.(لقمان (30)

°Wuxuu Alle aayahadan idiinku muujin si aad ugu daliishataan inuu yahay jiraaga xaqa ah, iyo ilaaha xaqa ah, waxay caabudayaan ee kalana inuu baadil yahay, isna yahay sarreeyaha wax walba ka sarreeya, iyo waynaha wax walba ka wayn.°

[Suuradda (31aad) Luqmaan, Aayadda 30]

____________________________

[1] Yahuud iyo Nasaaro.
[2] Injiil iyo Tawraat
[3] Nabi Muxammad.
[4] Qur’aanka kariimka.
[5] Makko.
[6] Bood-boodi.
[7] Fitra (الفطرة) garashada Alle, tawxiidkiisa, iyo jacaylkiisa ruux kasta oo la dhalo naftiisa ku uuman.
[8] Awood laawe.
[9] Hadal makare.
[10] Kaamilnimo dhamaystiran.

Qodobka Afraad
4 رابعا
C: Ma waxaynu Alle ku caabudi siday nafteeno dooni iyo rabitaankeenna, mise siduu isagu dooni oo uu jecel-yahay?

J: Maya, ee siduu raaliga ka yahay, uuna jecel-yahay, sidee baynuse u garan dariiqa uu Alle rabo jecelna-yahay?

C: Alle -sarreeye- rusul buu soo diray, kutubna wuu soo dajiyay, si uu adoomada u tuso wuxuu jecelyahay, raalina ka yahay, iyagana maslaxo ugu jirto.

J: oo waa kuwama rususha uu Alle addoomaha u soo diray?

C:Rusul iyo nabiyaal badan ayuu Alle soo diray, oo ay ka mid yihiin:

Aadam,
Nuux,
Ibraahiim,
Isxaaq,
Yuusuf,
Yuunus,
Zakariyaa,
Yaxyaa,
Muusaa,
Ciisaa, iyo
Muxammed, (salawaatullaahi wasalaamuhu calayhim jamiican)…
Kulligoodna dadka waxay uugu yeedheen inay Alle oo kaliya caabudaan, wax Alle wixii ka soo hadhayna ay ka hadhaan, waana addooma Alle, oon la caabudaynin iyo rusushiisii oon la beeninaynin, ruuxii midkood beeniyana, islaamka wax nasiiba kuma laha, xukunkanina Qur’aankuu ku sugan yahay, oo Alle wuxuu leeyahay:

آمَنَ الرَّسُولُ بِمَا أُنزِلَ إِلَيْهِ مِن رَّبِّهِ وَالْمُؤْمِنُونَ كُلٌّ آمَنَ بِاللَّهِ وَمَلائِكَتِهِ وَكُتُبِهِ وَرُسُلِهِ لاَ نُفَرِّقُ بَيْنَ أَحَدٍ مِّن رُّسُلِهِ وَقَالُواْ سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا غُفْرَانَكَ رَبَّنَا وَإِلَيْكَ الْمَصِيرُ
(البقرة (285)

“Rasuulku wuxuu rumeeyay wixii rabbigii looga soo dajiyay, mu’miniintuna way rumeeyeen, mid waliba wuxuu rumeeyay Alle iyo mala’igtiisa iyo kutubtiisa iyo rusushsiisa, iyagoo leh cid rususha ka mid ah kala qaadi mayno, oo waanu wada rumaysannahay, waxay dheheen oo kale: ku maqalnay oo ku adeecnaye Rabbaw, noo danbi dhaaf, Adiga unbaana dib loogu soo noqon doonaaye).”

[Suuradda (2aad) al-Baqarah, Aayadda 285].

J: Kumaa rususha ugu danbeeyay?

C: Nabi Muxammad (sallallaahu calayhi wasallam).

J: Muxammad waa kee?

C: Waa Muxammad binu cabdillaahi, oo Quraysha oo caraba, Makka oo jaziirada carbeed ku taalla joogi jiray, hadana Al-Madiina -almunawwarah dagay, Allana soo diray, si uu dadka oo dhan uga saaro mugdiyada, uuna saaro nuurka.

J: Ma carabta unbuu rasuul u yahay?

C: Maya, ee adoomada oo dhan buu rasuul u yahay, oo carab iyo cid kale, ku cad iyo ku madaw, intoodaba waa loo soo diray. Alla wuxuu yidhi:

قُلْ يَا أَيُّهَا النَّاسُ إِنِّي رَسُولُ اللَّهِ إِلَيْكُمْ جَمِيعًا
(سورة الأعراف) (158)

“Ku dheh: dadyahaw, Rasuul Alle, dhamaantiin u soo diraan ahay.”

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684696
Today
Yesterday
All days
1083
1445
684696
2024-09-16 19:39

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e8895481e2119069260361726515540
title_66e8895481f0c227924171726515540
title_66e8895481fec9226613281726515540
title_66e88954820cb17933626131726515540
title_66e88954821a810814516501726515540
title_66e88954822939187604221726515540

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e889548306f14637036951726515540
title_66e889548315510284079021726515540
title_66e88954832436253760101726515540
title_66e88954833221525969411726515540

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com