J: Oo maxaa u daliila Nabinimadiisa?

C: Way badan yihiin daliilada cadaynaya nabinimadiisa.

Waxyaalaha la ogyahay waxaa kamida inuu xaqu sugnaado  siina jiro, baadilkuna tago uu sii tirmo, soo bixidii Nabiga, 1400 oo sano in kabadan ayaa ka soo wareegtay, walina diintii loo soo dhiibay way xoog badantay, aadna way usii fiddaa.  taa waxaa u sii wehelisa inuu ahaa agoon ku koray degaan faqiira, oo jaahila oon xadaarad iyo horumar midna lahayn, wuxuu ahaa oo kale ummi, aan wax aqriyin oon wax qorin, oon madraso galin, jaamacadna kasoo bixin, isagoo sidaas ah ayuu la yimid nidaamkan cajiibka ah , ee hagaagsan ee sugan, ee uu aduunka ku xukumay, aadamiguna ku badhaadhay, atbaacdiisiina ay noqdeen kuwa adduunka u hogaamiya halka ay dantu ugu jirto oo la helay caddaalad iyo horumar aqooneed iyo tu anshaxeedba, heer fogna laga gaadhay. Miyay haddaba inna caqligal tahay inuu waxaas oo idil iska suuraystay, ama iska mala awaashay?

J: Suura gal ma aha inuu isaga uuni iska keentay.

C: Waxaa inna hor taala qiso sugan oo uu warinayo nin la yidhaahdo Abuu Sufyaan, oo kamid ahaan jiray kuwii Nabiga ugu cadawsanaa , lana dagaalamay ilaa uu Alle islaamka ku hadeeyay, dabadeedna waakan qissada innoo billaabi ee leh :

Muddadii annaga iyo Nabiga heshiisku1 Na dhex yiilay ayaa anigoo Shaam2 jooga waxaa Hiraqle oo ah -Boqorka ruum- soo gaadhay qoraal uuga yimid rasuulka. Kolkaasuu Hiraqle yidhi:

Meelaha ma joogaa wax la tol ah ninkaa Nabinimada sheeganaya? Kolkaasaa layidhi: haa. Dabadeedna loo yeedhay koox Quraysha oon ku jiro, oo aniga boqorkii la i horfadhiisiyay, intii kalena gadaashayda la dhigay, Boqorkiina tarjumaankiisii u yeedhay, oo asaxaabtaydii ku yidhi: haduu run ii sheego u rumeeya, haduu been ii sheegana ku beeniya.  Abuu Sufyaan wuxuu yidhi: haddaanan ka yaabaynin in been la iga soo guuriyo, wallaahi inaan been sheegi lahaa.

Kolkaasuu Boqorkii turjumaan kiisii ku yidhi: waydii sida uu nasabkiisu dhexdiina ku yahay?

Abuu Sufyaan: dhexdanada waa ku nasab.
Boqorkii: Aabbayaashii wax boqor noqday ma ku jiray?

  • A: maya.
  • B: Intuuna waxan odhan been, maku tuhmi jrteen?
  • A: Maya.
  • B: Ma dadka sharafta leh mise ducafada raaca?
  • A: Ducafada.
  • B: Ma siyaadaan mise way nuqsaamaan?
  • A: Maya ee way siyaadaan.
  • B: Majiraa ruux diintiisa galay oo nacayb uga noqday?
  • A: Maya.
  • B: Ma la dagaalanteen?
  • A: Haa
  • B: Sidee buu dagaalkiinu ahaa?
  • A: Kolba midkanaa gacan sareeya.
  • B: Ballanka maka baxaa?
  • A: Maya, haddase heshiis baa Na dhex yaala aanan ogayn wuxuu fali doono.
  • B: Hadalkan ma looga horeeyay?
  • A: maya

B: Waxaan ku waydiiyay nasabkiisa? Waxaanad ii sheegtay inuu dhexdiina nasab ku yahay, rusushuna waa sidaasoo qoomkooda nasabkiisaa laga soo diraa.

Waxaan ku waydiiyay: Aabayawgii boqor maku jiray, waxaanad I tidhi: maya, oo waxaan is idhi: Hadday taasi jiri lahayd waxaan odhan lahaa:  waa nin daba jooga boqortooyadii aabayaashii.

Waxaan ku waydiiyay: atbaacdiisu ma ashraaftaa mise waa ducafada?  Waxaad iigu jawaabtay: waa ducafada, kuwa rususha raacaana waa iyaga.

Waxaan ku idhi: Horay been ma ugu tuhmi jirteen? Waxaad ku jawaabtay: maya, oo waxaan ogaaday inayna ka dhici Karin, inuu dadka been ka sheegi waayo, Alle ka been sheego.

Waxaan ku su’aalay: ruux diintiisa galay oo nacayb dartii uga baxay ma jiraa? Jawaabtaaduna: maya bay noqotay, iimaankuna waa sidaas kolkuu dheeho farxadda quluubta.

Waxaan ku waydiiyay ma siyaadaan mise way nuqsaamaan? Oo waxaad ii sheegtay inay siyaadaan, iimaankuna waa sidaa oo kale ilaa uu ka taam noqdo.

Waxaan ku idhi: Ma la dagaalanteen, waxaad tidhi: waan la dagaalanay, oo kolba midkannay guushu raacdaa, sidaas oo kalaana rususha loo imtixaanaa, kadibna iyagaa aayaha yeesha.

Waxaan ku waydiiyay ballanka ma ka baxaa? Waxaad ku jawaabtay: maya, rusushuna waa sidaasoo kale, oo ballanka kama baxaan.

Waxaan ku idhi hadalkan hortii ma la yidhi? Oo waxaad tiri: maya, oo waxaan is-idhi: hadii hortii hadalkan la yidhi, waa nin ku dayan hadal looga horreeyay.

A: Kolkaasuu boqorkii yidhi: muxuu idin amraa? Wuxuu yidhaahdaa: Alle oo kaliya caabuda, wax kalana halla caabudina, aabayawgiin waxay leeyihiin iskaga taga, wuxuu na amraa oo kale salaada, zakada, sadaqada, dhawrsoonaanta, is-xidhiidhinta.

Kolkaas ayuu boqorkii yidhi: waxaad ka sheegi haduu xaq yahay, waa nabi, waanan ogaa inuu soo bixi, mase aanan moodayn inuu idinka yahay, haddaan ogahay inaan gaadhi karana, la kulankiisaan jeclaan lahaa, hadaan agtiisa joogana, cagahaan u maydhi lahaa, mulkigiisuna wallaahi inuu soo gaadhi doonaa meesha aan cagaha ku hayo .

Kolkaasuu boqorkii amray in la keeno kitaabkii uu rasuulku [sallalaahu calayhi wa sallam] u soo diray oo la aqriyay, waxaana ku yiillay:

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684789
Today
Yesterday
All days
1176
1445
684789
2024-09-16 20:10

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e890bb484435038827921726517435
title_66e890bb4859515449563381726517435
title_66e890bb486d84178954341726517435
title_66e890bb4881f10123094651726517435
title_66e890bb4896021251876111726517435
title_66e890bb48a9d8321094861726517435

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e890bb49f9b5713502001726517435
title_66e890bb4a0e519021079341726517435
title_66e890bb4a22a17735346261726517435
title_66e890bb4a37421228351771726517435

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com