Waxaa Billaabmi Doodii
Dhex Maraysay: Cumar iyo Joorji

J: Cumarow, ahlan.

C: Joorjiyow, ahlan.

J: Iska warran?

C: khayr Alxamdulillaah.

J: Isu kay sheeg?

C: Waxaan ahay reer Makka al-Mukarrama.

J: Oo maxaad u raacisay tilmaantan (al-Mukarrama)?

C: Illayn, Allaa karaameeyay, oo dhex dhigay baytkiisa xurmada leh, ee uu Nabi Ibraahim asaaskiisa koryeelay dhulka oo dhanna iyaduu uugu jecel yahay, midhaha addunkana iyadaa loo soo qaadaa, ruuxii galaana amni buu helaa, waana wadnaha caalamka, Nabigeennana iyadaa lagu dhalay ,lagana soo diray, Islaamkuna iyaduu ka faafay, waana hooyada Magaalooyinka, iyo Caasimdda Islaamka, Alle wuxuu leeyahay:

 إنّ أوّلَ بيتٍ وُضِع للنّاسِ لّلذي ببكّةَ مُبارَكا وهُدى للعالمين

(آل عمران (96

“Baytkii uugu horreeyey ee loo dhisay inay dadku Alle ku caabudaan, waa ka Bakka5 ku yaal, isagoo la barakeeyay, Caalamkana hiddaayad u ah,”

[Suuradda (3aad) Aali Cimraan, Aayadda 96].

J: Goormaa Muxammad la soo diray?

C: Waqti laga jooga in ka badan Kun iyo afar boqol oo Sano.

J: Bal Islaamka iiga sheekee?

C: Ma jeceshahay inaad Islaamka barato?

J: Haahey, si buuxdaanan uugu riyaaq-sanahay inaan ka barto dad yaqaanna , maadaama ayna ruuxa ku habboonayn inuu shayga ka qaato dad aan ehel u ahayn inaad Caasimadda Islaamka ka soo jeeddana waxay ka mid tahay wax yaalaha ii sii xiisa gelin inaan warkaaga dhagaysto.

C: Ma ka war haysaa inuu Islaamku yahay Diinta Cilmiga Xujada iyo Daliilka?

J: Oo sidee ah?

C: Islaamka laguma aqbalo xugun ama aqoon aan ku tiirsanayn Xujo iyo Daliil adag

J: Kani waa wax wanaagsan oo qurxan!!

C: Mala socotaa inay Islaamka asaaskiisa ka mid tahay inuu faro wax alla wixii masloxo ku jirto, diidana wax alla wixii wax-yeello ku jirto.

J: Waa arrin wacane, BAL Islaamka iiga sheekee?

C: Laakiin, waa inaan horta labo arrimood isla meel dhigno.

J: Maxay yihiin?

C: Inay ujeeddadu ahaato in xaqa la gaadho, wxuu Daliilku sugana la raaco, oo aan la helaynin haddii aan laga xoroobin tacasubka iyo dhinac u xaglinta, hadal kasta ood maqli amaa aad aqriyi waa in loo bandhigo caqliga saxiixa ah, iyo fitrada fayow, illayn xaqu waa waxa naftu ku xasisho, daliilkuna sugo, ee haddaba adigu arrinkaa ma waafaqsan tahay?

J: Haaheey, welibana farxad buuxdo.

C: Bal sidaa u jalleec waxa hareereheenna ah: dhirtan bilicda san, shinbirahan hawada ku shareeran, webiyadan qulquli , bal dhugo uunkan baaxadda wayn ee buuxiyay cirka, iyo dhulka, iyo habeenka, iyo dharaarta is waydaaran, makhluuqa sidaa u wayn, ee sidaa u fara badan dhalliili ka dheeraa ka uumay ee sidaa u sanceeyay ?!!!!

J: Oo yaa waxaa uumay, danteese laga lahaa samayntooda?

C: Kow 1: Ma daahna in shay walba samayntiisa dan uun laga leeyahay,oo -Masalan- miiska waa in wax la saarto , kursigana lagu fadhiisto , qalinkana lagu qorto , kabahana in  cagaha dhibka lagaga dhowro , wax walbaana waa sidaas oo kale, intuu doona ha liitee. Aadamiga oo haddaba waxaas oo dhan ka meeqaan wayna, kana muhimsan maxaa loo uumay, Adduunka loo keenay, uunkii kalase loogu adeejiyay?!!!!!

J: Nacam, waa sax in badan baan waydiintaa jawaabteeda ka fikiray, kumase aanan guulaysan inaan jawaab u helo, laga yaabee inaan madax wareer uun ka qaado, ee iiga warran ujeeddada Aadamiga loo uumay, haddaad wax jawaaba hayso?

C: Innaga ciyaar la innooma uumin , bilaashna la innaguma dhaafin , waxaase la innoo uumay arrin wayn , iyo ujeeddo cad oo qudha , oo ah : inaan caabudno Allihii innaga iyo uunkan oo dhanba abuuray , intaynu adduunka joognana aynu ku howlanaanno waxa isaga raalli gelin , innagana innoo xaqiijin liibaanta adduunyo iyo ta aakhiraba , taasaana ah arrinta la inna faray .

Labo 2: Wax yaalaha la ogyahay ee aan inna wax dooda aqbalin, waxaa ka mid ah in wax kasta oo jiraaba leeyahay wixii jirsiiyay, oo Kolkaad aragto gaadhi qurxan, ama qalab si wacan loo farsameeyay, ama saaruukh, ama dayaarad, ama aad gasho meel lagu soo bandhigi sancooyinka cusub, su’aasha uugu horraysa ee laabtaada ku soo deg-degi waxa weeye: waxan yaa sameeyay, muxuuse u sameeyay?

J: Nacam, waa su’aal meesha ku jirta, illayn nafta iyo caqligaba waxa ku sugan inay lama huraan tahay, in albaabku lahaado najaar qottonshay, dhismuhuna shaqaale dhisay, kanaana ah caqli galka dabiiciga ah.

C: Laakin, Kolkaad beerta xayawaanka gasho eed daawan uunkan kala duwan, ee cajiibka ah, goortaad jalleeci daaqa, ubaxa , geedaha , ama aad eegi buuraha iyo badaha, ama aad dhugan qorraxda, dayaxa iyo xiddigaha, ama cirkan iyo dhulkanba, Kolkii ay goobahaas oo kale kula soo gudboonaadaan, miyaadan iswaydiinaynin su’aalahan: yaa waxan uumay, yaa sidaa u hannaanshay, yaase sidaa u qurxiyay ?  Yaa habeenka iyo dharaarta u yeelay nidaamkaa yaabka leh ee ay ku socdaan.

Bal haddana, naftaada ku soo naqo oo ka fakir, oo iswaydii: yaa kuu abuuray maqalka, araga, qalbiga, dhadhanka, iyo urinta? Miyaadan ka koobnayn jidh iyo ruux? Ka fakir qalbigan had iyo goor hiraanhiri6 ee intaad nooshahay aan mar qudha istaagaynin, ka fikir xubnahan kolba dhinac u dhaqaaqi, haddana ka fikir ruuxdan kugu jirta, yaa abuuray?

Shakki malaha in ka waxaas oo dhan abuuray uu yahay Rabbiga Khaaliqa ah, ee Raasiqa ah, ee wax nooleeya, waxna dila.

Waxaana hubaala in fitradu7 tustay Khaaliqaa jiritaankiisa, illayn ruux walba waxaa lagu uumay rumaynta Rabbi, iyadoo ayna tacliin iyo tafkiir hore midkoodna jirin, caqliguna sidaas oo kale ayuu u tusay jiritaanka Rabbi, Kol haddii uunkan: kiisa hore iyo kiisa danbaba ay lama huraan u tahay inay Khaaliq lahaadaan, suuragalna ahayn inay iyagu is ahaysiiyeen, ama ay iskaba ahaadeen.

Rusushii Rabbi Iyo Kutubtiisiina, waxay ka wada hadleen Rabbigan Khaaliqa ah, ee Raasiqa ah ee wax nooleeya, ee wax dila.

Haddana BAL ka fikir waxa ay yihiin Rabbigaa tilmaamihiisu?

Ma macquul baa in Makhluuqaadkan jaahil abuuray?

  • J: Maya, ee Makhluuqaadkan sidaa u cajiibka ah, ma abuuri karo mid aan cilmi badnayn, oon xog-ogaal ahayn
  • C: Ma macquulbaa inuu caajis8 abuuray?
  • J: Maya, ee ku wax walba Kara.
  • C: Ma macquulbaa inuu dhegoole abuuray?
  • J: Maya, ee ku wax maqla.
  • C: Ma macquulbaa inuu ammuume9 abuuray?
  • J: Maya, ee ku hadla.
  • C: Ma macquulbaa inuu indhoole abuuray?
  • J: Maya, ee ku wax arka.
  • C: Ma macquulbaa inuu daciif dulli ihi abuuray?
  • J: Maya, ee mid wayn oo awoood badan.
  • C: Ma macquulbaa inuu abuuro uunkan yaabka leh mid meel uun naqsi kaga jiro?
  • J: Maya, ee uunkan sidaa u hagaagsan, ma abuuri karo mid aan ku tilmaanayn waynaan iyo ebyanaan10 waase kuma?
  • C: Isagu waa Alle – Subxaanahu wa tacaalaa – isagaana ah ka wax uuma, arsaaqa, nooleeya, ee dila.

Dabadeed ka fikir sida uu Quraanku uuga warramay arrinkan oo haddana aqri odhaahdan Alle {Subxaanahu-wata caalaa}:

“ولئن سألتهم من خلق السّماواتِ والأرضَ وسخّر الشّمسَ والقمرَ ليقولُنّ الله فأنّى يُؤفكون * الله يبسطُ الرّزقَ لمن يشاءُ من عبادِه و يقدرُ له إنّ الله بكلّ شيءٍ عليم * ولئن سألتهم من نزّلَ من السّماءِ ماءً فأحيا به الأرضَ من بعدِ موتِها ليقولُنّ الله قل الحمدُ لله بل أكثرُهم لا يعقلون * وما هذه الحياةُ الدّنيا إلّا لهوٌ ولعبٌ وإنّ الدّارَ الآخرةَ لهي الحيوانُ لو كانوا يعلمون

العنكبوت (61-64).

“Wallaahi haddaad mushrikiinta waydiiso: Yaa samaawaadka iyo dhulka abuuray, oo qorraxda iyo dayaxana sakhiray, waa hubaal inay odhanayaan {ALLAAH} ee sidee baa xaqa looga leexin.  Alle unbaa risqiga u waasiciya ruuxuu rabo. Ee addoomadiisa ka mida, kuu doonana ku cidhiidhya, Allana waa wax walbo oge, wallaahi haddaad waydiiso mushrikiinta: yaa samada roobka ka keenay oo ku nooleeyay dhulka, intii uu dhintay kadib, waa hubaal inay odhan: ‘Allaah’ ee dheh: Alxamdulilaah, badankoodse garan maayaan. Nolosha aduunyaad madhaafsana ciyaar iyo maaweelo, daarta aakhiro unbaana ah nolosha dhabta ah, hadday garanayaan.”

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684738
Today
Yesterday
All days
1125
1445
684738
2024-09-16 19:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e88cedb519621332805211726516461
title_66e88cedb52a68262673071726516461
title_66e88cedb53a020119692551726516461
title_66e88cedb54985385644791726516461
title_66e88cedb558b11784566241726516461
title_66e88cedb568a16539095771726516461

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e88cedb65f515203949161726516461
title_66e88cedb66f0924093591726516461
title_66e88cedb67e020044455241726516461
title_66e88cedb68ca7207448701726516461

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com