AKHII DULMIGA JOOJI
Arintu adigey kaa socon laa dahay ,meeqaan ku lahaa joog , nikii soo fariiso laga waayo soo seexo ayaa laga helaa, dulmigu waa intii aduunka la joogo kaliya ...
Dhibaatadu ma aha inuu dulmigu bato ee waxaa dhibaato ah in la waayo dad is hortaaga dulmiga, rabi subxaanahu- watacaalaa wuu xarimay dulmiga nooc kasta oo uu yahay, naftiisana wuu ka xarimay inuu axad dulmiyo, nabi muxamedna s.c.w. si toosa ayuu uga hortagay dulmigii jiray islaamka ka hor, si aysan dadku isugu xadgudbin oo walaalo u ahaadaan, culimada muslimintu waxey uqeybiyeen dulmiga sadex qeybood. 1-Dulmi la dulmiyo rabil-caalamiin kaasoo ah in cibaadadiisa lala wadaajiyo axad kale waana dulmiga ugu daran ee qofku ku dhaco, adiguba waad dareemi kartaa khatarta ay lee dahay in lagu xadgudbo rabiga insiga iyo jiniga abuurtay,rabiga u abuuray inay kaligiis caabudaan, dulmigan waxaa ku dhacay dad badan oo isu heysta iney janada safka hore galayaan, janadu dheel dheel laguma helo ee waxey ubaahan tahay iimaan iyo camal toosan , hadaba qof waliba ha u ban dhigo caqiidadiisa iyo cibaaddiisa dariiqii nabigeena s.c.w. hadey kuusoo baxdo sidii la rabay waa wanaag, hadiise aad axad aan rabi aheyn darajo iyo wadaag cibaado u ogoshahay hada dib isugu laabo intaadan ka mid noqonin kuwa khasaaray aduunka
iyo Aakhiro, qofkii ku dhinta dulmigan naarta ayuu ku waarayaa, qofkii ka badbaadana waxaa loo balan qaaday amni aakhiro iyo hanuun aduun fiiri quraanka kariimka suurada al-acraaf aayada 2-Dulmi uu qofku naftiisa dulmiyo oo ah inuu qofku garan waayo wixii loo abuuray ama cidii abuurtay, waxaa is weydiin leh kuwa beeniyey aayadaha eebe ma waxaan naftooda aheyn bay dulmiyeen ?jawaabtu waa maya ikhyaarey gaabinta uu qof kasta ka gaabiyo badbaadinta naftiisa naarta jahanamo isaga unbey ka jaran tahay, rabi subxaanahu watacaalaa wuxuu balan qaaday inuusan axadna cadaabin hadey dadku waajibkooda ka soo baxaan, matalan haduu qofku rabi rumeeyo amarkiisana adeeco nabigiisana rumeeyo amarkiisana qaato wax alaale iyo wixii laga reebayna ka fogaado ma kula tahay inuu rabi naarta galinaayo ? hadal wuxuu ku dhan yahay adigu naarta lugahaada ha ku raadsanin,carabkaadana ha ugu wacanin, gacmahaadana ha ku shaqeysanin..
3- In dadka lagu xadgudbo: dulmigan waa halis inta ka badbaadana ma badna, xoolaha dadka & naftooda & dhiigooda & nasabkooda oo lagu xadgudbo waa tan keenta baaska iyo balaayada , waa tan ay dad badan naarta ku muteystaan dad badana aduunka ku arkeen cadaab -qax qaxooti magangal gaalo ,diinta oo la dhaafsado waxoogaa doolar ah , aakhirana wixii udanbeeya qof walba iyo rabigiis , war hooy dulmigu ma fiicna , maanta hadaad shirki ku dhacdo bari waa naar, maanta hadaad reer ku faanto bari waxba kuu tari maayo , maanta hadaad xoog is bido bari waa duqnimo, hadaba isdaji oo qabrigaada xusuuso kuligeen xaawo iyo aadam baa ina dhalay aadana caro ayaa laga abuuray, ciidaas ayaana dhamaanteen inoo danbeysa , cidii bad ku dhimata ama hawada ku dhimata rabi baa soo xaadirin qiyaamaha, ha la isi turo, hana la isu naxariisto si naxariista raxmaanka inoo hadheyso.maanta dulmiga gaaladu muslimiinta ku hayaan ayaa dulmi inoogu filan , waxba yeynaan inagu isu

xoolo xaaraana qaato ama naf aan danbi galin gooyo waxey la mid tahay sidii qof lugta iska jaray oo kaleeto , C/QAADIR AKHII 

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1522057
Today
Yesterday
All days
864
1494
1522057
2026-02-13 16:43

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_698f54ae9a4cd8070414321771001006
title_698f54ae9a51e3005923031771001006
title_698f54ae9a56b3720048151771001006
title_698f54ae9a59b6555071781771001006
title_698f54ae9a5e814171372061771001006
title_698f54ae9a6334604113501771001006

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_698f54aeab0f87887210281771001006
title_698f54aeab14916881519641771001006
title_698f54aeab19716549006571771001006
title_698f54aeab1e420126887261771001006

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com