UKHTII .. ISKA ILAALI
أختاه .. احذري
Waxey tiri gabar baan ahay markaasuu yiri yaa ku weydiiyay inaad gabar tahay
Doodani waxey dhex martay nin xumaan ku caan baxay iyo gabar sharaf ku caan baxday, gabadhu markey sidaas laheyd waxaa ka horeeyey hadal uu ninku ku tuuray gabdhaha muslimiinta ujeedadiisuna aheyd inuu dhaawaco sharafta gabdhaha- laakiin rabi waxaa lagu mahdiyaa inuu isagu fadeexoobay kadib markii lagu fahmay xumaantuu u gol lahaa , axadkaasi wuxuu doonayey inuu marka hore caayo sharafta gabdhaha muslimiinta kadibna gabadha dib isugu soo laabo si uu u fasahaadiyo diinteeda iyo akhlaaqdeeda, laakiin illaahay fadligiisa gabadhii waxey ku gaabsatay sadex kalimadood oo ninkii ku beertay fikir iyo maskax wareer , kalimada koobaad : raali iga ahow , kalimada labaad: rabigaada ka yaab , kalimada sadexaad : diintaada ilaali taasi waxey ku beertay ninkii xumaanta ku caan baxay inuu naftiisa dib u xisaabiyo , kadibna rabi u toobad keeno. Walaalayaal maanta waxaan dooneynaa gabdho sidaasoo kale ufikira , gabdho daneynaya islaamka, gabdho dacwada iyo kheyrka dhinacooda ka qabta, eeg gabdhaas sidey nafteeda naarta uga badbaadisay , ninkana sabab ugu noqotay inuu hanuuno, waxaa hubaal ah iney buuxaan gabdho noocaasoo kale ah, gabadha muslimada ah waa tan soo saartay raga , waatan wax ka badasha bulshadeeda , caa,isho r.c. sowjadii nabiga s.c.w. aayaa tusaale ugu filan gabar kasta oo muslimad ah oo jecel iney diinteeda wax u qabato , caa,isho waxey dusha ka qabatay xadiis, xataa waxaa dhici jirtay iney saxaabada waa weyn markii wax la siku qabto iyada usoo laaban jireen, gabdhu waxey qiimo lee dahay intey diinteeda dhowreyso raguna wuxuu aad u jecel yahay gabar walba gabadha kale intey ka asturan tahay. .
Waxaan ahay walaal jecel inaad noqoto caa,sho r.c. iyo faadumo bintu rasuuli llaahi oo kale ee hadalkeyga si fiican u dhuux Waan ogahay inaad tahay sadex midkood marwo la qabo
ama gabar usoo dhooftay iney xamaalato ama mid loogu soo sheekeeyey carabtaa lacag si fudud looga helaa ee si kastaba aad ku soo heshide aad , si kastaba arintaadu ha ahaato , hadii aad marwo nin u dagan tahay rabi ceebtaada wuu asturay ee adigu lugahaada ceeb ha ku raadsan , hadii aad tahay gabar xalaal usoo dhooftay rabi wuu kuu sahli muraadkaada ee is ilaali intaad dantaada ka gaareysid , cida aad widey la noqoneysana ha ahaato cid diinta kugu taakuleysa, gabadha u timi lacag kaliya khatar baad ku jirtaa ee iska ilaali dhurwaaga , dhurwaagu wuxuu raadinayaa mid aan damac iska laheyn, mid hadey aduunyo aragto ama maqasho sida daqsiga oo kale ugu dhaceysa noocan danbe ayaa na ceebeeyey ee rabi ha soo hanuuniyee aamiin ii dhaha , maanta gabadha soomaaliyeed waxey noqotay badeeco mida ugu jaban, soomaali waxey tiraahdaa hal walba meeshey is dhigto ayaa lagu qalaa , anagoo awalba qiimahaanagu yaraa kadib markaan dhulkaanagii soo burburinay ayaa hadana waxaa noogu darmataytan dumarka aan haadka heysanin, C/QAADIR AKHII

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1631205
Today
Yesterday
All days
1914
1745
1631205
2026-04-03 13:18

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69cfbe17393c021256356101775222295
title_69cfbe173940f8236470391775222295
title_69cfbe173945c1304720851775222295
title_69cfbe17394a73510253371775222295
title_69cfbe173952214038827931775222295
title_69cfbe173956d17853645191775222295

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69cfbe174d2e86078488691775222295
title_69cfbe174d33615279368991775222295
title_69cfbe174d38112584487301775222295
title_69cfbe174d3cc5748516761775222295

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com