RAALI IGA AHAADA
HADAAN GAFANA HA LA I TOOSIYO
لحظة من فضلك
Ma jiro maanta dhib ka weyn iney is fahmi waayaan dad iksu diina, dad isku af ku hadlaya, dad isku midaba, dad isku qiblo ah, dad isku nabi ah, dad isku wada iney inshaa allaah janada ku kulmi doonaan, muslimiintu waa umadda isugu dhow dhinac kasta xaga diinta iyo dhaqanka, cadowgeegu waa mid, xabiibkeedu waa mid, ujeedadeeduna waa mid, Wixii mid kamida muslimiinta dhiba intooda kalena wuu dhibayaa , wixii wanaaga dhamaan wanaag ayuu u yahay , dad sidaasa ama sidaas laga rabo iney is nacseeyaan miyey mudan yihiin? odeygii aan ka sugaayey markuu aduunka nasiibkiisa ka soo qaatay inuu cumri tagay ceeb laguma sagootiyee aakhiro isu diyaariyo , haduu saacadan aduunyo doonayo inuu arooso , aduunyooy ba,a iga dheh , hooyadii aan ka sugeynay inay saacadaan marwo iyo xaajiyad sharaf iyo xushmad leh noqoto hadey saacadan xan iyo xumaan isu diyaarisay ,aduunoyo ba,a iga dheh , gabdhahaan ka sugaayey xijaab iyo xishood hadey saacadan dibjirnimo iyo edebdaro bilaabeen aduunyoy ba,a iga dheh , dhalin yaradaan ka sugaayey diin iyo aduunyo hadey saacadan diin xumo iyo gaalo raac noqdeen aduunyoy ba,a iga dheh , hadaba anigu waan nasteexeyn, waana dadaali intaan awoodo ee yaan la iga xumaan , walaal aniga iyo adiga kii khaatumadiisu fiicnaan doonto rabi baa og laakiin waxaan isku lee nahay xuquuq badan oon halkan lagu soo koobi Karin waxaana jeclahay inaan kuu cadeeyo midka xuquuqdaas u qiimo badan, XAQAAS WAA INAAN MARKASTA KU DHAHO ITAQI LLAAH OO MACNAHEEDU YAHAY RABI KA CABSOO, TAN Kale Ha iga xumaan hadaan xumaan kugu arko inaan kuu nasteexeeyo, ha iga xumaanin hadaan ku arko adigoo dhunsan inaan jidka ku tuso, ha iga xumaanin hadaan runta kuu sheego adigoo khaldan, ha iga xumaanin haduu ficilkeygu ku cajab galin waayo anigoo sax ku taagan,Waxaan arkey maanta dadka intiisa badan oo markii aduunka laga sheekeynayo is dhageysanaya, markii kheyrka laga hadlayana saacada eegaya sidii iyagoo la yiri balantiibaa la gaaray, waxaan arkey markii gabdhaha qaar kamida kheyrka loo sheego ineysan ku farxeynin. Markii dhib dhacana la isu qeylinaayo war gabadhii ina cali aheyd baa hey,adu Amri bil macruuf qabsatay ee yaa hay,ada loo diraa oo wax ka yaqaan? Meeqa noocaasa ayaa fadeexo u soo jiiday cidahoodii, hay,adii waxey tiri gabadhiina xageed ku ogeydeen?gabadhiina waxaan qabanay iyadoo ...? Taa waxaa ka daran kuwa ka baayac mushtara haweenka - aan qaarkood -xumaanta ku tala galin, waxaa dhacda in badan iney soo dhoofaan gabdho ujeedadoodu tahay shaqo, laakiin maxaa ka danbeeyey, war xagee lagu arkay dad dhul islaama jooga oo rag iyo haweena oo guri wada dagan oo aan wada dhalan, maxramna isu aheyn u tusaya bulshada iney wada dhasheen ama isqabaan, waxaan filayaa soomaali hadey caqli lee dahay iney indhaheeda ku aragtay wax ugu filan wacdi iyo waano qoom hebal baa la halaagay markii la lee yahay ha u qaadan inaad adigu ka badbaadeyso hadii xumaan dhacdo oo aan iska qaban weyno rabi kuligeen ciqaaab ayuu inagu soo dajin. aan tartiibsano oon aakhiradeena ilaashano, war maan ku cibro qaadano kuwa ka leexday xaqa ee diiday kheyrka sidii rabi uduleeyey . ma waxaan sugeynaa kaliya in la dhaho cali wuu dhintay ,, C/QAADIR AKHII

هذا ونسأل الله العلي القرير أن يرزقنا الصدق قي القول والعمل إنه ولي ذلك والقادر عليه .

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1429539
Today
Yesterday
All days
742
2478
1429539
2025-12-28 06:38

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6950d080d138e3077432091766903936
title_6950d080d13e010174782051766903936
title_6950d080d142e12918485501766903936
title_6950d080d147b1289232041766903936
title_6950d080d14c514327020681766903936
title_6950d080d151014564288261766903936

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6950d080e45231089242961766903936
title_6950d080e457418431874871766903936
title_6950d080e45c219465700601766903936
title_6950d080e460f13235185271766903936

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com