الجمعية التعاونية للدعوة والإرشاد
وتوعية الجاليات في شرق جدة

P. O. Box 102137 Jeddah 21321 K.S.A
Tel. # 625-1671 - Fax 6240398

محمد رسول صلى الله عليه وسلم
NABI MUXAMED SALALLAAHU CALEYHI WASALAM
( باللغة الصومالية)
إعداد/ عبد القادر شيخ محمد (أخي)

قال الله تعالى:(من يطع الرسول فقد أطاع الله )
سورة النساء الآية (80)

HORDHAC
الحمد لله والصلاة والسلام على من
Mahadoo dhan rabi kaligii baa mudan , nabi muxamedna rabi haka abaal mariyo siduu ugutay risaaladii eebe inoogu soo dhiibay, intii rumeysay ee jidkiisa raacday xowdkiisa rabi ha ka waraabiyo, inta diiday jidkiisa ee sidaas ku dhimatayna eebe waxey muteysteen haka abaal mariyo, inta aduunka joogta maanta ee raadkiisii ku taagana eebe ha ku sugo, inta khilaafsan sunada nabigana eebe ha soo hanuuniyo. Risaaladan waxey ka mid tahay taxanihii dheeraa een soo wadnay mudada dheer kaasoon ugu talo galay wacyi galinta muslimiinta. buugan yar ma,aha siiro ka sheekeynaya xayaatadii nabigeena laakiin waxaan ku tilmaami karaa inuu yahay albaabka laga galo barashadda nabigeena s.c.w. wuxuuna qaadaa dhigi doonaa hadii rabi idmo sadex arimood oo ku saabsan nabigeena s.c.w.

WALAALKIIN
C/QAADIR SH. MAX,ED (AKHII)


ARINTA KOOBAAD
MAXAAD KA TAQAANAA
NABI MUXAMED S.C.W. ?
hadii lagu weydiiyo waa kuma Nabigaadu? waxaad tiraahdaa waa Muxamed ibnu cabdullaahi ibnu cabdul-mudhalib ibnu haashim, haashimna wuxuu galaa qureysh qureyshna waxey gashaa kanaana, kanaanana waxay gashaa carab, carabna waa ilmihii ismaaciil, ismaaciilna waa ina ibraahim, ibraahimna waxuu galaa nuux, nuuxna waxuu galaa aadam, aadamna waxaa laga abuuray carrada, hadii lagu weydiiyo kee u horeeyay rususha? keese u dambeeyey? waxaad tiraahdaa waxaa u horeeyey nabi nuux c.s.w., waxaana u dambeeyey Nabi Muxamed s.c.w. ahna rasuul Alle u soo diray umaddan, midka carabka ah, iyo kan cajamiga ah, iyo kan jooga meel fog iyo kan meel dhaw jooga, wuxuuna ku dadaalay s.c.w. inay dadku Allahooda kaliya caabudaan,kana barri waana xikmada loosoo diray rusushoo dhan, sida ku cad Qur,aanka suurada An-Naxal Aayada (36)
قال الله تعالى : (ولقد بعثنا في كل أمة رسولا أن اعبدوا الله واجتنبوا الطاغوت )
Nabi Muxamed s.c.w. wuxuu ku dhashay kuna barbaaray Mako Al-Mukarama, waxaana Alle u waxyooday isagoo jira 40sano, ka dibna 13 sano ayuu dadka ugu wacayay islaamka iyo Alle cibaadadiisa oo kaliya, ilaa Alle samada u kor yeelay waxaana lagu soo farad yeelay shanta salaadood ee muslimiintu tukadaan, Nabigu s.c.w. 3sano ayuu mako ku tukanayey ka dibna waxaa loo idmay inuu madiino Al-Munawara u haajiro wuxuuna r joogay Madiino 10sano, isagoo baraya dadka diinta Alle ku soo dajiyey iyo shareecada inta ka dhiman sida zakada soomka, xajka, iyo jihaadka iyo wanaag isfarida iyo xumaan iska reebida i.w.m . waxaana rabi oofsaday isagoo jira 63sano, waxaana lagu duugay madiino al-munawara s.c.w. Qofkii raba inuu daalacdo siirada nabiga oo af-soomaali ku turjuman waxaan u dardaarmayaa kitaabka raxiiqul-makhtuum ee uu turjumeen walaalaha saad suuban , isagoo cajaaldo af-soomaali ahna waa la helaa, qofkii afka carabiga garanayana maktabadaha ayaan ugu nasteexaynayaa inuu ka faa,ideysto .

ARINTA LABAAD:
WAAJIBKA INAGA SAARAN XAGIISA
nafta iimaanka dhabta ah Rabi ugu deeqay waxaa calaamad u ah in markii laga hadlo Nabi Max,ed S.C.W. ama wax laga qoro ay u riyaaqdo iyadoo jecel inay aragto ama wax ka maqasho sharafta Rasuulka S.C.W. Walaalayaal Waxaa xaqiiqo ah inaysan jirin xaquuq qof banii aadam ah ku lee yahay qof kale oo banii,aadam ah oo ka weyn xuquuqda Nabi max,ed s.c.w. inagu lee yahay, sidaas darteed miyeysan waajib inagu aheyn inaan barano xuquuqda Nabigeena s.c.w. inagu lee yahay si aan u noqono kuwo ka soo baxa xuquuqdiisa XAQA KOOBAAD EE NABIGU S.C.W. INAGU LEE YAHAY: waa inaan barano noolashii qiimaha badneyd ee uu soo maray Nabigeenu S.C.W. ilaa qabriga laga galiyey, maxaa yeelay barashada xayaatadii uu soo maray Nabi Max,ed s.c.w. waxay ka mid tahay waxyaabaha iimaanka qofka kor uqaada, sidaas darteed waxaan halkan kuugu soo gudnin Aqoonsi gaaban oo ku saabsan Nabi Max,ed s.c.w. waxaana u dar daarmayaa qofkii wax aqrin kara inuu aqristo kutubta laga qoray xayaatadii uu Nabigeenu s.c.w. soo maray sida kitaabka Siirada Raxiiqu Al- Makhtuum ee afka soomaaliga loo badalay Nabi Max,ed s.c.w. waa ina cabdullaahi ibnu cabdull-mudhalib waxuuna ka yahay reer haashimi waxuuna ka sii yahay qureysh, waana ilmihii Nabi ismaaciil c.s.w. Nabi max,ed s.c.w. waa adoon Alle ka dhigay Rasuul waxaana Rabi u diray dhamaan dadka oo dhan, kan cad iyo kan madow si uu diinta Rabi ee xaqa ah ugaarsiiyo fiiri suurada Al-Acraaf Aayada (158)
قال الله تعالى:( قل يا أيها الناس إني رسول الله إليكم جميعا)
Nabi Max,ed s.c.w. waa Rasuulkii u dambeeyey Rususha Rabi oo dhan, sida ku cad Qur,aanka suurada Al-Axzaab Aayada (40)
قال الله تعالى : ( ما كان محمد أبا أحد من رجالكم ولكن رسول الله وخاتم النبيين)
Nabi Max,ed s.c.w. waa Nabiga ugu fadli badan dhamaan Rususha Rabi soo diray, sida ummada Nabi Max,ed s.c.w. uga fadli badan tahay ummadihii ka horeeyey, Nabi Max,ed s.c.w. waxuu Rabi ku xoojiyey risaaladiisa mucjisooyin fara badan oon halkan lagu soo koobi karin waxaana ugu weyn Kitaabka Qur,aanka, Nabi Max,ed s.c.w. waxuu ku dhashay Mako sanadkii ay carabtu ugu magac dartay sanadkii maroodiga, ee ku beegan taariikh ahaan 571 Nabi ciise ka dib. Nabi Max,ed s.c.w. waxuu mako joogay 10sano waxuuna ka hadlayey wanaaga Towxiidka iyo xumida shirkiga, ka dibna waxuu u haajiray Madiina waxuuna joogay 13sano, isagoo dadka baraya shareecada islaamka intii ka dhimaneyd sida Zakada Soomka Xajka, Jihaadka, Wanaag isfarida iyo xumaan iska reebida, i.w.m. ilaa Rabi ka oofsaday isagoo jira 63sano, XAQA LABAAD EE NABIGU S.C.W. INAGU LEE YAHAY : Waa inaan dhamaanteen rumeyno Nabi Max,ed s.c.w.inuu yahay Nabi Alle u doortay rasuulnimo rasuul-nimadiisuna tahay mid xaq ah oon shaki ku jirin, Waxaana cadeyn u ah arintan aayado badan oo Qur,aanka kariimka ku jira, Tusaale ahaan fiiri suurada Al-Maa,idah Aayada (170)
قال الله تعالى : (ياءيها الناس قد جاءكم الرسول بالحق من ربكم فآمنوا خيرا لكم …الآية)

3-Waa inaan jeclaano Nabi Max,ed s.c.w. oo waliba noqdo jaceylkeenu mid ka sareeya midka aan u qabno nafteena iyo dhamaan ehelkeena oo dhan sida ilmaheena xaasaskeena, waali- diinteen iyo dhamaan dadka oo dhan.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم:(لا يؤمن أحدكم حتى أكون أحب إليه من ولده ووالده والناس أجمعين)متفق عليه .
4-Waa inaan weyneyno oon ixtiraamno Nabi Max,ed s.c.w. inagoon ka saro marinin xaqa
Rabi siiyey sida amaanta ka baxsan xadka.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : (لا تطروني كما أطرت النصارى ابن مريم فإنما أنا عبد الله ورسوله) رواه البخاري.
Ixtiraamka Nabiga s.c.w. waa midka lagu muteysto Janada Rabi, sidaas darteed qofkii raba inuu liibaano aduun iyo aakhiro waxaa waajib ku ah inuu ku dhago Sunada Nabiga s.c.w. aadna uga fogaado wax alaale iyo wixii ka hor imaanaya Sunada Nabiga .
قال رسول اله صلى الله عليه وسلم: (عليكم بسنتي وسنة خلفاء الراشدين المهديين تمسكوا بها )
Hadaan ka bixiyo Tusaale gaaban sida loo qadariyo Nabiga s.c.w. waa inaysan dhicin inaan ra,yigeena ka hormarino ra,yiga Nabiga s.c.w. isku day inaad aqrido Qur,aanka gaar ahaan bilowga Suurada Al-Xujuraat waxaa kuu cadaan Aadaabta laga rabo qofka muslimka ah dhinaca Alle iyo Rasuulka s.c.w.
قال الله تعال:(يا أيها الذين ءامنوا لاتقدموا بين يدي الله ورسوله)
Ka dibna sii aqri Aayadaha (2,3,4,5) waxaa kuu cadaan Aadaab kale oo khaas ku ah Rasuulka s.c.w. Walaalayaal yeysan dhicin in qof sheeganaya ixtiraamka Nabiga uu ku dhaco Bidco aan Diinta asal ku laheyn sida Xuska Mowliidka i.w.m. waxaana ugu nasteexeynayaa dadka lagu imtixaanay bidcadan i.w.m. inay xaqa u laabtaan, Rabi xaqa hanagu hanuuniyo.
5-Waa inaan rumeyno wax alaale iyo waxuu Nabigu s.c.w. inoo sheegay, sida waxyaabihii la soo dhaafay- iyo kuwa mustaqbalka dhici doona. waa in la inaga helo mar kasta waxuu Nabigu s.c.w. ina amray kana fogaano waxuu inaga reebay Nabigu s.c.w. sida ku cad Qur,aanka Suurada Al-Xashr (7)
قال الله تعالى:(وما ءاتاكم الرسول فخذوه وما نهاكم عنه فأنتهوا)
6-Waa inaan aad u badino Saliga Nabiga s.c.w. maxaa yeelay Rabi ayaa Qur,aanka inagu amray inaan Nabiga ku salino hadaan nahay Muu,miniin. Alle iyo Malaa,igtiisana waxay ku saliyaan Nabiga korkiisa, taasna waxay ina tuseysaa darajada Rabi siiyey Nabi Max,ed s.c.w
قال الله تعالى:(إن الله وملائكته يصلون على النبي يأيها الذين ءامنوا صلوا عليه وسلموا تسليما ) سورة الأحزاب ( 56 )
Habka loogu saliyo Nabiga s.c.w. waa sidan :
اللهم صل على محمد وعلى آل محمد كما صليت على إبراهيم إنك حميد مجيد، اللهم بارك على محمد وعلى آل محمد كما باركت على آل إبراهيم إنك حميد مجيد ) متفق عليه
Qofkii mar kaliya ku saliya Nabiga s.c.w. waxaa Rabi ku salin korkiisa toban goor sidaas darteed Walaalayaal waa inaan aad u badino Saliga Nabiga s.c.w. si aan u gaaro darajadan weyn.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم
(من صلى علي صلاة صلى الله عليه بها عشرا ) رواه مسلم.
7-Waa inaan u gargaaro diinta xaqa ah ee uu la yimi Nabi Max,ed s.c.w. habka loogu gargaaro Diinta Islaamka waa dhowr nooc: 1- waa inaan barano Diinta Islaamka. 2- waa in la inaga helo dhaqan waafaqsan islaamka. Walaalayaal waxaan cadowgeena u jabnay maalintaan dayacnay dhaqanka islaamka ee dhabta ah maalintaan ka tilaabsanay Sunada saxda ah maalintaan ilmaheena ku tarbiyeyn weynay jidka Rasuulka iyo inta raacday wadadiisa toosan. Walaalayaal ku dhaqanka sunada Nabiga s.c.w. iyo jeceylka Nabiga ma ahan arin qof kasta iska sheegan karo, muslimiinta maanta joogta aduunka oo dhan waxay sheeganayaan inay Nabi Maxed s.c.w. raaceen hadana waad arki kartaa farqiga u dhaxeeya dhaqankeena iyo dhaqanka Nabigeena s.c.w. ee kutubta sunada ku cad, Rabi ha ina asturo. UGU DAMBEYNTII Hadii lagu weydiiyo Maxaa cadeyn u ah in Nabi Max,ed s.c.w. yahay rasuul xaq ah? Waxaad ku jawaabtaa sidan:- Alle sub xaanahu watacaalaa iyo Malaa,igtiisa sharafta leh waxay marag ka yihiin in Nabi Max,ed s.c.w. yahay Rasuul Alle ku soo dajiyey Kitaab xaq ah waxaana marag ku filan Rabi fiiri Qur,aanka suurada An-Nisaa Aayada (166) waxay ku tuseysaa macnahan oo kale.
قال الله تعالى : (لكن الله يشهد بما أنزل إليك أنزله بعلمه والملائكة يشهدون وكفى بالله شهيدا)
Waxaa kale oo inoo cadeynaya in Nabi Max,ed s.c.w. yahay rasuul xaq ah Nabiyadii ka horeeyey sida Nabi Ciise iyo Nabi Muuse c.s.w. Tusaale ahaan fiiri Qur,aanka suurada AL-Acraaf Aayada (157) ama dhamaadka suurada Al-Fatxi Aayada (29) ama suurada As-Saf Aayada (6) oo ah bishaareyn.
قال الله تعالى : (وإذ قال عيسى ابن مريم يابني إسراءيل إني
رسول الله إليكم مصدقا لما بين يدى من التوراة ومبشرا برسول
يأتي من بعدى اسمه أحمد…الآية )
وقال رسول الله صلى الله عليه وسلم : (أنا النبي لا كذب أنا ابن
عبد المطلب ) متفق عليه.
Intaas ka dib waxaan ku soo gabagabeynayaa risaaladan gaaban Aayadan qiimaha badan.

قال تعالى: (قل إن كنتم تحبون الله فاتبعونى يحببكم الله
ويغفر لكم ذنوبكم والله غفور رحيم ) العمران (31)

ARINTA LA BAAD : WAA MAXAY WAAJIBKA INAGA SAARAN NABIGEENA ? intaa ka hor mahad oo dhan waxaa iska leh Rabiga mudan inaad caabudno kaligiis, Rabiga inoo soo diray Nabi max,ed s.c.w. si uu inoogu cadeeyo Diinta Islaamka ee xaqa ah, shaki kuma jiro in Nabi Max,ed s.c.w. ina soo gaarsiiyey amaanadii Rabi inoogu soo dhiibay, taasna waxaan kalee nahay dhamaanteen -Nabi Max,ed s.c.w. Rabi haka abaal mariyo, inagana Rabi ha inaga dhigo kuwii rumeeya oo raaca jidkiisa toosan ilaa aan ka geeriyoono.
ARINTA SADEXAAD:

 

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684696
Today
Yesterday
All days
1083
1445
684696
2024-09-16 19:39

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e8895481e2119069260361726515540
title_66e8895481f0c227924171726515540
title_66e8895481fec9226613281726515540
title_66e88954820cb17933626131726515540
title_66e88954821a810814516501726515540
title_66e88954822939187604221726515540

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e889548306f14637036951726515540
title_66e889548315510284079021726515540
title_66e88954832436253760101726515540
title_66e88954833221525969411726515540

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com