RUNTU WAA DAAWO
EE RUN MA SHEEGNAA ?
الموضـــوع / الصـــدق فضيــــلة
Inta runta sheegta waxaa ugu run badan khaaliga abuuray uunka oo dhan -waa Allaah subxaanahu wa tacaalaa- Allaaah subxaanahu watacaalaa wuxuu isku tilmaamay inuu runlow yahay wuuna yahay ,Carabku waa xubinta ugu fiican xubnahoo dhan , waayo waa xubinta lagaga dhawaaqay kalimada towxiidka laa illaaha ila llaah, suuro gal ma,aha in lagu sheego carab yiri laa illaaha ila llaah been, carabku waa sida qorigoo kale hadii kheyr loo adeegsado waa kheyr,hadii kalena waa shar iyo naar aan naxeynin. RUNTU : Waa dabeecad qurux badan oo rabi siiyo ciduu doono, waxeyna astaan u tahay qofka iimaankiisa. Rususha & anbiyada iyo dadkii saalixiinta ahaa ee inaga horeeyey waxaa dhaqan u ahaa run iyo rabi ka cabsi, cibaadada hadaan run laga sheegin asaxi meyso, badeecada hadaan sidey tahay loo cadeynin barako yeelan meyso, banii aadamka hadaan run loo sheegin yeeli maayo,haduu waxaan run aheyn yeelana hagaadho oo hagaadhee wey ka daba imaan, soomaaliduna waxey horey uturi: (Beeni raad ma lehan) runtu waxey qofkii sheega galisaa janada, runtu waxey keentaa alle ka cabsi, runtu waxey keentaa raaxo iyo degenaan ,runtu waxey dadka gaarsiisaa darajada shahiidyada, dadka runta sheega dadku wey aaminaan waana la jecel yahay,waxaan xusuustaa dad shirko ah oo midna xoolaha lee yahay midna run iyo amaano ku galay shirkada , dadka runta sheega waxey ku saf yihiin nabi muxamed s.c.w.. eebihii carabka abuurtayna wuxuu si toosa inoo amray inaan isaga ka cabsoono kadibna dadka runta sheega macooda ahaano, fiiri suurada At-Towba aayada: 119 hadaba diyaar ma u nahay inaad runlow noqono? si aan uga badbaadno munaafiqnimada, runtu waa inay ka muuqato wajigeena & ficilkeena ,runtu waa iney miiska usaaran tahay ganacsadaha iyo gabadha jikada ku jirta & kawaanlaha, ardeyda, askarta, hooyooyinka, dhalinyarada iyo dhamaan bulshadoo dhan , soomaalidu waagii hore waxaa halqabsi u ahaa hadal cad, beentu waxey ahaan jirtay ceeb iyo canbaar aan ka harin beenaalaha, maantana waad ujeedaan dadka qaarbaa waxey aaminsan yihiin qofkaan been sheegin inuusan aduunka la socon Karin, Al-Xamduli-llaah waxaan naqaanaa dad badan oo run ku shaqeysta , hadaba waxaa iga dardaarana:1-Runtu waa raaxo ee runta aan kaalmeysano, beentu waa cadaab ee ciqaabta aan ka digtoonaano. 2-Runtu waa kheyr, beentuna waa shar, 3-Runtu waa halbowlaha iimaanka beentuna waa halbowlaha munaafiqnimada, 4- waa inaan ku barbaarino caruurteena runta , si ay barito ugu noqoto hide iyo dhaqan ay rabi ugu dhawaadaan, waxaa wax aad looga xumaado ah markaad aragtid aabe ama hooyo caruurta hortooda baan ku sheegaya . ha noqdo afgaradkeenu run iyo rabi ka cabsi , been baan sheegi muuminbaana ahay labo is qaadaneysa ma,aha ee halakala daayo, markii nabiga la weydiiyey su,aalo dhowr ah oo ay ka mid tahay muuminku been ma sheegi
karaa? wuxuu ku jawaabay maya .
هذا ونسأل الله العلي القرير أن يرزقنا الصدق قي القول والعمل إنه ولي ذلك والقادر عليه .

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1522057
Today
Yesterday
All days
864
1494
1522057
2026-02-13 16:43

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_698f54ae9a4cd8070414321771001006
title_698f54ae9a51e3005923031771001006
title_698f54ae9a56b3720048151771001006
title_698f54ae9a59b6555071781771001006
title_698f54ae9a5e814171372061771001006
title_698f54ae9a6334604113501771001006

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_698f54aeab0f87887210281771001006
title_698f54aeab14916881519641771001006
title_698f54aeab19716549006571771001006
title_698f54aeab1e420126887261771001006

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com