SHAREECADA ISLAAMKU MAXEY KA QABTAA ISDHEXBOODKA RAGA IYO HAWEENKA..

Waxey yiraahdeen si xal loogu helo dhibaatada sinada iyo shahwada raga iyo haweenka ee xadka baxa ah, waa in la isku fasaxo raga iyo haweenka, waa in la baabiiyo xijaabka haweenku xirtaan, waa in naagta iyo ninku goob ka wada shaqeeyaan, waa in gabadha iyo wiilku kursi wax kuwada bartaan, waa in gabadhu meeshey rabto u bixi karto maxram la,aan, waa in gacanta la isku salaamo, waa in la siiyo gabadha xoriyad kama danbeysa.Waxey yiraahdeen intaas hadii la yeelo la arki maayo nin naag ka dhileysanaya , fikrada noocana waxaa cadowga islaamka ku garab istaagay qaar sheeganaya muslimiin , taasina waxey usahashay iney helaan dad qaaqaawan oo isu boodaya sida xoolihii war ma rabi bey ka ogsoon yihiin adoomihiisa wixii anfacaya maxaa yeelay arimahanoo dhan waxey uga gol lee yihiin si ninka iyo naagtu indhaha ka dhergaan, si ay uwada shaqeeyaan, Taas iyadoo ay jirto ayaa hadana waxaa dhacdey iney qaar muslimiin sheeganaya ku garab istaageen fikradan, waliba waxey yiraahdeen anagu islaambaan nahay                           islaamkuna ma ogala   sinada, laakiin in ninka iyo naagtu garabka isku hayaan .                                             .

DHIBAATADA AY KEENTAY ARINTAN XAGA DHAQAALAHA .

Waxaa la ogaaday isdhexgalka raga iyo haweenku inuu sababo dib udhac weyn oo kusaabsan xaga wax soosaarka iyo waxbarashada ,   arintan waxaa   dareemay qaar badan oo ka mida gaalada , Maargareyt samiit waxey tiri:(gabdhaha iskuulada dhigta waxey ka fikiraan sidey shahwadooda ku meelmarin lahaayeen sidaas owgeed 60% ayaa ku dhacada imtixaanka   10% waa gabdho ilaa sababtoo ah waxey ku mashquulsan yihiin          

DHIBAATADA AY KEENTAY ARINTAN XAGA AKHLAAQDA ..

Soo taa dadkii noqday sida xoolaha oo kaleeto maaha , ninbaa wuxuu sheegay maalin maalmaha ka mida isagoo saaran baas inuu arkay wiiil iyo gabar is boodaya sidii wankii iyo laxdii baska dhaxdiisa iyo dadka oo in dhahoodu shanta yihiin wuxuu yiri waan qeyliyey aa aa ayaan iri kadib aniga ayaa la ila yaabay intii iyaga lala yaabi lahaa , taa waaba dhul gaalo e eeg dhulalaka muslimiinta ee dhaqanka diinta ka fogaaday xaalada ay ku sagan yihiin markey xishoodkii iyo sariigtii raga iyo haweenka eebe ugu talogalay ay gadaal ka tureen , waxaa xaqiiqo ah dadka muslimiinta sheeganaya intooda badan inay raceen xaga xijaabka iyo is dhexboodka dhaqan gaalo ,

Aniga oo maanta da,deydu aysan sodon sano wax badan ka weyneyn ayaa waxaan xusuustaa labaatan sano kahor iney ceeb ahaan jiratay hadii la arko gabar wiil banana la taagan ama gacanta heysata , rabina wuxuu na tusay inteysan dowladii siyaad bare burburin mudo gaaban ka hor iyadoo wadooyinka iyo tarjiinooyinka la isku heysto , hadba kuwa ugu yeeraya muslmiinta iney ka tagaan sariigta miyeysan gabdhahooda u baqeyn in kansarkani soo gaaro , miyeysan xaasaskooda u baqeynuin miyeysan walaalahooda uga baqeynin , in xumaantu taabato , waxaa xaqiiqao ah akhlaadu waa tii ka timi xaga rabil-caalamiin

?SHAREECADA ISLAAMKU MAXEY KA QABTAA ISDHEXBOODKA RAGA IYO HAWEENKA

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684738
Today
Yesterday
All days
1125
1445
684738
2024-09-16 19:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e88cedb519621332805211726516461
title_66e88cedb52a68262673071726516461
title_66e88cedb53a020119692551726516461
title_66e88cedb54985385644791726516461
title_66e88cedb558b11784566241726516461
title_66e88cedb568a16539095771726516461

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e88cedb65f515203949161726516461
title_66e88cedb66f0924093591726516461
title_66e88cedb67e020044455241726516461
title_66e88cedb68ca7207448701726516461

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com