QUR,AANKA KARIIMKA QEYBTII LABAAD

Walaalayaal sidaad la socotaan quraanka kariimku waa hadalkii rabigeena , waa hogaamiyihii nabigeena , waa midkaan ka qaadanay hanuunka , waa key ku badbaado naftii rumeysa ka dibna ku dhaqanta , aniga iyo adiga iyo isaga iyo iyada waxeynu jecelahay kitaabka Quraanka inaan dusha ka qabano , kadibna macnihiisa fahano kadibna ku dhaqano, risaaladan waxey jabaab utahay wiil yurub ku nool ayaa wuxuu na soo weydiiyey su,aashan : waxaan nahay dhalin yaro ku nool dhulka gaalada , waxaana aad ujecelahay inaan quraanka barano , diinta islaamkana wax si fiican uqabsano hadaba sidee u fudud oo quraanka dusha looga qaban karaa ? diinta islaamkana lagu baran karaa ? waxaan ku jawaabay sidan soo socota : Rabi ha idinwaafajiyo kheyrka , waxaan aaminsanahay inuu rabi kheyr idinla doonay waayo barashada diinta lama waafajiyo ciduusan rabi kheyr la doonin , sidaas owgeed aduunyada qof alle jecel yahay iyo miduusan rabinba wuu siiyaa laakiin diinta , iimaanka , islaamnimada lama siiyo ilaa qof rabi kheyr la doonay ma,ahane
. Hadii aan ulaabto su,aashii hore

Kow : Al-Ikhlaas oo ah inaad illaahay dartiis ula jeedo
Labo : waa iney jirto doonitaan dhaba inaad quraanka dusha ka qabato
Sadex : waa inaad siiso quraanka waqti ku filan.
Hadii aan intaas ka talaabo waxaa jira hab loo xifdiyo quraanka kariimka :
1-maskax aan mashquul aheyn
2- aayadaha aad rabto inaad xifdiso waa inaad macalin ka qaadato ama cajalado .
3- ku celceli aayada koobaad si aad dusha uga qabato
4- ku celceli aayada labaad ilaa aad dusha ka qabato .
5-aayadii hore iyo tii danbe isku xir intaadan aayad kale ugudbin.
6- aayadaha aad maalinkaas rabto isku wada xir si ay isu daba heystaan
7- ha lagaa dhageysto wixii aad maalintaas xifdiday .
8- aad uga feejignow aayadaha isu eg,eg
9-ku dadaal inaad ku celceliso aayadahaas salaadaha dhaxdeeda
10- markaad bog barato ku xir boga labaad
hadaad suurad dhameyso ka bax suuradaasoo dhan - 11
12- qalin qori hoosta kaga xariiq meelaha aad garan weyday markaad ka baxeysay casharka .
XUSUUSNOW:
Hadalkuu yiri nabigeena s.c.w. (Quraanka ku fara adeyga , waxaan ku dhaaranayaa rabiga ay nafteydu gacantiisa ku jirto quraanku wuxuu ka fakan og yahay neef geela oo xiran , sidaas darteed ayuu nabiga iyo asxaabtiisa aqrin jireen maalin kasta xisbi , hadey waqtigii la rabey usuuro gali weydana waqti kale ayey akhrin jireen , marka cidii rabta iney quraanka dusha ka qabato waxaa laga rabaa iney dabataagnaato mar kasta.
WAXYAABO KAALMEEYA QOFKII RABA
INUU QURAANKA DUSHA KA BARTO
1- In illaahay kaalmo la weydiisto.
2-in la doorto macalin quraan dhab ah.
3- in macalinka warkiisa la maqlo.
4-in laga fogaado macsida iyo xumaanta .
5- in laga fogaado waxaan faa,ido laga heleynin
6- inaan dhag loo dhigin waswaaska sheydaanka .
7-inaan dan laga galin kuwa awood u waayey iney quraanka bartaan .
8- in la cusbooneysiiyo mar kasta niyada iyo dadaalka barashada quraanka
9- in la kaashado saaxiibo fiican .
10- in lala beegto xifdiga waqtiyada fiican sida salaada subax ka dib.
11- in waqtiga la iska habeeyo , shey walba waqti loo yeelo.
12- quraanka oon ladaba taagnaanin waxey dhashaa xifdin yar taasina waxey keenaysaa inuu qofku faraha ka qaado barashada quraanka .

FIIRI JADWALKAN
QOFKII DUSHA KA QABTA MAALIN KASTA

SANAD+BIL+MAALIN Aayadaha
17 sano iyo 7bilood iyo 9maalmood 1 aayad
Shan sano &10 bilood &13maalmood 3aayadood
3sano &6bilood&7maalmood 5aayadood
1sano&8bilood&12 maalmood Hal bog
10 bilood &6maalmood Labo bog
8bilood Hal maqro
4bilood&maalin kaliya 5bog

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684696
Today
Yesterday
All days
1083
1445
684696
2024-09-16 19:39

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e8895481e2119069260361726515540
title_66e8895481f0c227924171726515540
title_66e8895481fec9226613281726515540
title_66e88954820cb17933626131726515540
title_66e88954821a810814516501726515540
title_66e88954822939187604221726515540

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e889548306f14637036951726515540
title_66e889548315510284079021726515540
title_66e88954832436253760101726515540
title_66e88954833221525969411726515540

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com