القرآن الكريم
QURAANKA KARIIMKA
إعداد / عبد القادر شيخ محمد أخي
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Horey waxaan ubalan qaaday inaanan ka hadlin mowduuc horey looga hadlay. si faa,idadu u badato walaal kastana kheyrka uga qeyb qaato.. Mowduuceenu maanta waa soomaalidda iyo quraanka kariimka. Soomaalidu waxey ka mid ahaan jirtay ummaddaha muslimiinta ah ee aadka u daneeya quraanka kariinka, gaar ahaan xaga xifdintiisa iyo subaciisa. waxaana caado u ahaan jirtay ineysan caruurtu waxbarahso bilaabin ilaa ay quraanka dhinac u ridaan, taasina waxey keeni jirtay inuusan la mid noqonin ardeyga quraanka soo bartay ardeyga aan quraanka baranin xaga hadalka , xaga fahmada, xaga adaabta iyo ixtiraamka macalinka, xaga dhaqanka iyo degenaanta. laakiin waxaad mooda in waayahan danbe laga mashquulay kitaabkii illaahay subxaanahu watacaalaa, taasina waxey keentay khasaaro aduun iyo mid aakhiro, waxaan xusuustaa iyadoo soomaalidu isugu faanto quraanka kariimka, intaasoo jeer ayaan dhameeyey ama qabiil hebal waxaa laga heli karaa intaasoo wiil oo quraanka dusha ka heysa , hadana waxaan arkay iyadoo la isugu faanayo aduun iyo waxaan qiimo la heyn, sidaas darteed ayaan waxaan jeclaaday inaan walaalaheyga soomaaliyeed usoo jeediyo xaga quraanka anigoo alle subxaanahu watacaalaa talo saaranaya.. Soomaaliyey quraanku waa kalaamkii rabil-caalamiin, waa kii nabi muxamed s.c.w. lala soo diray, waa kii aan sababtiisa muslimiin ku noqonay , waa kii la inoo dardaarmay inaan hanuun ka yeelano .waa kii la ina faray inaan isku xukuno, waa kan la ,aantiis jahanmo lagu muteysto , waa kan cidii qaadata u horseeda amaan iyo iimaan cidii ka jeedsatana cabsi iyo cidhiidhi,,,hadaba ma la socotaa in quraanka cidii aqrisa ay ajir iyo xasanaad ka dhargi , ma la socotaa cidii quraanka barata dadkana barta iney tahay cida ukheyka badan, nabi muxamed s.c.w. wuxuu yiri : (waxaa idiinku kheyr badan qofkii quraanka barta kadibna dadka bara) wuxuu kaloo yiri s.c.w.: (Qofkii aqriya xaraf quraanka ka mida wuxuu helayaa ajir halkii ajirna waa toban xasano markaasuu nabigu s.c.w. yiri dhihi maayo ALIF LAA MIIM waa hal xaraf ee ALLIF waa xaraf LAAMNA waa xaraf MIIMNA xaraf ..eeg tarmiidi Nabigu s.c.w. wuxuu yiri :(Qofka quraanka dusha ka haya ee aqrinaya wuxuu lamid yahay malaaigta baariyaasha ah , qofka quraanku ku adag yahay ee hadana aqrinaya labo ajir ayuu lee yahay , bukhaari iyo muslim .Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : ( Aqriya quraanka qiyaamaha ayuu ushafeecayaa cidii aqrisa) saxiixul- muslim . Nabigu s.c.w. wuxuu yiri: ( Waxaa loo dhahayaa qofka quraanka aqrin jiray qiyaamaha - aqri oo kor ufuul janada sidaad u aqrin jirtay aduunka, darajadaadu waxey gaareysaa inta aad quraanka ka aqriso) nasiib badanaa kuwa aduunka quraanka dusha ka qaabtay oo hadana ku daray fahan iyo ku dhaqan , AKHII fiiri naftaada adigaa cid walba ka og, ka mid ma tahay kuwa loogu magac daray AHLUL-QURAAN ogow kuwaas waa AHLU-LLAAH, ALLAHAYOW NAGA DHIG KUWA DANEEYA KALAAMKAADA (QURAANKA) Faa,ido cilmi ku dhisan hadii quraanka wax lagaa weydiiyo ?? ogow inuu Quraanku yahay 114suuradood ,30 jus, 60 xisbi, xisbigu waa afar rubac ,tirada rubuca quraanku waa 240rubac, tirada aayadaha quraanka waa 6236 aayadood,kalimaadka quraanku waa 77473eray xuruuftiisuna waa 323071markii xuruufta la shiddo lagu darana waa 332588oo xaraf, bal ka waran qofkii aqriya tiradan inta xasano ee uu heli karo , laa illaaha ila llaah muxamadu rasuulullaah .

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684738
Today
Yesterday
All days
1125
1445
684738
2024-09-16 19:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e88cedb519621332805211726516461
title_66e88cedb52a68262673071726516461
title_66e88cedb53a020119692551726516461
title_66e88cedb54985385644791726516461
title_66e88cedb558b11784566241726516461
title_66e88cedb568a16539095771726516461

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e88cedb65f515203949161726516461
title_66e88cedb66f0924093591726516461
title_66e88cedb67e020044455241726516461
title_66e88cedb68ca7207448701726516461

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com