MA RABTAA INAAD QUR,AANKA
KHATINTO BIL KASTA?
هل تريد أن تختم القرآن في كل شهر ؟

إعداد / عبد القادر شيخ محمد أخي
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Waxaa la hubaa inaan dhamaanteen quraanka jecelnahay, waana tan inagu kaliftay inaan qur,aanka aqrino habeen iyo maalin walba , ilaa ay ikhyaarta qaar dadaalkoodu gaarsiiyo iney maalin ku khatimaan quraankoo dhan ..
Ikhwaanii qur,aanku waa xayaatadeenii dhabta aheyd , isagaa ka qiimo badan cuntada iyo cabida iyo xataa hawada aan marna neefsaneyno marna saareyno sababtoo ah la,aantii waa halaag aduun iyo mid aakhiro, sidaas owgeed sow ma haboona inaan la tacaalo..
Mudo aad u fog ayaa waxaan aqriyey dhambaal qaadaa dhigaya qiimaha qur,aanku leeyahay iyo sida uu dadna ugu noqon doono xujo dadna uu lidkooda u ahaan doono, waxyaabihii aan ka faa,ideystay maqaalkaas waxaa iigu yaab badnaa sida qur,aanka loo goobo goobeyey ee muslimiintu tan iyo waqtiguu soo dagay ay u daneeyeen.
Qur,aanka hadaad tiraahdo tafaasiirta laga qorey ayaan tirin waad daali , Qur,aanka hadaad tiraahdo balaaqada dhexdiisa ku jirta baan koobi waad daali , adigu hadal badan yaana kugu daalinine majiro fan ka mida funuunta islaamka ilaa waxaad ka heleysaa aayad ama nuurkeeda oo hadheynaya taasina waxey ku tuseysaa inuusan kitaabkani sahal aheyn.. ilaa ay culimada muslimiintu qaar kamida yiraahdeen hadaad dooneysid liibaan aduunyo qur,aanka ku dadaal, hadaad dooneysid mid aakhiro qur,aanka ku dadaal, hadaad dooneysid labada daarood inaad hodon ahaatid qur,aanka ku dadaal.

Fahamkaas waa kan looga baahan yahay axad kasta oo qur,aanka distoor ka dhigtay laakiin waxaa la isku hayaa meeqaa qur,aanka bilkasta khatinta ? meeqaase markey qur,aanka aqrinayaan isku deyda iney macnihiisa fahmaan ? qur,aanka looma soo dajinin kaliya in dadka dhintay loo aqriyo ama markii dhib yimaado la barakeysto, qur,aanku waa kalaamkii rabi waana distoorka rabi ugu talogalay inuu hago uunka aduunka kunool kan carabka ah iyo kan reer-galbeegka ah, dadku maanta waxey leeyihiin aduunku xagee ka qasan yahay , waa maxay dulmiga ka socda meel kasta een raxmada laheyn gaar ahaan kan ku habsaday muslimiinta meel kasta joogta, soomaalidu maxey uga bixi laadahay jaahwareerka ku habsadey shan iyo toban sano ka hor? Maxaa isku diray dad isku af iyo diina ? maxaa keenay in xuduudii allaah subxaanahu watacaalaa laga talaabsado ? Waa waxey dhahdaa nin jiirkiisa la hayo dhoosha kama qoslo , taas waxaan uga gol leeyahay muslimiintu waa walaalo waxeyna walaalo ku noqdeen diinta islaamka iyo caqiidada ka dhaxeysa ,
Qur, aanku siduu ugu baahan yahay in markasta la daba taagnaado ayuu ugu baahan yahay in la isku taxluujiyo in macnihiisa la fafmo , taasina waxey keeni in qofku si toosa ugu xirnaado rabigii quraanka soo dajiyey.

هذا وصلى الله وسلم على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين،،

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1734673
Today
Yesterday
All days
1817
2029
1734673
2026-05-22 19:35

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a10b00ac22e32136585331779478538
title_6a10b00ac234c14651299151779478538
title_6a10b00ac23ae5056605061779478538
title_6a10b00ac241021459921411779478538
title_6a10b00ac24714400744081779478538
title_6a10b00ac24d511496842101779478538

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a10b00adde4611552263871779478538
title_6a10b00adde968099823051779478538
title_6a10b00addee110251500701779478538
title_6a10b00addf2c2899072831779478538

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com