NIDAAMKA DACWADA
JAALIYADA SOOMIDDA
EE JEDDAH

WAXAA DIYAARIYEY
GUDIGA WACYIGALINTA


HORDHAC
Mahad meel ay ka timaadaba rabi baa iska leh , nabi muxamedna s.c.w. rabi dushiisa ha yeelo nabadgalyo iyo naxariis aan halkan lagu soo koobi Karin.saxaabadii iyo intii xaqa ku raacdayna allaah subxaanahu wa tacaalaa haka abaalmariyo, culimadii muslimiinta ee nuurka diinta nasoo gaarsiisayna allaah haka jaseeyo , inta laa illaaha muxamadu rasuulu llaahi tirina qalbigooda rabi ha isku soo dumo.. Intaa ka dib labadii damacda iney howl wada fuliso waxaa badan iney sameystaan qaab ama nidaam ay ku wada socdaan , taasi waa aduunyada , bal ka waran hadii howsha la rabo in la ansixiyo ay tahay faafinta diinta islaamka, hanuuninta iyo wacyi galinta bulshada nooc kasta leh .waxaan shaki ku jirin iney ka baaraandaga arintan u baahan tahay rag mukhlisiin ah oo hura xoolahooda iyo waqtigooda , gaar ahaan waqtiyadan danbe ee u batay cadowga islaamka , dadka muslimiinta ahna intooda badan ay ka mashquuleen wixii loo abuuray ..Sunada nabi muxamed s.c.w. waxaa ku cad iney jirto ,jirina doonto koox xaqa utaagan oon marnaba weecaneynin xataa hadii dhib iyo dibindaabyo la hor dhigo - Allahayow kuwaas naga mid yeel aamiin- kuwaasi waxey iftiinka islaamka ubidhaaminayaan dadka ilaa qimaamuhu istaago. Hadaba jaceyl loo qabo kuwaas iyo jirin la baadi goobaayo raali ahaanshaha raxmaanka ayaa qaar ka mida jaaliyadda soomaalida ee k.s.a. isu taageen iney daboolaan baahida loo qabo , barashada diinteena iyo in wacyi galinta bulshada ..
SABABTA KEENTAY IAAN QORO BUUGAN..
Shan sababood ayaa igu kalifay inaan qoro kitaabkan .
1- waxaan arkay dacwadii islaamka oo laga mashquulay
2-waxaan arkay dadweynihii oon fahmin inay dacwadu iyaga ku wajahan tahay
3- waxaan arkay dadkii ood moodid in lagu yiri waxbarsho iyo camal isma qaadan karaan..
4-waxaan damcay barnaamijkan haduu noqdo mid wax ku ool ah inay ka faa,ideystaan jaaliyadaha soomaaliyeed ee aduunka meelo badan kaga nool , walaalaha

YAA UBAAHAN DACWADA?
Dacwada islaamka waxaa ubaahan aniga iyo adiga iyo cid kasta oo jecel iney ku noolaato kheyr iyo barraare intey aduunka joogto, aakhirana janada Ma ogsoon tahay inuu qofka banii,aadamka ah u baahan yahay qadaau-nafsi sida uu ugu baahan yahay cunto iyo cabid daawo , hurdo , raaxo i.w.m.
HUNGURIGA NAFTU U BAAHAN TAHAY WAA iimaan , daaco , alle caabudid , rabi ka cabsi , ixsaan i.w.m. hadaba dacwadu waxey ka dhigan tahay noolal dhayib ah , qofka aan dacwada u baahneyn wuxuu la mid yahay qof dhintay , meeqa ayey naftu ka baxday sidii xoolahii iyagoon dhihi Karin laa illaaha ila llaah muxamadu rasullu llaah, kuwaasi wey khasaareen aakhiro iyo aduun maxaa yeelay waxey naftooda ka hor istaageen iney qaadato dacwadii islaamka, soomaalidu waa dad muslimiina , waa umad jecel diinta islaamka , taasna waxaa daliil u ah markey gaaladu isku taxluujisay mudo dheer iney soomaalida islaamka ka saaraan, uma suuro galin taasina waxey ka socon weyday amar alle iyo soomaalida oo ku dhaganeyd diinteeda aqoonba yeysan ulahaanine, hada iyo maanta oo ay soomaalidu kukala firidhtay aduunka oo dhan allaahu aclam waxey la imaan doonaan kuwa maqan , gaar ahaan caruurta dhulka gaalada ku barbaartay .
Walaalayaal ma sidii la rabay mise sida hada xaalku yahay, sidii la rabay waa inaan dhamaanteen ducaad noqono dadka islaamka ugu yeera, laakiin waxaad moodaa markii qaar badan oo muslimiina ay ka seexdeen wixii laga rabay inay iyaga looga baahan yahay iney qaataan wanaaga la faraayo walibana ku garab istaagaan kuwa kheyrka ka shaqeynaya, taas hadii la waayo waa in wanaaga la qaato wixii xaga rabi ka yimina samicnaa wa adacnaa la yiraahdo, tan wax uga danbeeya qofka muslimka ah ma lehan hadaadan adigu diinta wax ka baranin, ka baro culimada hada hadaadan waqti uheynin barashada diintaada ku dadaal inaad xoolahaaga u hurto, hadaan xoolo laheyn ha ka hor imaanin wixii xaga rabi ka yimi . waxaa
imarnaba ha ka kooban yahay sadex qeybood jirka , iyo nafta iyo dhamaan cidii rabta janada ay wabiyadu hoos dureerayaan, kuwaasoo kala ah raga iyo haweenka dhalinyarada iyo gabdhaha & caruurta dacwada waxaa ubaahan dhamaan banii,aadamkoo dhan laga soo bilaabo madaxda ilaa laga soo gaaro dhalaanka naaaska hooyadiis nuugaya , taas waxaan ka wadaa nabi muxamed s.c.w. waxaa loo soo diray aduunka oo dhan kadibna aduunku wuxuu uqeybsamay labo qeybood umadd yeeshay oo la yiraahdo umatull ijaaba iyo umatud-dacwah oo run ahaantii dacwadu ay kusocoto
umadd diiday iyo
umadood , ,
WARBIXIN KU SAABSAN
SOOMAALIDU

HABKA DACWADU USOCOTO
Dacwadu waxey usocotaa hab laga soo xigtay siyaabihii kala duwanaa ee nabigeenu s,c,w, dacwada u wadi jiray,

SHARAFTA AY DACWADU USOO JIIDAY JAALIYADDA
Sidaan horey usoo sheegnay soomaalidu waa dad muslimiina , markii dacwo la sheegana ma aha in dadka diinta la soo galinayo , dacwadu waxey noqon kartaa in qofka khaldan markii khaladka loo cadeeyo inuu isa saxo khey loo sheego uu qaato kadibna noqdo qof dareemay waajibaadka saaran
Iyadoo sumcada soomaalidu aad uliidato xaga shacabka sacuudiga ayaa la helay dad isku duuban oo ay wajigooda ka muuqato kheyr kuwaasi waxey kaalmeysteen makaatibta jaaliyaadka ee loo furay wacyi galinta muslimiinta kadibna waxay nasiib u heleen inay dadkoodii kheyr u sheegaan taasi waxey keenat in dad badan rabi ku anfaco wacyigalintaas , shacabkii iyo dowladiina ay ogaadaan in soomaalidu isugu jirto dad xunxun iyo dad fiicfiican sida umadahoo dhan , taasi la yaab ma lehan .
XAGEEBAY DACWADU KA SOCOTAA .
Dacwadu waxey ka soctaa magaalada jedah gaar ahaan xaafadaha kiilo: 7 kiilo :6 kiilo : 5 kiilo : 3 saxiifo , sabiil ,sharafiya bawaadi , bariimaan , madaainu fahad ,quleyl , kiilo :8 cabuu. Sharafiyo i.w.m.
Duruustan waxaa aqriya culimo soomaaliyeed kuwaasoo jecel inay
DACWADU CID KASTA MA KA QEYB QAADAN KARTAA .
Haa dacwadu cidna gooni uma khuseyso , sidaas darteed cid kasta oo xumbarsan hamiga diinta islaamka waaxdeeda ayey ka qaadan kartaa , matalan hadaan tusaale gaaban soo qaadano , ninka madaxweynaha ah awood ayuu ulee yahay inuu dadweynihiisa waxyaabo badan oo kheyr ah faro, madaxweynuhu awood ayuu uleeyahay inuu dowladiisa ku darsado wasaarad u adeegeysa hanuunita iyo toosinta wixii jidka toosan kaleexda ,sidaas oo kale iyadoo qof waliba uu awoodiisa ka anboqaadayo ayuu ka sameyn karaa wasaaradiisa ama goofkiisa ilaa biya tooniga laga soo gaaro ,]hadaba ikhwaanii umadda oo kheyrka la faro waa dacwo , umadda oo xumaanta laga reebo waa dacwo , qofka dadka kheyrka faraya oo lagarab istaago waa dacwo , kan xumaanta ku dhex jira oo si dagan looga badbaadiyo xumaanta waa dacwo , ma,ahan dacwadu shaqo ay iska lee yihiin dad gaar ahaaneed , nacam ayaamahan danbe markii ay muslimiintu ka gaabiyeen muhiimadan qaaliga ah iney isu taageen qaar ka mida muslimiinta , ikhwaanii taasi ka cafin meyso muslimiinta xilkii kasaaraa diintooda , hadaba walaalayaal cisigu iyo sharaftu waxey ku jirtaa inaan diinteena aduunka ku faafino si aan ubadbaadino dad badan oo naarta qarkeeda taagan , mida kale dacwadeena aan dadka diinta bareyno ama aan xumaanta reebeyno ama aan gaalada islaamka ugu yeereyno, inaga ayey dan inoo tahay , waxaa igu walaahi ah hadeynaan ka hor tagin duufaanka inagu soo food leh ee doonaya inuu caqiidadeena khalkhalka galiyo, waxeynu halis unoqoneynaa khatar ..
Sheekh cumar faaruuq oo ah mid ka mida culimadeeda soomaaliyeed ayaa iiga sheekeeyey wax taabo la yaab leh oo uu dhulka gaalada ku soo arkay , sheekhu wuxuu yiri : Reerkii soomaali ahaa ee udhoofay dhulalka gaalada qaarna diintoodii ayey kusii dhageen oo yaqiin ayaa usii siyaaday , qaarna beerta ayey galeen oo wey ka tageen dhaqankii islaamka , kuwaasi waxey halis uyihiin iney naftooda halaagaan , kuwa ay dhalaana haduusan rabi kasoo gaarin duliga waxey khatar uyihiin iney asiibto ujeedadii ay gaaladu ka lahaayeen , laakiin kuwa fiicfiican rajo ayey lee yihiin iney naftooda ka badbaadiyaan duufaanka , bal waliba iyaga isku daya iney dhaqanka gaalada wax ka badalaan, walaalahooda aan soo sheegnayna waxey markasta la daba taagan yihiin sidey isu ilaalin lahaayeen,
Qiso kale : Sheekhu wuxuu yiri somaalidu waxey ku jirtaa dadyowga muslimiinta ah ee dhulalka gaalada u dhoofay kuwa ugu firfircoon, markaasuu sheegay todobo wiil ayaa combany shaqo ka heshay , shirkadaas waxaa mudo dheer ka shaqeynaayay dad muslimiin ah , dadkaasi ma tukan jirin mudadaas dheer , wiilashii soomaaliyeed waxey ka dalbeen maamulihii shirkada meel ay ku tukadaan iyo jaanis ay ku tukadaan , waxeyna u balan qaadeen iney waqtigaas badalkiisa shaqeyn doonaan , maamulihii wuu diiday oo wuxuu yiri : waxaas wax suuro galaaya ma,ahan , wiilashii waxey ucadeeyeen iney salaadu tahay rukni arkaanta muslimiinta ka mida oo aysan marnaba ka tageynin , hadey arintu halkaas dhaafi wedana waxey kalifi doontaa iney shaqada dhafaan, ninkii gaalka ahaa wuxuu dareemay iney wiilashu yihiin dad mabda,a leh oo aan ladardari karin , taasina waxey dhashay in loo ogolaado dhalin yaradii in loo siiyo salaadooda jaanis ay ku cibaadyestaan , arintii waxey gaadhay dad badan oo muslimiin ahaa oo soomaalida ka soo horeeyey oo shaqadooda ka doortay salaadooda , qisadii markey maqleen ayaa mid waliba yiri aniguna muslim baan ahay , ninkii maamulaha haa wuxuu yiri : uma qisani shirkadeyda muslinnimo waxaan dhalin yarada soomaaliyeed ahayn , qofkii mardanbe muslim baan ahay dhahana shaqada waan ka burinayaa , dhamaan waa lawada aamusay, oo qof walba shaqadiisii ayuu ka doortay salaadisii , walaalayaal diinta islaamka inagaa ubaahan, hadeynu utafaxeydano sidaan arlada ilaahay oodhan ugu faafin laheyn ,rabi wuu inoo sakhiri inaguna waan ka faa,ideynaa..
Hadaba dacwadu waxey dusha ka saaran tahay qof kasta oo muslim ah oo caaqil ah laga bilaabo midka usareeya imaamu muslimmnka ilaa laga gaaro kan uhooseeya ee biyo tooniga ah.. .. muslimiin badan ayaa nala shaqey
ASLUUBAHA LA ADEEGSADO .
Waxaa la adeegsadaa asluubtii rabi inoo dardaarmay taasoo ah in dadka loogu waco rabigii abuurtay subxaanahu watacaalaa , dadka waxaa loo adeegsadaa xikmada kadibna wacdi kadibna in hadalka looga dhaadhiciyo si dagan , dadku isku mid ma,aha dad waxaa jira hadii si dagan wax loogu sheega qaadanaya , kuwaas xikmad baa loo adeegsani , kuwa ku xigana waa la waanin oo waxaa la xusuusin qiyaamaha iyo cidii qaadata diinta kheyrka u danbeeya , qofkii intaas looga maara waayo waxaa loo adeegsanayaa dood cilmi ku dhisan waxaa si caqli leh loo tusi in xaqu yahay mid cad oo u baahan in la raaco haduu diidana qasab ma jiro waayo xaqa oo laqaato waa sharaf .
Intaa waxaa la mida waxaa la eegayaa waqtiga qofka wax loo sheegayo waxaa jira waqtiyo munaasiba iyo waqti uusan qofku diyaar u aheyn . waxaa kaloo la ogaanaya qofka noociyadiisa ma caalimbaa ma jaahilbaa ma faasiqbaa ma tuugbaa , qof walba xaaladiisa ayaa la qadarinayaa meel gaaban ayaana laga galayaa caalim haduu yahay waa la xurmeyn ka dibna si dagan oo sir ah ayaa loogu sheegayaa , wa haakadaa.. waxaa dhacda In badan taasi waa asluubtii lawada yaqaanay .. waxaa la adeegsadaa shan arimood : xaafada la rabo in darsi laga bixiyo ayaa diraaso lagu sameeyaa , xagey ku taalaa , yaa ikhyaar jooga , dadka dagan noocooda iyo dhibka ka jira intee la eg yahay , intaa kadib ayaa ducaadu siyaartaan xaafada kadibna la kulmaan ikhyaarta , waxeyna bilaabaan is barasho kadibna waxey weydiiyaan baahida xaafada ka jirta intaa ka dib waxaa la raadiyaa meeshii darsiga lagu bixin lahaa , kadib markii la helana waxaa la bilaabaa darsi dadka munaasib u ah , darsigaas inta badan waxaa ka faa,ideysta raga iyo haweenka dad badan ayaana rabi ku anfacay , ilaa ay qaar kamida ikhyaarta xaafadu soo dalbaan darsiga hala badiyo ..
Walaalayaal waxaa laga yaabaa inuusan qofku helin sidii uu wadan kiisa duruusta uga heli jiray laakiin hadii sidii la rabay la waayo waxaa la ma huraan in la raadiyo si ku dhow .

SUMCADA JAAALIYADA .
KA QEYB
GALKA SHIRARKA DACWADA
bil kasta dhamaadkeeda waxaa la qabtaa kulan aad uqiimo badan, oo looga gol leeyahay sidii dacwada kor loogu qaadi lahaa waxaana kasoo qeyb gala qaar badan oo daneeya diinta islaamka iyo danaha bulshada , kulankaas waxaa lagu qaadaa dhigaa inta badan sadex arimood oon mid afraad laheyn..
MIDA KOOBAAD : Maxaa la qabtay bishan , meeqa darsi iyo muxaadaro ayaa baxday ? , xagee lagu qabtay ? yaa ka faa,deystay ? wax dhib ah oo lala kulmay majiraa ? dhabcan haduu dhib jiro waxaa lagu dadaalayaa sidii looga gaashaaman lahaa
Mida labaad: Maxaan qabanaa bishan soo socota ? xagee baahidu u badan tahay ? yacnii xaafadeebuu ku badan yahay jahligu .. ?
yaa haya siyaado ama ra,yi wax utaraya diinta iyo bulshada .. Mida sadexaad :
intaas waxaa dheer haduu yimaado sheekh weyn ama shakhsi laga faaideysan karo waxaan isku taxluujinaa sidaan uga fa,ideysan laheyn ..

Fiiro gaar ah : Shirkan wuxuu u furan yahay dhamaan inta jecel kheyrka waana kulan ka fog waxa loo yaqaan maanta siyaasad, kulan waa mid rabi loogu dhawaado, waana midkaan jecel nahay in loogu gorfeeyo

ka baxday , yaa bixiyey badan kulanadaas waxaa
ISKUULKA SOOMAALIDU :
Kadib markii la dareemay baahida bulshada soomaalidda ku nool labada xaram iyo sida ay caruurtoodu udayacan yihiin ayaa waxaa xil gaar ahaaneed iska saaray qaar ka mida jaaliyadda soomaalidda ee Jeddah, mudo aan badneyna rabi wuxuu usahlay in albaabada loo furo iskuul ay wax ka bartaan in kabadan 500 oo arday , run ahaantii markii tiro koob lagu sameeyey caruurta wiilal iyo gabdho leh ee ubaahan in waxbarasho loo furo waxey ubaahan yihiin 9 iskuul oo kale taas waxaan uga gol lee yahay in la dareemo baahida bulshada ,iyo si ay hurdada uga kacaan kuwa waqtiga ku dhameeya Qiila wa qaala -sidaasaa la yiri , iyo sidaasuu yiri - akhii waa laguu baahanyahay xataa hadaad biyo tooni tahay - anigoo ka faa,ideysanaya fursadan waxaan dhamaan jaaliyadda soomaalidda ee ku nool labada xaram ugu bishaareynayaa in la furi karo dhamaan iskuuladaas aan soo sheegnay , laakiin waxaa loo baahan yahay dadkii masuuliyadaas uqumi lahaa ...
Faa,idada furitaanka iskuulada
1- waxaa wax ka faa,ideysanaya caruurteenii .
2- waxaa shaqo ka helaya in kabadan boqol qof oo rag iyo haween isugu jira - iskuulada gabdhaha waxaa wax ka dhigaya haweenka , wiilashana raga .
2- waxaa laga wacyi galin karaa bulshada
4- iskuuladani waxey sabab u noqon karaan isku xirnaanta bulshada
5- waxaa si gaara uga faa,ideysanaya agoonta aan haadna heysanin..
CALAAQADA WALAALAHA DIBADDA KU NOOL
Nacam
XIRIIRKA WALAALAHA GUDAHA KU NOOL
RAMADAANKA
BISHA CARAFAO
ISKU XIRIDA DHALINYARADA IYO HEY,ADAHA ISLAAMKA.
HADII MARTI DIBADA KA TIMAADO
DARSIGA CAAMKA AH .
QEYBTII KOOBAAD INSHAA ALLAAH DIB AYAAN QEYBAHA KALE KASOO GUDBINEYNAA ..
CABDULQAADIR AKHII

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684738
Today
Yesterday
All days
1125
1445
684738
2024-09-16 19:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e88cedb519621332805211726516461
title_66e88cedb52a68262673071726516461
title_66e88cedb53a020119692551726516461
title_66e88cedb54985385644791726516461
title_66e88cedb558b11784566241726516461
title_66e88cedb568a16539095771726516461

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e88cedb65f515203949161726516461
title_66e88cedb66f0924093591726516461
title_66e88cedb67e020044455241726516461
title_66e88cedb68ca7207448701726516461

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com