مأســــــاتنا والحـــــــــل
(عودة ودعوة)

مقالات عن ألمنا وأملنا
د. مهدي بن علي قاضي


DHIBKA UMMADDA HEYSTA
IYO SIDA LAGAGA BIXI KARO
ALLE U NOQOSHO IYO DACWO) (

WAXAA DIYAARIYEY
D.MAHDI BIN CALI QAADI

WAXAA TURJUMAY
C/QAADIR SH. MAX,ED AKHII


YEERITAAN
Waxaan qof kasta ugu yeereynaa inuu naftiisa xisaabiyo, Maalmuhu wey socdaaan xaanshiyaha wax lagu qorana waa la laabaa, sanad markuu dhamaadana sanad kale ayaa bilowda, qof kasta oo inaga midana wuxuu awood u lee yahay inuu xisaabiyo naftiisa intaan la xisaabin ka hor isagoo ku cibro qaadanaya cumrigiisa intii dhamaatay, walaal miyaadan u jeedin inay maalmuhu socdaan iyadoon la dareemin, markuu sanad cusub dhasho ma,ahane ama bisha ramadaan dhalato ama ciid. Su,aasha lagama maarmaanka ah waxey tahay : Maxaan udiyaarsanay Aakhiro? Maxaa kheyr ah oon nafteena u hor marinay si Alle inooga abaal mariyo? Maxaa la inoogu qoray xaashiyaheena? maxaan u diyaarsanay qabriga la inagu xabaali doono? Ma xusuusan nahay maalinta dhimashadda iyo qabriga? Ma aqrinay shey Qur,aanka ka mida ? Ma ilaalinay wardiga ka danbeeya salaadaha ? Ma ku khushuucnay salaadeena ? Alle ma weydiisanay janadda? Alle ma ka magan galay Naarta? Alle Ma ka dalabnay danbi dhaaf maalin maalmaha ka mida ?
Ma ka fogaanay wixii Alle inaga reebay? Ma ku fakaray inaan ka fogaano la saaxiibidda dadka xunxun? Maka nadiifinay quluubteena kibirka,xasadka &calool xumadda? Maka ilaalinay carabkeena xanta, beenta, namiimadda, dad iskudirida? Ma iska deynay inaan fiirino wixii Alle inaga reebay? Ma iska deynay dhageysiga wixii Alle xarimay? Ma amaray wanaaga? Mase reebnay xumaanta? Ma u huray diinteena wax kasta oo qaali ah sidaan ugu gaari laheyn? Ma yeelay…… masameynay …….? Ma qabanay ………? Su,aalahaas oo dhan waa su,aalo jawaabtoodu utaal Aniga , Adiga , Iyada, Isaga , Iyaga , Inaga , Allahayow ma gaarsiiyey?
WACITAAN DHAB AH
IN QOF KASTA XISAABIYO NAFTIISA, KA DIBNA U DIYAAR GAROOBO SAFARKA AAKHIRO.
DHIBAATADA INA HEYSATA
Arki meysid ama maqli meysidd waayahan danbe axad la dilay ama ummad la leynayo ilaa muslimiinta ma,ahane, waxba ha eegin wadankiisa fiiri kaliya diintiisa, eeg waxa ka socda dhulka barakeysan Falasdhiin, eeg waxa ka socda miindinaaw Filibiin, eeg waxa ka socda boosna iyo siduu sirbi u leynayo muslimiinta , eeg waxa ka socda hindiya dhexeeda ama muslimiinta kaashmiir waxey ku hayaan ee dil iyo duleysi ah, eeg ruush wuxuu ku hayo jamhuuriyadaha muslimiinta sida shiishaan iyo adribiijaan I,w.m. fiiri itoobiya waxey ku heyso muslimiinta ku dhex nool iyo kuwa dariska la ah.
DHIIGA MUSLIMIINTA KHARIIDADA ADUUNKA .

XALKU WAA IN LOO LAABTO KITAABKA IYO SUNADA .


HADIYAD.
WAXAAN U HADIYEYNAYA KITAABKAN WALAAL KASTA OO KA MIDA UMADDAN DHAAWACAN . ANIGOO KU RAJO WEYN INAAN HURDADA KA KACNO !! KA DIBNA AAN ISKA KAASHANO SIDAAN KU GAARSIIN LAHEYN UMADEENA DARIIQA LIIBAANTA IYO KOR AHAANTA INAGOO KU DADAALEYNA INTA AWOODEENU DHAN TAHAY INAAN WAX KA QABANO XANUUNKA IYO DHIBKA HEYSTA WALAALAHEEN SI AAN SABAB UGU NOQONO FARAXA UMADDA. OO AYNAAN SABAB UGU NOQON DHIBKA UMADDA IYO U GARGAAR LA,AANTEEDA
TUSMO
HORDHAC………………………………………………
BADNAANTA DHIBKA JIRA IYO MASHAAKILKA , GOOR MAA HURDADA INTII LAGA KACO RABI LOO LAABAN ?
SI AYNAAN SABAB UGU NOQON DHIBAATADA WALAALAHEEN HESTA !! ……………….
CULIMADU MA CADEEYEEN XAQIIQADA UMMADUSE MA DAREENTAY DHIBAATADDA !!?
BALAAYO INOO IMAAN UMMADDA ISLAAKOW : AAN ALLE U LAABANO INTAAN
INTA NICMADA AAN KU JIRO AYSAN BALAAYO U BADDALIN !!

HA NOQDO AFGARADKEENU ULAABASHO KITAABKA IYO SUNADA


بسم الله الرحمن الرحيم
HORDHAC
إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره، ونعوذ بالله من شرور أنفسنا، ومن سيئات أعمالنا، من يهده الله فلا مضل له ، ومن يضلل فلا هادي له ، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له ، وأشهد أن محمدا عبده ورسوله صلى الله عليه وسلم.
Walaalkeyga muslimka ah iyo walaasheyda muslimadda ah ugu horeyntii iga gudooma salaanta ka dhaxeysa muslimiinta meel ay joogaanba:
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته
من أين يبتسم الفؤاد ويفرح وظلام ليلك جاثم لا يبرح
Walaalaha muslimiinta een Alle dartiis ku walaalownay ee meel kasta jooga waxaan idiin soo gudbinayaa dhambaalkan - waqti ummaddeenu meel kastoy ku nooshahay lagu duleysanaayo, waxaa la arkaa in dhambaalkan Rabi inagu anfaco kadibna aan umadeena ka badbaadino dhibka heysta .
waxaan shaki ku jirin inay ummadeenu ku nooshahay dhibaato aad u weyn,taasoo ku tuseysa awood xumo jirta iyo cadowgeeda oo ka faa,ideystay dhibka ummadda heysta, taasina waxey dhalisay inay umaddeenu noqto mid dabo dhilif u ah cadowgeeda,asal ahaana waxey aheyd in ummadeenu hogaanka gacanta ku heyso si ay ummaddaha ugu hogaamiso kheyr iyo liibaan .
marka waxaa loo baahan yahay in la ogaado in dhibka dhacay iyo gaabinta ay ummadeenu sabab u tahay.
Dhambaalkan waxaan qoray waqtiyo kala gadisan taasoo qaadatay dhowr sano anigoo qoraal kasta qorayey kadib mar kastoo dhibaato cusub dhacdo, taasood moodo in dhibaatooyinku inaga inagu kooban yihiin sidey usoo noq noqonayaan badnaanteeda, gaar ahaan waayahan danbe, hadaba sababtu maxey tahay? sababtu wey iska cadahay umaddeena ayaan daaweynin boogta meesha ay ka jiran tahay, umaddeenu waxay aad uga fogaatay ku dhaqanka kitaabka iyo sunada xaga nolosha, maamulka , dhaqaalaha , 1.w.m Hadaba daawadu waa in si dhab ah loogu laabto kitaabka iyo sunada Nabiga  Waxaan rumeysan nahay in ujeedadda la inoo abuuray ay tahay inaan Rabi caabudno, inaan diinta Rabi hirgalino, inaan diinta isku xukuno, inaan islaamka ku faafino aduunkoo dhan si aan ummadaha habowsan uga badbaadino halaaga iyo hooga, waxaan rumeysan nahay Alle weynaantiisa iyo inuu yahay midka abaal marinta iska leh, Alleha janada iyo naarta, arimahan oon la hirgalinin ama aan lagu dhaqmin ayaa dhibaatada qeyb libaax ka qaata, waxaana lagu moodi karaa in si dhab ah Alle aan ugu laabano .
اللهم يا كريم يا أرحم الراحمين ، أبرم لهذه الأمة أمر رشد يؤمر فيه بالمعروف في كل الأمور ، ويعود فيه المسلمون إلى تطبيق كل أوامر دينهم ، وينطلقون داعين إلى نهج نبيهم في أنفسهم وفي كل أرجاء الأرض ، لينقذوا أمتهم والعالم أجمع من محن وضياع الدنيا والآخرة ، (ليكونوا حقيقة لا خيالا) ، إنك على كل شيء قدير .

WAXAA AAD U BATAY DHIBKII IYO XANUUNKII
HEYSTAY MUSLMIINTA, GOORMAA HURDADA LAGA TOOSI DOONAA OO RABI LOO LAABAN DOONAA?

1-Fiiri walaalaheen shiishaan ama garoosniya
2-Fiiri sida musliinta loo jarjarayo hilibkooda
3-fiiri boorma sida loo galayo.
4-fiiri lubnaan (kawaanka qaana)
5-fiiri falastiin.


يا أمة الحق إن الجرح متسع فهل ترى من نزيف الجرح نعتبر
ماذا سوى عودة الله صادقة عسى تغير هذي الحال والصور
Maxaa ka wanaagsan labadan sadar ee gabaygan ku xusan , gabayaagu wuxuu lee yahay : ummadda islaamkow dhibkii wuu sii siyaadayaa, ma dhici kartaa inaan dhibka inagu dhacay ku cibro qaadano, ma jirto wax dhibka lagaga bixi karo oon aheyn Alle u laabasho, maxaa yeelay Alle oo loo laabto waxay dhalisaa isbadal .
Wuxuu kale oo gabayaagu yiri :
دم المسلمين في المحراب ينهمر والمستغيثين لا رجع ولا أثر
Dadka muslimiinta ah dhiigoodu wuxuu ku daadanayaa mixraabka , si kasta oy u qeylyaana wax u gargaaraya malehan- arintan waa xaqiiqo jirta, waana sababta keentay in cadowgeenu ku dhiirado dilka iyo dhaca muslimiinta, sidaas darteed walaalayaal arinta kaliya ee lagaga bixi karo musiibadan inagu habsatay waa inaan ku dhagno wixii ilaahay inoogu balan qaaday gargaarka iyo taakuleynta iyo xifdiga. kitaabka ito sunada Nabi Muxamed  hadaan qabsano Walaahi inuusan cadow inoo soo dhawaan karin, muslimiintu iyagoo kayar muslimiinta maanta joogta ayuu cadowgu agtooda qori ka jabin kari waayey, waayo waxey laahaayeen heybad. maantase fiiri xaalada aan ku sugan nahay, nin gabayaa ah ayaa isagoo xaalada ay maanta muslimiintu ku sagan yihiin ka tiiraanyoonaya ayaa wuxuu yiri :(Waxaa iga oohinaya dilka iyo eryida lagu hayo muslimiinta ee cid kasta u jeedo, taasina waxay iila mid tahay sidii dhimbil hurineysa laabteyda .
مشاهد القتل والتشريد تبكيني وجذوة من لهيب الحزن تكويني
Walaalayaal intaa ka dib waxaa loo baahan yahay inuu dareemo qof kastoo muslima oo ka gubanaya dhibka muslimiinta heysta, inuu yahay xalka kaliya ee dhibka iyo leynta muslimiinta lagaga bixi karo :Islaamka iyo diinta oo lagu dhaqmo.Sidaasoo kale waxaa loo baahan yahay inaan ogaano taakuleynta iyo is garabtaaga iyo in loo duceeyo muslimiinta dhibaateysan inay tahay waajib, laakiin taasi kuma fila in kastoo ducada iyo taakuleyntu ay wax ku ool yihiin, hadana hadii maanta dadka dhibaateysan wax lagu taro oo aysan aheyn dad diinta is ku xukuma ama ku dhaqma waxaad arki hadana dhibkii inuu meeshii ka soo laabtay,sidaas darteed diinta oo sidey tahay loogu dhaqmo ayaa waxaa lagu gaari karaa guul aduun iyo aakhiro.
قال الله تعالى :( إن تنصر الله ينصركم ويثبت أقدامكم ) سورة محمد (7)
إذا تبايعتم بالعينة وأخذتم أذناب البقر ورضيتم بالزرع وتركتم الجهاد سلط الله عليكم ) :
ذلا لا يرفعه عنكم حتى ترجعوا إلى دينكم ): ) وقال
سلسلة الأحاديث الألباني
macnaha xadiiskan : (Hadaad wax ku kala gadataan ciinah- Ciino waa in shey qof looga iibiyo deyn,inta uusan lacagtii bixina isla sheygii lacag intii uu ku gatay ka yar oo kaash ah laga siiyo- ood lo,da daba raacdaan oo aad beeraha ku raali noqotaan, oo aad jidka illaahay in lagu jihaado ka tagtaan, illaahay wuxuu idinku salidayaa dulli , idinkana qaadi maayo ilaa aad diintiina ku soo noqotaan)
nin gabayaa ah ayaa wuxuu lee yahay isagoo ka tiiraanyoonaya dhibka muslimiinta ku habsaday: (Markaan ka tagnay diinteena ayaa waxaa inagu dhacay musiibo, taasoo keentay in dulmigii iyo fasaadkii uu bato sidii isgoo dhuufaan la moodo).
لما تركنا الهدى حلت بنا المحن وهاج للظلم والإفساد طوفان
Walaalayaal ummadda dhibka ku dhacay oo laga sheekeysto ama la is xusuusiyo waxey keentaa in la helo sidii looga bixi lahaa dhibka taasina waxey u biyo shuban –in loo laabto illaahay, si dhab ahna loogu toobo keeno maxaa yeelay dadbaa waxey moodaan in danbiyada waaweyn kaliya laga toobad keeno, wey jirtaa in dabiyada yaryar lagu dhaafo salaada iyo ficilka san, laakiin markii qofku caado ka dhigto waxey lamid noqonayaan danbiyada waaweyn sida saxaabigii weynaa ee Ibnu-Cabaas laga hayo :ibnu-cabaas wuxuu lee yahay:(Danbigu hadii caado laga dhigto yaraan wuu ka baxayaa, sida danbiga weyn aysan istaaqfuru-llaahi waxba uga tareynin ) danbiga weyn waxaa lagu dhaafaa towbo run ah, danbiga yara waxaa ku filan Allow iga dhaafoo run ah. danbiyada yar yar dadku intooda badan wey ku dhacaan xataa waxaad arkeysaa dad diinta ku fiican inay dhex dabaalanayaan iyagoo moodaya shey aan dhib laheyn, taasina waa arin khatar ah hadaan laga feejignaanin. nin gabayaa ah ayaa wuxuu hada ka hor yiri : iska ilaali danbiyada kuwooda waaweyn iyo kuwooda yar yar – buuraha aad ujeedo waxey ka sameysan yihiin ciid iyo quruurax la isu geeyey.
Waxaan filayaa inaan wada ogaanay jidka toosan, ee ma jiraa wax baraarugaya ? mas,uuliyadu aad iyo aad ayey u weyn tahay waana la ina su,aalayaa Qiyaamaha.Mar marka qaarkood dadka waxaa ku dhaca quusasho, gaar ahaan marka la fiiriyo xaalada ummaddu ku sugan tahay, sidaasay tahay waxaa dhamaan la wada rajeynayaa in laga bixi doono duliga ummaddu ku jirto , waxaa kale oo la rajeynayaa si aan su,aasha Rabi qiyaamaha jawaab loogu waayin in hurdada laga kaco Rabina loo laabto. Laakiin waxaan rajeyneynaa iney nooqto mar dhaw. Walalaalayaal qof kasta oo muslima waxaa laga rabaa inuusan sabab u noqonin dhibaatada heysata muslimiinta iyo inuu gargaarka Eebe ka soo daaho gaabin uu ka gaabiyey dhaacada eebe owgeed, mida kale waa inaan ku kalsoonaanaa illaahay inuu inoo gargaarayo hadaan si run ah isugu dhiibno isaga, taasna waxaan ka baranay diinteena oo inoo cadeysay, in hadii laga dheeraado xumaanta iyo ka Alle ku caasinta Rabi inoo sahli wado aan kaga guuleysano cadowgeena, wadada cadowga lagu jabiyana waxaa u mihiimsan jihaadka Alle dartiis loo dagaalamo. Gaaladda markii jihaad la sheego wey isku kaadiyaan, waayo waxey og yihiin in ninka la jihaadayo uusan aduunyo waxba ku faleynin, iyaguna waxey jecel yihiin aduunyada iyo dhaldhalaalkeeda sida Rabi Qur,aanka ku sheegay suuradda Al-Baqarah Aayada (96 )

SI AYNAAN SABAB UGU NOQON DHIBKA WALAALAHEEN HEYSTA

من مذبحة صبرا وشتيلا))
أو ما يحركك الذي يجري لنا أو ما يثيرك جرحنا الدفاق
NIN gabayaa ah ayaa wuxuu yiri isagoo la hadlaya muslimiinta: ( war miyuusan idin dhaqaajineynin waxa naheysta amase miyuusan idin saameynin dhaawacaanaga tifiqleynaya) .
Wixii dhib ah oo ku dhaca muslimiinta inagaa sabab u ah, maxaa yeelay waxaan ka gaabinay waajibkii inaga saaraa xaga diinteena iyo daacada Rabigeen.
Mujaahidkii weynaa Sheekh Max,ed Max,uud sawaaf Alle ha unaxariistee Wuxuu yiri:(Waxaan nahay ummadd muslimiin ah, ummadd ay u dhan tahay awoodeedii dhulka korkiisa, waxaan heysanaa mulki,iyo suldhaan, iyo seyf, waxaan heysanaa eray hadaan ku hadalo uu udhaga raaricinayo wixii aduunka joogoo dhan, hadaan wax amarnana umaddahoo dhan ayaa adeecaya amarkeena, laakiin markaan amarkii Eebe diidnay, oon diinteenii waxey ina amreysay khilaafnay oon ka leexanay jidkii toosnaa ee Rabi inoo jeexay, oon qaadnay jidad kaloo qaloocsan ayaa Rabi inagu ibtileeyey tafaraaruq iyo qeybsanaan iyo duli ina saaran.
Ma jiro Aduunyada iyo aakhiro dhib ka daran macaasida iyo amarka Alle oo la jabiyo iyo iyadoo aan la is farin wanaaga, xumaantana aan iska reebin.
Sheekh Cabdil-Casiis ibnu baas Alle ha unaxariistee wuxuu yiri kalimad aad u weyn oo macnaheedu yahay : (Muslimiintu hadey ka gaabiyaan waxyaabaha guusha lagu gaaro ha ogaadaan iney cadowga garab siiyeen) tusaale ahaan fiiri muslimiinta maalintii uxud markey amarkii Nabiga  khilaafeen wixii ku dhacay.Sidaas owgeed muslimiinta meelay joogaanba waa inay illaahay ka cabsoodaan, waa inay ilaaliyaan shareecada Rabi, waa iney ka taxadaraan wax kasta oo Rabi ugu caroonayo.
Sheekh Max,ed Qasaali wuxuu ku yiri kitaabkiisa Xasaad Al-Quruur hadal aad u qiimo badan oo mudan in lagu qoro wax ka qaalisan dahabka.
Hadalka sheekhu qoray wuxuu mudan yahay in lagu dhajiyo albaabada kuwa aan Alle ka baqin si ay dhibka u yareeyaan. maxaa yeelay macsida ay sameynayaan kaligood dhibka ka imaanaya kuma eka ee wuxuu saameynayaa agoonta , carmalada , iyo kuwa dhibku heysto.Sidoo kale waxaa haboon in hadalka sheekha lagu dhajiyo, xataa albaabada ducaada ka gaabisa dacwadda.
Sheekhu wuxuu lee yahay hadaan nahay muslimiin :Diinta damaano inagama saara een nafteena iyo hoygeena aan ilaashano. Kadibna wuxuu yiri : Waxaan aad oola yaabaa waayahan danbe kuwa diinta ihaaneysta , kuwaasi waxey khiyaameen –ha ogaadaan ama yeysan ogaanin ummadda waxeyna saacideen yahuuda iyo isticmaarka si ay u dayacanto dhulkeena iyo sharafteena maanta iyo bari.Farqi baa u dhaxeeya carabta maanta joogta iyo carabtii hore, dadkii hore markey khaldamaan waxey garan jireen jidka toobada, markaasey alle ulaaban jireen ka dibna guulahooda ayey meesha ka wadan yiriin cadowgoodana wey eryi jireen.
Nin gabayaa ah ayaa wuxuu leeyahay laakiin inagu waxaan kaalmeynay cadogeena.
Walaalayaal hadii aan rabno inaan ka guuleysano cadowgeena waxaa lagama maarmaana inaan run ka sheegno cibaadadeena, maxaa yeelay Rabi oo si runa loo caabudo waxay keentaa iney ummaddu usoo noqoto sharafteeda iyo cisadeedii hore,Sida ay khiyaanadu u keento dhibaato iyo mashaakil aan dhamaaneynin, :
قال الله تعالى:( يا أيها الذين آمنوا لا تخونوا الله والرسول وتخونوا أماناتكم وأنتم تعلمون ) سورة الأنفال الآية (27)
Ibnu-Kasiir wuxuu ku fasiray khiyaanada Aayadan : Khiyaano keeni karta dunuubta waa weyn iyo kuwa yar yar.Sayid qudbina wuxuu yiri :Khiyaanadu waa inuu qofku faraha kala baxo mas,uuliyada Dacwada,Diinta ,Jihaadka Alle diintiisa lagu dagaalamayo.Sheekha iska leh Kuitaabkan aan turjimeyno wuxuu lee yahay : Waxaan ictiqaad sanahay ineyna maanta muslimiintu cudurdaar laheyn, kadib markey indhahooda ku arkeen waxey arkeen.
DUCAADU MA CADEYSAY XAQA
UMADEENUSE MA OGAATAY !! ?
(الرضيعة أيمان الحجو … من يبوء باثمها ؟ )
yaa danbigeeda iska leh , naas nuugtadan la dilay ?
waxaa aad ubatay dhibkii lagu hayey muslimiinta meel ay joogaan, taasna waa arin uu ka gubto qof kastoo damiir leh, arinta kaliya ee si dhaqso ah looga bixi karo balaayadan waa iney muslimiintu dhamaantood Alle u noqdaan si Alle inoogu gargaaro :
قال الله تعالى : ( إن تنصر الله ينصركم ) سورة محمد :7
laakiin su,aasha taalbaa waxey tahay umaddu mawada dareentay dhibka ? ducaaduse sidii la rabay ma ugu cadeeyeen umadda xalka lagaga bixi karo dhibka ummadda ku habsaday? Waxaad moodaa inaan sidii la rabay wax loo cadeyn, si kastaba ha noqotee , ummaddu dad kheyr badan ayaa ka buuxa , ummadda waxaa ku jira dad hadii kheyrka loo sheego qaadanaya, Tusaale gaaban hadaan u soo qaadano sayidinaa Xamsa A.H.R.N. islaamkiisa waxaa sabab u haa markuu arkay gaalada oo dhibeysa Nabi Muxamed  waa waajib inay muslimiintu dareemaan in dhib jiro, in walaalahood meel kasta lagu leynayo.
QIIMAHA DHIIGA QOFKA MUSLIMKA AH WAA QAALI ALLE AGTIISA :
Waxaana udaliila axaadiista Nabigeenu  ina baray Tusaale ahaan:
حديث بن عمر، قال: ( لزوال الدنيا أهون على الله من قتل رجل مسلم ) رواه الترمذي والنسائي ، وانظر صحيح الجامع الصقير الألباني
Ibnu-Cumar ayaa hadana wuxuu fiiriyey kacbada markaasuu wuxuu yiri :
ما أعظمك وأعظم حرمتك والمؤمن أعظم حرمة عند الله منك ) صحيح النرمذي للألباني
(Kacbo yahay maxaa kaa weyn oo ka sareeya xurmadaada laakiin qofka muuminka in la xurmeeyo ayaa kaasii weyn illaahay agtiisa) .xadiiskani wuxuu inoo cadeeynayaa qiimaha qofka muslimka ku leeyahay Alle agtiisa iyo inuu wax kale iska daaye ka qiimo badan yahay kacbada oo la dumiyo) maantana waad ujeeda in dhiiga muslimiintu yahay midka ugu raqiisan, markii muslimiintu ay ka fogaadeen diintii Rabi. arintani hadii aysan muslimiintu si dhaqse leh Rabi ugu laaban, dareemina khatarta ku soo socota xaga cadowga Rabi waxaa dhici karta inuu inagu dhaco wixii ku dhacay walaalaheen, sababtoo ah iyaga waxaa loo leynayaa islaamnmo inaguna islaam beynu nahay, sidaas darteed culimadda waxaa waajib ku ah iney dareemaan khatarta soo socota kadibna ku dadaalaan sidey dadka ku baraajun lahaayeen si dhamaan khatartaas looga feejignaado hadii kale kama fiicnin muslimiinta meel kasta lagu duleynaayo.si kastaba arintu ha noqotee waxaan rajeyneynaa in muslimiintu Rabi ulaabtaan ka dib markey arkeen xaaladu meeshay mareyso, anaguna waxaan Rabi ka baryeynaa inuu umadda diinteeda ku soo dabaalo si ay hurdada uga kacdo, cadowgeedana yac isaga tiraahdo Aamiin.
UMADDA MUSLIMIINTOOY:
AAN ALLE U NOQONO INTEYSAN BALAAYO IYO BAAS INAGU HABSAN ::
HA NOQDO AF-GARADKEENU ALLE U NOQOSHO IYO KHEYR ISUGU WACID.


Walaalayaal wax yar ka hor waxaan kasoo hadalay dhibaatada heysata walaalaheen. Muslimiinta tiro ahaan waxaa lagu sheegaa iney ka badan yihiin hal milyaar hadana waad ujeedaa inay ugargaari laayihiin muslimiinta dhibku soo gaaray. Waxaan kaloon cadeynay inay ducaada iyo dadka kheyrka jecel cadeeyeen asbaabta lagaga bixi karo dhibka ummada heysta : in Rabi loo laabto iyo in xaqa la isugu waco maxaa yeelay ummaddu hadii labadaa arimood u toosaan waxey noqoni umadd xoog leh oo cadowgaadu ka heybeysto, markaasna waxaa imaani jihaad,Rabina umaddii rumeysa oo adeecda wuu u gargaari oo marnaba dayici maayo.
قال الله تعالى: (يا أيها الذين آمنوا إن تنصر الله ينصركم ويثبت أقدامكم ) سورة محمد (7)
وقال سبحانه :(إن الله لا يغير ما بقوم حتى يغيروا ما بأنفسهم ) الرعد (11)
Aayadan waxey inoo cadeyneysaa inuusan Rabi umadd badaleynin ilaa ay iyagu naftooda badalaan hadii aan is badalo oo wanaaga ka talino Alle wuu ina taageeri, laakiin hadaan macsida Eebe dhax dabaalano sidaas unbaan ugu jireynaa dhibka ilaa aan wax iska badalo.intaas waxaa dheer oo Nabigeenu  inoo sheegay: (In laga yaabo inay gaalada jiha kasta inaga jirta isugu keen yeedhaan sidii xeero cunto ku jirtoo kale ,markii Nabigu  sidaas yiri ayey saxaabadu waxey dhaheen ma yar nahay maalintaas Rasuulkii Allow? Markaasuu Nabigu  wuxuu yiri tiradiinu aad ayey ubadan tahay laakiin waxaad tihiin xumbo- xumbada daadkoo kale ah.
قال رسول الله صلى الله عليه وسلم : ( يوشك أن تداعى عليكم الأمم من كل أفق كما تداعى الأكلة إلى قصعتها ، قالوا أومن قلة نحن يومئذ قال أنتم يومئذ كثير ولكنكم غثاء كغثاء السيل) الحديث (سلسلة الأحاديث الصححيحة للألباني) قلنا يا رسول الله
waxaa kale oo lama huraana inaan markasta niyada ku heyno gaaladu inay ka tashatay sidey mar kasta muslimiinta u dhagri lahaayeen iyo sidey diintan xaqa ah inoo gafin lahaayeen, taasna waxaa inoo cadeeyey Rabul-Cisa in ka badan 1400 oo sano ka hor, sidoo kale Rabul-Cisa wuxuu Qur,aanka inoogu sheegay ineysan gaaladu balan iyo qaraabonimo laheyn.
قال الله تعالى :(لايرغبون في مؤمن إلا ولاذمة وأولئك هم المعتدون )التوبة: 10
sidaas ay tahay muslimiintu waxey ku dadaaleen ama ku dadaalayaan iney gaaladu ka badbaadaan naarta.Markii si dhab ahaana loo hadlayo gaaladu maanta waxey gacanta ku dhigeen hub, dhaqaale, warfaafinta iyo ciidamo u heegan inay ku dhintaan mabda,a baadhil ah, xaalada muslimiintana waad u jeedaa siday u liidato , xaga Rabi iyo xaga awooda kaleba, gaaladu awooda ay kasbadeen wax maalin iyo hal sano ku timi ma,aha waa wax laga soo shaqeynayey mudo dheer sidii loo adoonsan lahaa muslimiinta, sida adiguba aad maanta dhagahaada ku maqleysid ama aad indhahaada ku arkeysid. Arintu si kastaba ha noqotee inaga ayey inagu xiran tahay inaan hurdada ku jiri iyo inaan rag iska dhigno oo Rabi si daacada ugu noqono, waxaa hubaala inuusan Rabi ina dayaceynin hadaan gudano waajibka inaga saaran xagiisa iyo xaga diintiisa , Walaalayaal ilaa goorma ayaan ku jireynaa macsida Eebe, miyeynaanse ka baqeynin ciqaabta Eebe iyo caradiisa, mise waxaan hurdada ka tooseynaa markey dhibaatadu inasoo food saarto, waqti aan mudanay ciqaab.
قال الله تعالى : ( فلولا إذ جاءهم بأسنا تضرعوا ولكن قست قلوبهم وزين لهم الشيطان ما كانوا يعملون ، فلما نسوا ما ذكروا به فتحنا عليهم أبواب كل شئ حتى إذا فرحوا بما أوتوا أخذناهم بغتة فإذا هم مبلسون ) الأنعام : 43-44
walaalayaal waxaa ina heysta dhib aan buugan yar lagu soo koobi karin dadka qaarkiisna waxey caado ka dhigteen iney yareystaan dunuubta yaryar kuwaas ha ogaadaan ineysan naftooda kaliya halis galineynin , waxey halis galinayaan umaddoo dhan, waxey dib uridayaan gargaarkii Eebe umaddan ugargaari lahaa, ku waas waxaan ka rajeyneynaa iney iimaankooda ilaashadaan, waxaa iyaduna wax aad looga xumaado ah ayaamahan danbe ee dhibka muslimiinta lagu hayo uu sii siyaaday in dad badan ay wali kusii indho cad yihiin macaasidii iyo Alle ka fogaanshihii.
قال الله تعالى : (ياأيها الذين آمنوا إستجيبوا لله ولرسول إذا دعاكم لما يحييكم ) الأنفال : 24
وقال تعالى : ( ولتكن منكم أمة يدعون إلى الخير ويأمرون بالمعروف وينهون عن المنكر واولئك هم المفلحون ) آل عمران : 104
Halkan waxaan uga wacayaa dhamaan muslimiinta meel kasta joogta gaar ahaan ducaada, wax garadka, maamulayaasha, aqoonyahanada, qoraayahanada iyo raga gabayaaga ah, iney ummadda ucadeeyaan jidka lagu gaaro gargaarka Eebe iyagoo adeegsanaya asluub dadka soo jiidaneysa, waa inaad ummadda u cadeysaan jirada ina heysa daawadeeda, taasi waxaa la arkaa iney umaddeenu hurdada ka toosto, umaddina hadey hurdada ka kacdo waxey iska ilaalin kartaa dhibka iyo balaayada keenta , intaa kadibna waxaa dhaceysa iney dareento mas,uuliyada saaran.
Sidoo kale waxaa laga maarmaana in ummadda loo cadeeyo dhagarta caowgeeda iyo wuxuu cadowgu ku sameeyey walaalaheen, intaasoo dhan waxaa ka sii muhiimsan in laqaado wadada lagu badbaado oo ah in Alle lagu cararo, si aan u helo balantii Rabi uqaaday dadka iimaankoodu iyo camalkoodu toosan yahay:
قال الله تعالى : ( وعد الله الذين آمنوا وعملوا الصالحات ليستخلفنهم في الأرض كما استخلف الذين من قبلهم وليمكنن لهم دينهم الذي إرتضى لهم وليبدلنهم من بعد خوفهم أمنا يعبدونني لا يشركون بي شيئا ومن كفر بعد ذلك فأولئك هم الفاسقون ) النور : 55
وقال سبحانه ووعده الحق : ( ولقد كتبنا في الزبور من بعد الذكر أن الأرض يرثها عبادي الصالحون ،إن في هذا لبلاغا لقوم عابدين ) الأنبياء : 105-106
قال الله تعالى : (ياأيها الذين آمنوا إستجيبوا لله ولرسول إذا دعاكم لما يحييكم واعموا أن الله يحول بين المرء وقلبه وأنه إليه تحشرون ، واتقوا فتنة لا تصيبن الذين ظلموا منكم خاصة واعلموا أن الله يحول بين المرأ وقلبه وأنه إليه تحشرون) الأنفال : 24-25
قال الله تعالى:( يا أيها الذين آمنوا لا تخونوا الله والرسول وتخونوا أماناتكم وأنتم تعلمون ) سورة الأنفال الآية (27)
قال الله تعالى : ( ياأيها الذين آمنوا من يرتد منكم عن دينه فسوف يأتى الله بقوم يحبهم ويحبونه اذلة على المؤمنين أعزة على الكافرين يجاهدون في سبيل الله ولا يخافون لومة لائم ذلك فضل الله يئتيه من يشاء والله واسع عليم ) المائدة : 54
fiiri gabeygan wuxuu tilmaamayaa in qofka muslimka ah ujeedadiisu tahay raali ahaanshaha Rabi, iyo inuu ku dadaalo diinta Rabi sidey dadka ku gaari laheyd kaliya .
أنا مسلم أبغي الحياة وسيلة للغاية العظمى وللمعاد
لرضى الإله وأن نعيش أعزة ونعد للأخرى عظيم الزاد
أنا مسلم أسعى لإنقاذ الورى للنور للإيمان للإسعاد
WAAJIBAAD IYO WAXYAABO XARAAMA OO
DADKU INTIISA BADAN FUDUDEYSTAY.

1-In caruurta lagu tarbiyeeyo dhaacada Alle, iyadoo lagu dadaalayo iney toosnaadaan, lagana ilaalinayo wax kastoo dhumin kara.
2-In wanaaga la isfaro xumaantana la iska reebo , diinta Rabina la isugu waco
3-In lala tukado salaada jamaacada –masjidka-Muslimiinta.
4-In la xiriiriyo qaraabada, dariskana laga dadaalo.
5-In shaqada loo guto si hagar la,aana .
6-In xil dheeraada la iska saaro xaalada ay muslimiintu ku sugan yihiin, iyadoo lagu dadaalayo sidii umadda loogu soo dabaali lahaa Alle xagiisa, si dhibka looga baxo.


1-In Xanta iyo dadka oo la isku diro.
2-In dadka xaqooda la duudsiiyo,ama la khiyaamo.
3-In la gato qalabka guryaha muslimiinta fasahaadiya.
4-In laga ganacsado wax kastoo muslimiinta akhlaaqdooda dhuminaya.
5-In la iska ilaaliyo ribada iyo wax kasta oo lug ku leh.
6-In dadka xunxun lala saaxiibo iyadoon xumaanta laga reebeynin.
7-In lagu jeesjeeso dadka sunada nabiga  ku dhaqma .
8-Inaan la jeclaanin saalixiinta, lana jeclaado mufsidiinta.
9-In gaalada la isu ekeysiiyo xaga labiska, qaabka i.w.m.
10-In diinta Rabi lagu daro waxaan ka mid aheyn (bidco)
11- In ninku salaamo haweenay aan wax isu galay jirin ama uu kaligeed baabuur ku qaado, ama uu kaligeed meelaan cidi joogin kula haasaawo.
12-In la fududeysto xijaabka marka guriga la jooga gaar ahaan haweenka guriga ka shaqeeya –booyaasooyinka-
13-In loo safro dhulka gaaladu dagto iyadoo wax daruuro ah aysan jirin.
14- In ragu daawado sawirada haweenka ee ku sawiran jaraa,idada ama uu
fiirsado kuwa kasoo baxa fiidiyaha ama kanaaladda kala duwan ee gaaladu ugu talagashay inay muslimiinta ku burburiyaan.
15-In haweenku qaataan dhar ku dhagan ama gaaban haween kale hortooda ama ay ku xirtaan maxaarimtooda hortooda.
16-In haweenku markey guriga ka baxayaan is barfuuniyaan ama ay xirtaan cibaayad aan si fiican u astureynin.
17-In la dhageysto heesaha.


Waa maktab daneeya dacwadda soomaalidda ku nool magaaladda jiddah iyo tuulooyinka dariska la ah, maktabku wuxuu balan ku qaaday inuu guri kasta oo saamaali dagan yahay gaarsiiyo kheyrka, maktabku wuxuu qaban qaabiyaa duruusta, muxaadarooyinka, siminaaradda, tartanada kala gadisan. Maktabku wuxuu daabacaa wixii af-soomaali lagu qoro , Maktabka waxaad ka heli kartaa cajalado af-soomaali lagu duubay oo nooc kasta leh qiimahooduna aad u jaban yahay .maktabku wuxuu jaaliyaadka geeyaa Mako iyo Madiina
Makatabka waxaad kasoo wici kartaa T/L: 6251671/6241677/28 .FAX.6240398

ka warama hadii dadka muslimiinta la isku imtixaano? Ma jirto dhibaato ka weyn inuu qof muslima qof kaloo muslima dilo ama dhaco ama caayo ama xanto ama dulmiyo nooc kasta dulmigu ha ahaadee.Qof muslimka ah in la caayo waxey keentaa faasiq nimo, qofka muslimka ah in la dilo waxay keentaa gaalnimo, qofka muslimka ah in lagu xadgudbo waxey keenyaa daalin-nimo, hadaba qofkii diyaar u ah inuu la kulmo rabi oo ka careysan wuxuu rabo ha sameeyo, laakiin qofkii rajo kaleh raxmada eebe yuusan yareysanin xuquuqda muslimiinta iyo xurmadooda , dadoow aduunyadan sidaan loo joogi maayo qof kasta labo go, iyo qabri madow ayaa sugaaya , marka intey goori goor tahay aan is cafino oon isu celino xuquuqda iyo hantida aan xaqdarada ku kala heysano si illaahay duliga inooga saaro aduunka iyo aakhiro- allahayow diinta xaqa ah nagu dabaal, Allahayow nagu dil llaa-illaaha ila llaah –wallaahu aclam.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684738
Today
Yesterday
All days
1125
1445
684738
2024-09-16 19:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e88cedb519621332805211726516461
title_66e88cedb52a68262673071726516461
title_66e88cedb53a020119692551726516461
title_66e88cedb54985385644791726516461
title_66e88cedb558b11784566241726516461
title_66e88cedb568a16539095771726516461

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e88cedb65f515203949161726516461
title_66e88cedb66f0924093591726516461
title_66e88cedb67e020044455241726516461
title_66e88cedb68ca7207448701726516461

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com