المكتب التعاوني للدعوة والإرشاد وتوعية الجاليات في شرق جدة

MA KULA OOYAA?
هل أبكي معك؟
إعداد : عبد القادر محمد أخي
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.

قال الله تعالى:(كل نفس ذائقة الموت وإنما توفون أجوركم يوم القيامة فمن زحزح عن النار وأدخل الجنة فقد فاز وما الحياة الدنيا إلا متاع الغرور)
Aduunyo maxaad ka qaadi, aaway aabahaa iyo hooyadaa ? hadaad is lee dahay wiil yar baan ahay iyo gabar yar, aaway dadkii kaa horeeyey? dhalin yaradase yaa ka xiga godka mugdiga badan leh ee loo wada socdo, kuwii dhintay iyo kuwa caqligoodu buuxsamay ee wali nool waraaqaha ay soo dirayaan waxaa ku qoran sidan soo socota: Aduunyo anagaa idinka oge ha isa siinina, aduunyo waa daar ku haboon in lagu dhisto guryihii aakhiro lagu raaxeysan lahaa ee hoy yaan loo deymo la,aanin mustaqbalka danbe .. Dadku maanta intooda badan waxey ka ooyaan aduunyo dhaaftay ama walad dhintay ama beeso dhuntay laakiin markaad eegto dadka ka ooynaaya cibaado dhaaftay ama mas,alo cilmi ah oo uu ka seexday ama kheyr seegay aad bey u yar yihiin .. Bal waxaad arkeysaa inaan la dareemin khasaaradaas weyn ee dhacday.. maxaa sababay? Maxaa keenay iney dadku sidaas u macno beelaan ilaa haadal-xad?Laa illaaha ilallaah...dadku ma waxey moodeen in loo abuuray ciyaar? dadku soo kuma waano qaataan dadka habeen iyo maalin walba loo sii sido xaabaalaha? dadku miyey hilmaameen inay tahay daartani daarul-safar, dadku miyeysan aqrinin quraanka kariimka ee cadeeyey Kullu nafsin daa iqatul-moowt waxaan filayaa tani inay tahay mida ugu weyn een la ooynaayo, Maxaad u qaban kartaa qofaan barnaamijkiisa ugu jirin inuu caawa dhiman karo, ma aha dadku iney inkireen geerida iyo bacsiga sidii kuwii eebe quraanka ku sheegay oo kale ee waxaa la yaab noqotay sidey dadku isu indho tireen, Yaa Akhii caqli ma tahay idigoo safar galaya inaadan sahay qaadan ? suuro galse ma tahay in cadow kugusoo socda aadan wax gaashaan ah qaadanin? suurto galse ma tahay inaad noolaato adigoon cunto iyo cabid midna heysanin? Suurto galse ma tahay inaad caruur yeelato adigoon guursanin? Hadaba sidey ku suurowday inaadan qaadanin sahaydii safarka dheer (aakhiro) caqligaagu ma ku tusi waayey in nafta laga badbaadiyo halista ku soo food leh..An-naar An-naar war hooy ha lala socdo in naartu si fudud lagu galo janaduna la mid tahay Ka fiirso hadalkaada intuusan afkaaga ka soo bixin soomaalidu waxey tiraahdaa: (Hadal intuu afkaada ku jiro ayuu amaanadaa yahay) hadalka afkaaga ka soo baxaya midna naarta ayuu ku galin midna janada, Raqiib iyo catiidna waxey u xilsaaran yihiin ereygii afka ka soo baxa, naftaada utur dadka amaansii, hadii aad heshid waqti kugu filan ha ku hadlin wuxuusan rabi raali ka aheyn , iska ilaali xanta, dicaayada, borobagaanka, cantarobaqashka aadan hadhowto jawaabta uheli doonin, Mida labaad : Aan si dhaba u wada hadalo dhagtaada keen waxbaan kuu sheegi Maxaad aduunka ugu jeceshay? naag… beeso .. garaado.. darajo… waji inaan yeesho .. in la iga hibeysto , inla ii istaago markii la I arko , in la ii adeego, haa ..haa waan fahmay, hadana dhagtaada keen meeqo sano ayaad dooneysaa inaad ku raaxeysato aduunka? Boqol sano, ka badan , ka yar , haa … haa .. waan fahmay, hadana adigoo raali ah dhagtaada soo dhawee intaas maxaa ka danbeeya ? nolol mise geeri ? geeri geeri yaa.. yaa? oo lama sii noo laanayo hadii la noolaadana waa nolol ay dhaanto geeri waa hadalkiisii halkaa maxaa kaaga cadaaday? halkaa waxaa iiga cadaatay inuusan aduuyo waaritaan laheyn iyo in xagaa loo socda (xaga allaah) aah .. aah xaga allaah aan usocdee maxaa iga horeeya, dadku waa sadex nooc oon mid afraad laheyn mid intuu aduunka joogay ayuu daaro cad cad ka dhistay oo qiyaame iyo aakhiro xisaabta kuma darsanin, midna aduunyana nasiibkiisuu ka qaatay aakhirana wuu udiyaar garoobay, kan sadexaad waa midkaan aduunyo iyo aakhiro midna u shaqeysanin , waa kan ugu nasiib xun waxaa ku xiga kan aakhiro hilmaamay , waxaa ugu nasiib badan kan dareemay xikmada loo abuuray iney tahay cibaado ee ka faro qabsaday aduunkana ka qabsaday intii allaah u qoray .. Mida Sadex: Illaah wuxuu igu og yahay inaan ku jeclahay, adiga iyo intii alle iyo rasuulkiisa s.c.w rumeysay ee raacday. oo dhan, aniga iyo adiga walaalo ayaan nahay waxaan nafteyda la jeclahay inaan kula jeclaado waa waajib, anigu waxaan jelahay inaan farxo markey dadku ooyaan qiyaamaha, anigu waxaan jeclahay inaan hadhka eebe hadhsado markii qoraxda meel dhow la isu keeno qiyaamaha, anigu waxaan jeclahay in kitaabkeyga gacanta midig la iga siiyo markii asxaabu-shimaalka bidix laga siiyo, intaas aan nafteyda la jeclahay ayaan wallaahi kula jeclahay laakiin halagugu arko meelaha Allaah jecel yahay ,halagaa waayo meelaha illaahay neceb yahay, ka ilaali naftaada waxaan hadhow waxba utareynin, ka badbaadi naftaada iyo ehelkaada naarta , la saaxiib kuwa rabi si fiican ugu xiran, kheyrka waa la doontaaye fadhiga ka kac oo baabuurka baasiinka ku shub, Cali dhimay,canbarana aduunka dhaafatay waxaa haray waa adiga iyo xaawo, ninkii qeyrkii loo xiirow soo qoyso, weysha gowrac dibigu haku waano qaatee.. ma waxaan sugeynaa in albaabka la inoo soo garaaco, waa kuma waa Malakul-Mowt taasi iney dhacdo marna ha sugin, Malakul-Mowd idin uma baahna, naftaada iyo teyda markey soo dhamaato ka noqosho malehan ee caaqil waxaa ah kii diyaar noqda afar iyo labaatanka saac saacad walba, Laa illaaha ila llaah muxamadu rasuulu llaahi s.c.w. Allahayow khaatumada noo hagaaji Allahayow diinta xaqa ah nagu hanuuni , Allahayow midka dhunsan xaqa ku soo dabaal. Allahayow muslimiinta duliga ka saar adigaa awoodaadu sareysaa aamiin yaa rabal caalamin…

هذا والله أعلم وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين ..

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684738
Today
Yesterday
All days
1125
1445
684738
2024-09-16 19:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e88cedb519621332805211726516461
title_66e88cedb52a68262673071726516461
title_66e88cedb53a020119692551726516461
title_66e88cedb54985385644791726516461
title_66e88cedb558b11784566241726516461
title_66e88cedb568a16539095771726516461

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e88cedb65f515203949161726516461
title_66e88cedb66f0924093591726516461
title_66e88cedb67e020044455241726516461
title_66e88cedb68ca7207448701726516461

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com