سلسلة توعية حجاج الصومال

تحت إشراف وزارة شؤون الدينية
والحج والعمرة في الصومال


LIXDA MAALMOOD
EE XAJKA


ستة أيام في أعمال الحج
باللغــــــــــة الصـــــ ــومـــــــــــــاليــــــــــــة


إعداد / عبد القادر شيخ محمد أخي
WALAALKEYGA XAAJIGA AH IYO WALAASHEYDA XAAJIYADA AH.
السلام عليكم ورحمة الله وبركاته ، أما بعد :
Kusoo dhawaada dhulka labada xarameyn ee sharafta leh, mar labaad iyo mar sadexaad soo dhawaada idinkoo ah martidii eebaha raxmaanka ah.
Waxaa hubaal ah inaad soo ajiibteen wicidii illaahay faray nabi ibraahim C.S.W. inuu dadka ugu yeero beytka raxmaanka,si ay ugutaan xajka beytkiisa sharafta leh, Allahayow sidaad noogu dhibyareysay imaatinka beytkaada noogu fududee xajinta beytkaada, naguna dar kuwa lagu abaal mariyey janadda kadib markey uguteen xajkooda si waafaqsan sunada nabigeena salallaahu caleyhi wasalam.

Walaalayaal xajinta baytka illaahay waa waxyaabaha rabi loogu dhawaado kuwa ugu qiimaha badan, danbi dhaaf ayaa laga helaa , darajooyin sarsare ayaa lagu gaaraa hadaba waxaa mudan inaan is xusuusino dhow arimood .. Kow :Xajku waa tiir ka mida shanta tiir ee islaamka lagu dhisay, SHANTA TIIR WAA : In la qiro inuusan jirin illaah xaq lagu caabudo, illaahay mooyaane, salaadana la tukado, sakadana la bixiyo, bisha ramadaana la soomo, xajka beytka illaahayna la guto, gaar ahaan qofkii awood u leh.. Labo : Xajka waxaa aasaas u ah labo shardi midka hore : Al-Ikhlaas oo ah in Allaah loola qasdo cibaado kastoo la sameynaayo, Kan labaad waa in cibaadada lagaga daydo nabigeena salallaahu caleyhi wasalam .

Sadex: Waa bishaaro iyo abaalgud Qofkii xajiya baytkan isagoon hadal xun ku hadlin fisqina aan ku dhicin, wuxuu ka noqdaa xajkiisa sidii isagoo ay hooyadii hada dhashay oo kale, Xajka dhexdiisa lagu baari yeelayna abaalgudkiisu waa janada ..

Afar : Aqri oo faham lixda maalmood ee xajka howsha ugu muhiimsan ee xaajiga laga sugaayo inuu si qalbi san ufuliyo..

يوم التروية MAALINTA SIDEEDAAD 1-
Xaaji aniga iyo adiga iyo dhamaan muslimiinta soo xajiday Inshaa-Allaahu waxeynu ku kulmeynaa maalinta sideedaad mino, halkaas waxeynu ku tukaneynaa salaadaha duhur & casar & cisho oo mid walba labo rakcadood ah, maqribka & salaada subax gaabin meyno salaadaha sidaas ayaan utukaneynaa xajkoo dhan- markii laga reebo maalinta carafo iyo habeenka musdalifo oo axkaam gaara leh sida inoo imaan doonta inshaa allaah. 2- HABEENKA SAGAALAAD inshaa allaah Mino ayaan baryeynaa wardiga iyo talbiyada iyo kheyrka ayaan badineynaa, aroorta sagaalaad markey qoraxdu soo baxdo waxaan aadeynaa dhinaca carafo inagoo aad ubadineyna talbiyada : (Labeyka llaahuma labeyk labeyka laa shariika laka labeyk inal-xamda wan-nicmata laka wal mulku laa shariika lah.

يوم عرفة 3- MAALINTA SAGAALAAD
Maalinta carafo waa maalin aad u weyn waana xajka madaxiisii, Nabigu s.c.w. wuxuu yiri : (Xajku waa carafo) sidaas owgeed markaan tagno carafo waxaa la inooga baahan yahay:1-Inaan dareeno qiimaha maalinta carafo (Duco &Quraan aqris & Wardi & kusalintiisa Nabiga salallaahu caleyhi wasalam oo labadiyo & muslimiinta oo loo turo & kheyrka oo laga shaqeeyo, xumaantoo laga fogaado, sadaqada iyo ixsaankoo la badiyo, muslimiintoo loo duceeyo.
4-Salaada duhur & casarka waxaan mid walba tukaneynaa labo rakcadood waqtiga duhurka, hal aadaan iyo labo iqaamadood, kadibna waxaan dhageysaneynaa khudbada maalinta carafo, khudbadu markey dhamaato waxaan ubanbaxeynaa Alle tuug iyo sidii aan maalintaas weyn uga faaideysan laheyn waxaana maalintaas wardi la daa,imo ugu fiican :
لاإله إلاالله وحده لاشريك له، له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير.
5-Waa inuu maqribku inoogu dhaco carafo, kadibna habeenka tobnaad waxaan baryeynaa musdalifo, salaadaha maqribka iyo cishaha oo labo rakcadooda halkaas ayaan ku tukaneynaa hal waqti iyo labo iqimaadood, Maqribku waa sidiisii, salaada subax markaan ku tukano musdalifah waxaan aad ubadineynaa xuska illaahay iyo baryadiisa , kadibna inteysan qoraxdu soo bixin waxaan aadeynaa Mino, FIIRO GAAR AH : Dadka tabarta daran iyo dadka la socda waxaa u banaan iney habeenka qeybtiisa danbe sii aadaan mino si ay dadka ka hor u tuurtaan dhagxaha..
يوم النحر 6- MAALINTA TOBNAAD
Waa maalintaan ugu howl badnaan doono inshaa allaah, maalintaas waxaa la inaga doonayaa afar arimood: 1-Hadii dhiig inagu waajibay waa inaan gowracnaa kadibna dadka masaakiinta loo qeybiyo. 2-TODOBO dhagax ayaan ku tuuraneynaa Jamratul-Caqabah oo ah sadexda jamaraat mida u xigta dhinaca Mako.3-Timaha ayaan xiiraneynaa -waana sida fiican- ama waan gaabsaneynaa, laakiin haweenku waxey iska jarayaan in la,eg xubinta farta ee hore. 4-Dhawaaful- Ifaada iyo sacyigiisa ayaan sameyneynaa waa hadaan Mutamatuc soo xiranay, laakiin qofkii mufrid ama qaarin ahaa horeyna dhawaafu quduum iyo sacyigii xajka usoo sameeyey qofkaas dawaafu ifaadah ayaa laga rabaa, qofkii aan maalintaas tobnaad awoodin dhawaafka ifaadaha dib ayuu ka sameyn karaa , intaa kadib waxeynu ku laaban mino, waayo mino in la baryo waa waajib, arimahaas afarta ah hadaan kala hor marino wax dhiba kama taagna, sadex ka mida qofkii sameeya wax walba xalaal bey u yihiin .
أيام التشريق 7- MAALMAHA 11AAD & 12AAD & 13AAD
Hawsheenu ma badna ,markii la gaaro salaada duhur ayaan tuuraneynaa kow iyo labaatan dhagax jamro kasta todobo dhagax waxaana ka bilaabeynaa jamrada yar kadibna tan dhexe kadibna tan weyn -Al Caqaba- dadka tabarta daran ama xanuunsan waa laga tuuran karaa kadib markuu qofku naftiisa ka tuurto, Maalinta labo iyo tobnaad markaan jamaraadka tuurano kow iyo labaatan dhagax waan bixi karnaa inteysan qoraxdu dhicin, Maalinta sadex iyo tobnaad waa fal khiyaaru laka, waxaana wanaagsan in la baryo Mino habeenka sadex iyo tobnaad kadibna latuurto labaatan iyo kow dhagax duhurka kadib kadina mino ayuu kabaxayaa, intaa kadib qofkii mako ka baxaaya waxaa laga doonayaa Dhaaful-Widaac, qofkii kalena markuu baxaayo ayuu dhawaafayaa sidaas ayuu xajkeenii ku dhamaaday, allaha inaga aqbalo dhamaanteen, Ikhwaanii qofkii xajka ka hor soo siyaartay masjidka nabigeena salallaahu caleyhi wasalam allaha ka aqbalo qofkii kalena waxaa fiican inuu soo siyaarto xajka kadib waana fursad qaaliya maadaama illaahay nabad inagu keenay dhulka labada xaram, Walaalayaalow howsha xajku sidaas ayey udhib yar tahay, waxaad dhib aragteen ama dhagihiina ku maqasheen waxaa sabab u ah jahli. hadaba yeynaan nafteena marnaba raali uga noqonin aqoon xumo gaar ahaan dhinaca diinteena. Walaalayaalow wixii shaki idinka gala weydiiya culumada meel kasta joogta iyo kuwa kula socda ee soomalidda ah UGUDANBEYNTII : Waa in laga gartaa isbadel fiican dhaqankeena iyo akhlaaqdeena xajka kadib, haweenka waxaan si gaara ugu dardaarmayaa xishood & xushmad & xijaab Alle dartiisa. Allahayow ma gaarsiiyey ..

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684738
Today
Yesterday
All days
1125
1445
684738
2024-09-16 19:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e88cedb519621332805211726516461
title_66e88cedb52a68262673071726516461
title_66e88cedb53a020119692551726516461
title_66e88cedb54985385644791726516461
title_66e88cedb558b11784566241726516461
title_66e88cedb568a16539095771726516461

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e88cedb65f515203949161726516461
title_66e88cedb66f0924093591726516461
title_66e88cedb67e020044455241726516461
title_66e88cedb68ca7207448701726516461

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com