المكتب التعاوني للدعوة والإرشاد وتوعية الجاليات شرق جدة
COOPERATIVE OFFICE FOR CALL AND GUIDANCE EASTERN JEDDAH.
P.O. Box 102137, Jeddah 21321 K.S.A
Tel. # 6200005 - Fax 6240398


HABKA LOO GUTO XAJKA
IYO MASAA,IL KALOO ANFACAYA XAAJIGA.

WAXAA DIYAARIYEY
C/QAADIR SH. MAX,ED (AKHII)


صفة الحج
ومسائل تهم الحاج
إعداد : عبد القادر شيخ محمد أخي


بسم الله الرحمن الرحيم
HORDHAC
Walaalkayga xaajiga ah iyo walaashayda xaajiyada ah ugu horeyntii iga gudooma salaanta islaamka ee ka dhaxaysa dhamaan muslimiinta meel ay joogaanba:
عليكم ورحمة الله وبركاته السلام
Salaan kadib Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan usoo gudbiyo kitaabkan yar walaal kastoo jecel inuu uguto xajka beytka illaahay siduu nabi muxamed S.C.W. ugutay Kitaabkan yar waa mid ka mida taxanihii dheeraa een soo wadnay mudada dheer, kaasoon ugu talagalay inuu ka faa,ideysto walaal kasta oo fahmaya luuqada kitaabkan waxaana ku dadaalay inaan mas,alo walba si gaaban u cadeeyo anigoo ka dareensan baahida ay umaddeenu u qabto wax ku qoran afkeeda, Walaalayaal in qofku isagoo caafimaad qaba uu nabad ku guto Xajka beytka Alle waxay ka mid tahay nicmooyinka ILLAAHAY ee waa weyn, Ma la socotaan inay jiraan dad malyan dheera oon hadana Rabi u sahlin inay gutaan Ruknigan? Meeqaase maanta sariir dusheeda saaran xanuun dartiis oon fursad u helin inay banka Carafo istaagaan? Aniga iyo adigase yaa inoo balan qaadaya inaan nabad ku gudan doono Xajka beytka Alle? taasi waxay inagu dhiiro galineysaa inaan dadajino gudashada Xajka maadaama xoolo iyo caafimaad iyo amaan Alle ina siiyey.
هذا واسأل الله لنا ولكم الحج البرور والسعي المشكور .

QORE:C/QAADIR AKHII
Fiiro gaar ah : Kitaabkan yar ma koobin Axkaamta xajka oo dhan, laakiin waxaan ku tilmaami karaa gargaarka dag daga ah ee u baahan yahay xaaji kasta inuu aqristo ama loo aqriyo, mida kale hadaad ku aragto kitaabkan wax khalada ama ka hor imaanaya xaqiiqada xajka waxaan kaa cod sanayaa inaad si toosa igala soo xiriirto mopile 058359466 Ogowna inaan khaldami karo , laakiin aan diyaar u ahay inaan xaqa ka qaato cid kasta .
HALKAN WAXAA HANBALYO USOO GUDBINAYA UMADDA SOOMAALIYEED EE MEEL KASTA JOOGTA
WALAALAHA U QAABILSAN DACWADA J/SOOMAALIDA
WALAALAHA MAKTABADA RIYAADU SAALIXIIN EE KU TAALA SUUQA GANBISKA –SAXIIFA –
IYO DHAMAAN WALAALAHA U ADEEGA BULSHO WEYNTA SOOMAALIYEED
K.S.A. JEDAH


COOPERATIVE OFFICE FOR CALL AND GUIDANCE EASTERN JEDDAH.
P.O. Box 102137, Jeddah 21321 K.S.A


1- FADLIGA XAJKA
Walaalayaal gudashada xajku waxay ka mid tahay cibaadooyinka Rabi loogu dhawaado kuwa ugu waaweyn -balse- Xajku waxuu ka mid yahay asbaabaha janadana lagu galo dambi- yadana lagu dhaafo, markuu ka hadlayey Nabigeenu e Xajka Alle agtiisa laga aqbalay wuxuu yiri :
قالe : ( من حج هذا البيت ، فلم يرفث ولم يفسق ، رجع كيوم ولدته أمه)
(Qofkii xajiya baytkan isagoon hadal xun ku hadlin, fisqina aan ku dhicin, wuxuu ka noqdaa xajkiisa isagoo sidii maalinkey hooyadii dhashay oo kale ah )
Walaalayaal maadaama xajku darajadiisu sidaas tahay, waxaa lagama maarmaana inaan U diyaar garowno xajka inta awoodeenu dhan tahay, dhinaca barashada Axkaamtiisa, dhinaca Maalka, dhinaca dadka rafiiqa inoo noqonaya. INTAA KADIB intaana dhex galin XAJKA IYO AXKAAMTIISA waxaan jeclahay inaan ka hor mariyo dhowr arimood si xajkeenu u noqdo mid Alle agtiisa laga aqbalay.ARINTA 1AAD:Markay kugu dhalato niyada Xajka waxaad ku dadaashaa inaad ka dhigto Xajkaada Xaj Alle dartiis loola jeedo. ARINTA 2AAD: ku dadaal inaad Rabi si dhab ah ugu towbad keento, iskana bixi wax alaale iyo wixii xuquuqa oo bani,aadam kugu lee yahay, kuna dadaal in xoolaha aad ku xajineyso ay noqdaan xalaal, intaas ka dib ogow inaad u socoto dhul dheer iyo dad cusub oodan hada ka hor arag, sidaas darteed ku dadaal inaad dabeecadaada wanaajisid.ARINTA 3AAD: ku dadaal sidii Xajkaadu u noqon lahaa mid waafaqsan Xajkii Nabi Mux,med e taasna waxaad ku heli kartaa labo shey, mida hore hadaad tahay qof wax yaqaan waxaad dib u sii daalacataa kutubta laga qoray siduu u xajiyey Nabigu e hadii aadan aheyn qof wax yaqaana waxaan kugu ogahay inaad saaxiib ka dhigato qof yaqaana habka loo guto xajka, si xajkaadu u noqdo mid saxa, Nabiguna e waxuu yiri:
(الحج المبرور ليس له جزاء إلا الجنة ) متفق عليه .
(Xajka sida wanaagsan loo guto,abaal marintiisu waa Janada)
ARINTA 4AAD: OGOW IN Xajku yahay tiirkii shanaad ee islaamku ku dhisan yahay,sidaas owgeed ayuu Nabigu e wuxuu yiri:
(بني الإسلام على خمس شهادة أن لا إله إلالله وأن محمدا رسول الله ، وإقام الصلاة وإيتاء الزكاة وحج البيت وصوم رمضان) متفق عليه
(Islaamka waxaa lagu dhisay shan tiir:Labada Ashahaado oo macnahoodu yahay in la qiro inuusan jirin illaah xaq lagu caabudo illaahay mooyaane,Nabi Mux,ed e yahay Rasuul Alle oo xaqa, ka dibna salaada la tukado, sakadana la bixiyo, bisha Ramadaana la soomo Xajka baytka illaahayna la guto, gaar ahaan qofkii awooda ).
ARINTA 5AAD:Xajku wuxuu waajib ku yahay qof kasta oo muslima oo Rabi siiyey caqli, iyo xoriyad taama, qaangaarna ah, awood buuxdana u leh gudashada xajka, Rabina siiyey caafimaad iyo amaan uu ku guto xajka, Xajku wuxuu qofka waajib ku yahay hal mara, qofkii mar wax ka badan u suuro gasho waxaa u siyaadaya ajir iyo xasanaad. Laakiin Haweenka intaas aan soo sheegnay waxaa u dheer waa inuu la socdo qof ka mida ehelkeeda sida Aabaheed ama Walaalkeed ama Ninkeeda i.w.m. hadii kale xajku waajib kuma aha si kasta oy xoolo u heysato-arintaas waxaa ku tagey culimo badan- waayo haweeneyda muslimada ah uma banaana inay kaligeed safarto iyadoo uusan la soconin mid ka mida Maxaarimteeda aan qaar ka mida soo sheegay,Nabigna e wuxuu yiri:
(لا تسافر المرأة إلا ومعها ذو محرم ) متفق عليه
(Ma safari karto haweeney inuu Maxramkeedu la socdo ma ahane).
ARINTA 6AAD: Haweeneyda shuruuda xajka la timid waa inay ilaalisaa xijaabka iyo xushmada lagu yaqaan gabdhaha muslimiinta meel ay joogaanba . ARINTA 7AAD: Xajka waxaa la inagu farad yeelay sanadkii 9aad ee hijradda Nabiga e NABI MUX.EDNA e wuxuu xajiyey hal mara Xajatul-Widaac. ARINTA 8AAD: Qofkii inkira in xajku yahay tiir ka mida shanta tiir ee islaamku ku dhisan yahay waa gaal Alle ka furtay laakiin Qofkii qirsan waajibnimada xajka kadibna isagoo xoolo heysta aan gudanin xajka gaal ma,ahan waase loo baqayaa. ARINTA 9AAD: Howsha xaajiga laga rabo maalintuu gurigiisa ka soo baxo ilaa uu gurigiisa kusoo laabto waa 11 arimood 1-IXRAAM.2-IN LA BARYO MINO HABEENKA 9AAD 3- IN MAALINTA 9AAD CARAFO LA ISTAAGO. 4-IN HABEENKA 10AAD MUSDALIFO LA BARYO. (5-6-7-8-9-10) IN MAALINTA 10AAD LA ISKU DARO DHAGAX TUUR, GOWRAC, XIIRASHO AMA JARASHO IYO DHAWAAF IFAADA IYO SACYI KA DIBNA LA XALAAL NOQDO. 11-INTAAS KA DIB IN MINA LAGU SOO LAABTO OO LA SEEXDO MAALMAHA KA DHIMAN XAJKA IYADOO MAALIN WALBA LA TUURANAYO 21DHAGAX SIDA INOO IMAAN DOONTA
ARINTA 10AAD:Dadka muslimiinta ee raba inay gutaan Xajka waa labo Qeybood: 1-Qeyb ka sokeysa shanta Mawaaqiit, ee Nabigu e inoo jideeyey sida magaalada jiddah i.w.m. iyo Qeyb ka shisheysa shanta meelood ee laga soo xarmado.
2- SHANTA MOOLOOD EE LAGA SOO
XARMADO- MAWAAQIID-
Walaalkayga xaajiga ahow, markaad timaado mid ka mida shanta meelood ee laga soo xarmado ama aad la siman tahay mid ka mida waxaa waajib kugu ah inaad ka soo xarmatid oodan soo dhaafin ixraam la,aan, shantaas meelood waxaa la kala yiraahdaa.1-Dul-Xuleyfa ama(Abyaar cali) waxaa ka soo xarmanaya dadka ama qofka ka imaanaya dhinaca Madiino Al–Minawara. 2-Al–Juxfa ama(Raabuq) waxaa ka soo xarmanaya qofka ka imaanaya dhinaca Masar iyo Shaam i.w.m. 3-Qarni manaasil (Al-Sayl kabiir) waxaa ka soo xarmanaya qofka ka imaanaya dhinaca Najdi.4-Yalamlam (Al-Sacdiyah) waxaa ka soo xarmanaya qofka ka imaanaya dhinaca yaman. 5-Daatu cirqi: waxaa ka soo xarmanaya qofka ka imaanaya dhinaca Ciraaq, KA DIBNA wuxuu yiri Rasuulku e isagoo ka hadlaya meelaha laga soo xirto Xajka iyo Cumrada
هن لهن ،ولمن أتى عليهن من غير أهلهن ،ممن أراد الحج والعمرة ، فمن كان دونهن فمهله من أهله ، وكذلك حتى أهل مكة يهلون منها ) متفق عليه.
(Shanta meelood –een kor kusoo sheegnay- waxay usugnaadeen-oo kasoo xarmanaya dadka dagan iyo dadka kor kaga yimid een daganeyn qofkii doonaya xaj iyo cumro) hadaan Tusaale gaaban soo qaadano Qeybta hore: Haduu qofku ka sokeeyo shanta meelood ee Nabigu e ina amray inaan ka soo xarmano, sida reer jidda i.w.m. waxay ka xarmanayaan xajkooda iyo cumradooda guryahooda, waxaana reer jidda la mida cid kasta oo ka sokeysa Miiqaadyada shanta ah een kor kusoo cadeynay. Reer Makko iyo cid kasta oo xajku mako ugu galo waxay ka xarmanayaan xajkooda guryahooda, laakiin qofkii Makko jooga oo raba cumro waa inuu banaanka xaramka kasoo xarmado sida Tanciim i.w.m.Qeybta 2aad: Dadka ka imaanaya dhinaca soomaaliya waxaa laga rabaa inay ka soo xarmadaan la simanka tuulada yalamlam, hadeysan u suuro galina waa inay markay yimaadaan Jidda ama Makko dib ugu laabtaan yalamlam, hadii kale waxaa ku waajibaya qof kasta inuu gowraco neef ariya, taas waxaa la mida walaalaha soomaaliyeed ee ka soo xajinaya yurub ama sacuudiga dhexdiisa-meelaha Miiqaadka ka shisheeya- hadana aan ka soo xarmaneynin miiqaadkooda.

3-WAXYAALO DHOWRA OO LAGA RABO
QOFKA INTUUSAN XARMANIN
waxaa wanaagsan markii la yimaaado meesha laga xarmado:1-in la qubeysto rag iyo dumarba xataa mida dhiiga qabta iyo tan umusha ah. 2-Is nadiifin, cidiyo jarasho,gurida timaha kilkilaha i.w.m. sida shaarbaha .3-in la iska dhigo dharkii horey loo qabay -raga- iyadoo la xiranayo labo maro oo cusub ama dhaqan oo cad cad, laakiin haweenku waxay doonaan ayey xiranayaan, waxaana waajib ku ah inay is asturaan,wax dhib ahna kuma jiro in la xirto owkiyaale iyo saacad iyo suun gaar ahaan midka lagu rito lacagta i.w.m. 4-waxaa fiican in la ixraamto markii la tukado salaada faradka ah ama salaad suno ah gadaasheeda.5-wax dhiba kuma jiro in baraafuun la is mariyo -jirka - intaan la xarmanin ka hor, laakiin markii la ixraamto ka dib looma ogola xaajiga baraafuun i.w.m. ilaa uu ka xalaaloobo ixraamkiisa.6-Niyadu waa shardiga ay ku asaxdo cibaado kasta, xajkuna waa cibaado,sifada niyadu waa inuu qofku niyoodo mid ka mida:
4-SADEXDA NOOC EE LOO XIRTO XAJKA
Qofkii raba inuu xajiyo markuu Miiqaadka yimaado ee uu isnadiifiyo waxaa laga rabaa inuu xirto xajkiisa isagoo dhinac ka fiirinaya nooca uu xiranayo, dhinaca kalena waqtigiisa. Hadii waqtigiisu waasic yahay waxaa fiican inuu Tamatuc soo niyoodo:1-TAMATUC: Waa in qofku cumreysto bilaha xajka isagoo raba inuu guto xajka sanadka uu cumreystay, waana nooca ugu fiican sida ku cad sunada Nabiga e waxaana la dhahayaa marka la rabo in la xirto noocan:
لبيك عمرة متمتعا بها إلى الحج
2-QIRAAN: waa in qofku soo xirto mar kaliya cumro iyo xaj isku dhex jira, wuxuuna dhahayaa :
لبيك عمرة وحجا
3-IFRAAD: waa in qofku soo xirto xaj kaliya waxuuna oranayaa: لبيك حجا waxaana fiican in cumro laga dambeysiiso.QOFKA SOO XIRTAY MID KA MIDA SADEXDA NOOC WAXAA LAGA RABAA INUU BADIYO TALBEEKTAN:
لبيك. لبيك لاشريك لك اللهم لبيك لبيك
إن الحمد والنعمة لك والملك لا شريك لك
(Labeyka Allahuma Labeyka, Labeyka Laa Shariika laka labeyka inal- xamda wan-nicmata laka wal Mulku, laa shariika laka) ilaa uu ka bilaabo dhawaaful-Quduumka,Ragu kor bay uqaadayaan dumarkuna hoos bay uqaadayaan, INTAAS WAXAA DHEER WAXAA JIRA:

5-WAXYAABO KA REEBAN QOFKA XARMADAY
Qofka xarmadey waxaa ka reeban:1-in la jaro timaha iyo cidiyaha, laakiin haday cididu jabtay way banaan tahay in la iska gooyo. 2-in la xirto dhar tolan: Dharka tolan waxaa loola jeedaa dhar kasta oo xubnaha jirka la galin karo, sida surwaalka, kastuumada funaanada ,khamiiska 1.w.m. arintan waxay gaar ku tahay raga kaliya.3-in la daboolo madaxa-raga-iyadoo lagu daboolayo wax taabanaya madaxa sida cumaamada iyo marada, koofiyadda i.w.m. 4-in haweenaydu ku daboosho wajigeeda Niqaab (indho-shareer) ama ay gashato gacmo gashiga, laakiin haweenaydu haday ka baqeyso in rag -ajaaniba- arkaan waxaa u banaan inay ku sii deyso wajigeeda marada madaxeeda saaran, gacmaheedana waxey dhex galinaysaa jilbaabkeeda. 5-isbar fuuminta jirka iyo dharka. Shantan arimood qofkii ku kaca markuu xarmado ka dib waxaa laga rabaa fidyo KA KOOBAN in la soomo sadex maalmood ama in la quudiyo lix miskiin ama in la qalo neef ari ah iyadoo la raacinayo intaas toobad, haduu qofku cudur la,aan u sameeyay WAXAA KALE OO KA MIDA WAXYAALAHA KA REEBAN QOFKA XARMAN:6-in la dilo ugaadha. Qofkii dila ugaar waxaa laga rabaa inuu gowraco neef u dhigma ugaadha uu diley kadibna uu ku sadaqeysto foqorada xaramka dagan,ama uu bixiyo cunto dhan qiimaha ugaadha uu dilay ka dibna u qaybiyo dadka saboolka ah ee dagan Mako,ama meeshuu hunguri ka siin lahaa masaakiinta uu ka soomo maskiin kasta maalin.7-in wax la guursado. Guurka qofka xarman fidyo lagama rabo waayo nikaaxiisu waxba kama jiraan.8-in loo tago haweeneyda ama uu qofka xarman ku kaco wax shahwadiisa dhaqaajinaya. Qofkii afadiisa utaga intuusan xalaal noqon -midka hore- xajkiisa waxba kama jiraan,waxaana laga rabaa inuu xajkiisa dhamaysto xajka dambena xajiyo,Allena ugu dhawaado neef xoolo ah.

6-XAAJIGU MARKUU YIMAADO XARAMKA IYO
SIDA LOO GUTO DHAWAAFKA IYO SACYIGA.
Walaalkeyga xaajiga ahow markaad timaado XARAMKA gal adigoo daahira, horeysiina lugtaada midigta, odoo dhahaya:(Bismillahi Allow ii fur Albaabada Naxariistaada) ka dibna aad dhinaca kacbadda,adoo baneynaya garabka midig,kan bidixna qarinaya INTAA KA DIB QAABIL Xajarul-Aswadka waxaana fiican inaad gacantaada midig taabsiisid,ood dhunkatid hadaadan awoodina ku ishaar gacantaada midig, iskana ilaali inaad dadka ciriirisid, intaa ka dib bilow dhawaafkaada adigoo oranaya: أكبر الله mar kastood la siman tahay Xajarul-Aswadka intaad dhawaafka ku jirto ku ducayso waxaad doonto, iskana ilaali inaad iswaasho sida dadka qaarkiis yeelaan, waxaa kale oo sune ah in la rucleeyo sadexda jeer ee ugu horeysa dhawaafka hadayna dhib u keenaynin dadka dhawaafaya, mar kastood mareyso labada Rukni dhaxdooda Aqri oo-ku duceyso- Aayadan (201) ee ku jirta suurada Al-Baqarah
قال الله تعالى: (ربنا آتنا في الدنيا حسنة وفي آخرة حسنة وقنا عذاب النار)
(Eebow nasii aduunka wanaag, Aakhirona wanaag nasii , nagana dheeree Cadaabka Naarta) mar kasta ood la siman tahay Xajarul-Aswadka samee sidaad yeeshay markii uhoreysay, hadaad awoodid inaad Rukni yamaaniga taabatana yeel, hadii dadka dhawaafaya kacbada uu aad ubadan yahay waxaa kuu banaan inaad ka dhawaafto Kacbada meel ka waasacsan meesha ciriiriga ah, sida sudhuuxa ama dhabaqa labaad, markaad dhamayso dhawaafkaada todobada jeer, waxaad aadaa Maqaamu ibraahim c.s.w. adigoo aqrinaya Aayada (125) ee ku jirta suurada Al-baqarah
قال الله تعالى : (واتخذوا من مقام ابراهيم مصلى)
(Ka yeesha Maqaamu ibraahim meel lagu tukado) haday kuu suuro gasho inaad ku tukato maqaamka gadaashiisa waa sidii la rabey ,laakiin haday kuu suuro gali weydo ku tuko meel kasta oo Masaajidka ka mida, Labo rakcadood adoo aqrinaya rakcada hore Faatixada iyo Qulyaa-Ayuhal kaafiruun, Rakcada Labaadna faatixo iyo Qulhu-Wallaah, intaa ka dib aad Sacyiga SAFA IYO MARWA markaad udhawaato Safaa aqri Aayada (158) ee ku jirta suurada Al-Baqarah
قال الله تعالى: (إن الصفا والمروة من شعائر الله … الآية )
OO Macnaheedu yahay : (Safo iyo marwo waxay ka mid yihiin calaamooyinka -weyneyn-ee Eebe dabadeedna fuul buurta Safa adoo ujeedsanaya xaga Kacbada , kadibna dheh ducadan :
لإاله إلاالله وحده لاشريك له، له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير
لاإله إلا الله وحده لاشريك له نصرعبده أنجز وعده وهزم الأحزاب وحده
intaa ka dib ku ducayso waxaad rabtid kuna celceli ducadan, kadibna aad Marwo markaad gaarto Calaamada Cagaarka ah ruclee ilaa aad ka gaarto calaamada kale ee cagaarka ah. haweenka waxaa wanaagsan inaysan ordin, inta ka dhiman Marwo aayar soco, markaad Marwo gaarto aqri Aayadii aad aqriday markaad fuushay buurta Safaa, kadibna u duceyso sidaad uduceysatay markaad fuushay Safaa adigoo qaabilaya dhinaca Kacbada, intaa kadib ka dag Marwo oo aad Safaa, Ruclee mar kastood la siman tahay labadii calamadood ee cagaarnaa, mar kastood Safa iyo Marwo tagtana samee sidaad yeeshay markii ugu horeysay eed sacyiga bilowday, ilaa aad ka dhameysato todobada jeer ee lagu dhex noq noqonayo Safa iyo Marwa, markaad dhameyso sacyiga iska xiir timaha madaxa -waana sida fiican-ama gaabi, Dumarkana timahooda waxay ka gaabinayaan dhinac kasta wax yar oo la,eg farta xubinteeda hore, walaal hadaad sidaas yeesho waxaa kuu dhamaaday cumradaadii, hadaad ahayd Mutamatic waxaa kuu xalaala wax kasta oo xaaraam kaa ahaa laakiin hadaad tahay Qaarin ama Mufrid dharkaada ixraamka ayaad qabeysaa ilaa maalinta 8AAD.
7-MAS,AAIL ANFACAYA
QOFKA XAAJGA AH
1-Qofka Mufridka ah iyo qofka Qaarinka ah waa isku mid laakiin Qaarinka ayaa dheer niyada iyo neef xoolo ah.
2-Qofka Mutamatica ah iyo kan soo xirtay Qiraanka waxaa ku waajibaya neef ari ah ama todobo qof oo kasta waxaa ku filan inay qalaan neef lo,ah ama neef geel ah haduusan qofku awoodina waxaa laga rabaa inuu soomo 10bari, sadex bari waxuu soomayaa bisha xajka dhexdeeda, todabada bari ee hartayna markuu ku laabto ehelkiisa.
3-Reer mako kuma jiraan dadka laga rabo soomka, sida قال الله تعالى ku cad Qur,aanka suurada Al-Baqarah Aayada (197).
(فمن تمتع بالعمرة إلى الحج فمااستيسر من الهدى ، فمن لم يجد فصيام ثلاثة أيام في الحج وسبعة إذا رجعتم تلك عشرة كاملة ذلك لمن لم يكن حاضرى المسجد الحرام ..الآية)
4-Qofkii soo fuula diyaarad waxaa fiican inuu taxadarto waqti dheer-gaar ahaan haduusan awoodin inuu garto- meesha laga xarmado. 5-waxaa fiican hadii qofku dhib ka baqayo inuu shardi galo, gaar ahaan waayahan dambe ee dhibku siyaaday.6-hadii haweeney dhiig ka yimaado intayna dhawaafin ka hor, ama iyadoon dhameysanin dhawaafkeeda, haweeneydaasi waxay ahaan mid xarman ilaa ay ka daahir noqoto, haday daahir noqoto intayna ubixin Mina ka hor way dhawaafaysaa wayna sacyin, laakiin haday ubaxdo Mina maalinta sideedaad iyadoon daahir ahayn waxay dhamaysanaysaa howsha Xajkeeda markay daahir noqotana way dhawaafi wayna sacyin .
7-Qofka dhintay ama dada weyn een gudan karin xajka iyo cumradda waa laga xajin karaa sidoo kale waa laga cumreysan karaa, laakiin waxaa la rabaa qofka ka cumreysanaya ama ka xajinaya inuu isagu hada ka hor xajiyey, sidoo kale dhib kuma jiro haduu qof lacag kaga xajiyo, qofkii dhintay ama xajin kari waayey.
8-MAALINTA 8AAD EE BISHA CARAFO
ILAA XAJKU KA DHAMAADO
Walaalkayga xaajiga ah markii la gaaro maalinta tarwiyda -8aad-ee bisha carafo ,hadaad soo xiratay Mufrad ama Qaarin waad xarman tahay, laakiin hadaad tahay Mutamatic waa inaad ka xarmataa xajkaada Mako, adigoo dhahaya حجا لبيك waxaana kuu banaan markaad xarmanayso wixii kuu banaanaa markaad Miiqaadkaada ka soo xarmanaysay,sida qubays iyo is nadiifin iyo labis dharka ixraamka iyo niyad iyo talbeeksasho, INTAAS KA DIB HADAAD TAHAY QAARIN AMA MUFRID &MUTAMATIC, aad Mina maalinta sideedaad galinka hore,lana tuko imaamka salaada Duhurka, Casarka, Maqribka, Cishaha,iyo Salaada subax kuna soo gaabi salaadaha afarta rakcadood ah labo rakcadood, adigoo tukanaya salaad walba waqtigeeda, ka dibna seexo Mina, markuu waagu kuu baryo eed tukato salaada subax joog waxoogaa ilaa ay Qoraxdu kaaga soo baxeyso, markay Qoraxdu soo baxdo aad Carafo waxaadna dagtaa togga Namira haday kuu suuro gasho, ka dibna la tuko Jamaacada Muslimiinta Salaada Duhur iyo Salaada Casar-waqtiga duhurka- iyadoo mid kasta la tukanayo labo rakcadood. markaad tukato istaag banka Carafo, aadna u badi ducada iyo Tasbiixda iyo Wardiga, waayo Walaalayaal maalinta Carafo waa maalin weyn,waxaana fiican inaan ku duceysano maalinta carafo ducaduu ina baray Nabigeena e ahna duco mida ugu fiican ee qofku ku duceysto maalinta Carafo : :e قال
(خير الدعاء دعاء يوم عرفة وخير ما قلت أنا والنبيون من قبلي
لإاله إلاالله وحده لا شريك له، له الملك وله الحمد وهو على كل شيء قدير)
sidaas ducada u wad ilaa Maqribku kuugu dhaco Carafo, iskana ilaali inaad sameyso shey Rabi kaa xarimay, markay Qoraxdu dhacdo waxaad adaa Musdalifa adigoon iswaalin, intaad wadada sii socotana badi Talbeekta aan kor ku soo sheegay, iyo Alle bariga, markaad Musdalifo tagto tuko salaada Maqrib iyo Cishaha -oo labo rakcadood ah- ka dibna seexo markuu waagu kuu baryo eed tukato salaada subax, aad u badi wardiga iyo Alle bariga waxaana fiican inaad ku Alle barido Masjidka ku yaala Musdalifa haday kuu suuro gasho wax yar ka dibna waxaad aadaa Mina intayna qoraxdu kuugu soo bixin Musdalifa, intaas waxaa dheer Qofka da,da weyn ama daciifka ah, waxaa u banaan inuu aado Mina saqda dhexe si uu uga hor tuurto dadka, markaad timaado Mina ku tuuro Jamratul –Caqaba 7dhagax oo mid kasta la,eg yahay xabad galey ah waxaadna tiraahdaa mar kastood dhagax tuureyso اكبر الله haday dhacdo inaad la gafto godka, ku celi dhagax kale ilaa uu ka galayo dhagaxu godka loogu tala galay, ka dibna gowrac neef ari ah, hadaad tahay Mutamatic ama Qaarin ka dibna Jarro ama Xiiro -waana sida fiican-intaa hadaad sameyso waxaa kuu banaan wax kasta sida dharka, baraafuunka i.w.m. laakiin ha u dhawaanin xaaskaada. MAS,ALO: haduu qofku kala hor mariyo arimahaan soo sheegnay, sida tuurashada, xiirashada, gowraca ama dhawaafka inoo imaan doona, wax dhib ah kama taagna, laakiin waxaa wanaagsan in loo tartiibiyo sidaan kor ku soo sheegnay.INTAAS KA DIB waxaad aadaa Masjidka–Xaramka- oo dhawaaf dhawaafkii ifaadaha adigoo u dhawaafaya habkii aan soo sheegnay:
قال الله تعالى:( وليطوفوا بالبيت العتيق ) سورة الحج الآية29
Ka dibna waxaad aadaa dhinaca sacyiga, hadaad tahay Mutamatic waxaa lagaa rabaa inaad sacyido,waaayo sacyigii hore waxaa iska lehaa cumradii aad sameysay, sacyigana waxaa leh xajka, laakiin hadaad tahay Qaarin ama Mufrid waxaa kugu filan sacyigaadii hore, laakiin hadaadan xajka kahor sacyinin waxaa waajib kugu ah inaad sacyidid markaad Dhawaaful-Ifaadaha dhamaysid ka gadaal, waxaana wanaagsan inaad u nidaamiso howsha la qabanayo maalinta Naxriga-10AAD- sidan: Dhagaxtuur,Gowrac,Xiirasho iyo Dhawaaful-Ifaadah, hadaad howlahan kala hor mariso waxdhib ah kuma jiro , waayo Rasuulku e lama weydiinin shay la hormariyey ama dib loodhigay maalintaas ilaa waxuu dhahayey,yeel wax dhib ah kuma jiro ,hadaad dhamayso Dhawaful-ifaadaha iyo sacyiga xajka waxaa taam kuu noqday Xalaal noqoshadii Labaad ee wax walba ay xalaal kuugu noqon lahaayeen xataa haweenaydaada. INTAA KADIB ku laabo Mina,waxaadna joogtaa sadex maalmood iyo habeenadooda waana maalmaha (11-12 –13)ee bisha carafo , Maalmaha aad mino dagan tahay tuuro maalin kasta markay qorxdu iilato-salaada duhur waxyar ka hor- 21dhagax, adigoo ku tuuranaya jamro kasta 7dhagax laga bilaabo Jamrada yar-Al-suqraa- 7dhagax jamrada dhexena-Al-Wusdhaa- 7dhagax, mid kastana markaad tuurato wax yar horay u soco ka dibna istaag oo Alle bari, ka dibna ku tuuro Jamratul-Caqaba 7dhagax hana u istaagin duco, sidaas oo kale yeel maalmaha aad joogto mina.INTAAS KA DIB hadaad doonto inaad dhaqso uga baxdo Mina, waxaa kuu banaan in maalinta 12AAD markaad tuurato sadexda jamaraat, aad ka baxdo intayna qoraxdu dhicin ka hor, laakiin haday qoraxdu kugu dhacdo adigoo jooga Mina waxaa waajib kugu ah inaad barido habeenka 13AAD,si aad u tuurato jamaraadka maalinta 13AAD waana sida wanaagsan, maxaa yeelay Rasuulkae ayaa yeelay, Allena wuxuu ku yiri Qur,aankiisa aayada 203 ee ku jirta suuradda Al-Baqarah. قال اللله تعالى :
(واذكروا الله في أيام معدودات فمن تعجل في يومين فلا إثم عليه ومن تأخر فلا إثم عليه لمن إتقى)
Walaal markaad dhamayso howshii xajka, eed goosato inaad safarto, waxaad aadaa Masjidka Xaramka si aad u dhawaafto Kacbada todobo jeer-Dhawaaful-Widaac- ka dibna ka bax Mako oo ha ku daahin, waayo hadaad ku daahdo-cudur la,aan- waxaa waajib kugu ah inaad ku celiso dhawaafkaadii, si uu u noqoto dhawaafku sheyga ugu dambeeya eed sameysay. MAS,AA.IL: 1-Qofta dhiiga qabta iyo mida umusha ah Dhawaaful- Widaacu wuu ka dhacayaa 2-Qofkii dib u dhigta Dhawaaful-Ifaadaha waxaa u banaan inuu dhawaafo kacbada markuu ka baxayo Mako,wuxuuna dhex galin karaa Dhawaaful-Ifaadahiisa Dhawaaful-widaac.


9-SIYAARADA MASJIDKA NABIGA S.C.W.
Masjidka Nabigu e wuxuu ka mid yahay sadexda Masaajid ee ugu fadliga badan masaajida aduunka ku taala , salaada lagu tukado-Masjidka Nabiga e waxay la mid tahay xaga fadliga 1000salaadood sidaas darteed qofkii nasiib u hela inuu ku yimaado xarameynka Cumro ama Xaj waxaa wanaagsan inuu soo siyaarto Masjidka Nabiga e. KADIB markii lagu tukado Masjidka Nabiga e waxaa fiican in la soo siyaarto Qabriga Nabiga e iyo labada Qabri ee ku dhagan Qabrigiisa e Abuubakar A.H.R. iyo Cumar A.H.R.-ka dibana Qubuuraha Baqiic iyo Qubuuraha ku yaala Uxud .
Waxaa kale oo sune ah in lagu tukado Masjidka Qubaa labo Rakcadood. Fiiro gaar ah:
1- Haweenku kuma jiraan siyaarada Qubuuraha aan soo sheegnay. 2-Siyaarada Masjidka Nabiga e iyo xajku iskuma xira Qofkii ku yimaada xaj ama cumro haday u suuro gasho inuu soo siyaarto Masjidka Nabiga e waa sida fiican hadey u suuro gali weydo xajkiisu waa taam Inshaa-Allaah. Niyadiisana rabi baa ka abaalmarin, sidaas hala ogaado oo yaan la isku khaldin labada xaram . Rabi ha inaga aqbalo Xajkeena iyo Cumradeena iyo dhamaan camalkeena oo dhan AAMIIN.


10-UGU DAMBEYNTII
Walaalayaal kuma soo koobi karo Risaaladan gaaban farxadaan dareemayo iyo sidaan idiinla jeclahay in Rabi idinka aqbalo xajkiina,Waana arinta igu dhalisay inaan jeebkayga ka baar baaro hadiyad anfaceysa xujeyda,ilaa aan ka helay dhambaalkan dhaxal galka ah ka hadlaya Axkaamta xajka. Intaa kadib waxaan kitaabkan ku soo gabagabeynayaa talooyin lagama maarmaana
1-Culimada Soomaaliyeed ee wadanka gudihiisa joogta waa iney xujeyda iyo dadka cumrada raba intayna soo dhoofin ka hor wax ka tusaan Axkaamta xajka &Cumrada iyagoo la kaashanaya Shirkadaha dadka soo qaada, waxaana aad ugu rajo wey nahay ujeedada shirkaduhu ineysan aheyn kaliya aduunyo.
2-Markaan Cumreysano ama Xajino Waa in laga garto akhlaaqdeena, iyo cibaadadeena dheeriga ah .
3- xaajiga ama xaajiyadu waa iney ku dadaalaan sidey u weydiin lahaayeen waxii xajkooda ku saabsan culimada muslimiinta ee meel kasta fadhida gaar ahaan kuwa aad ku arki doontaan Mashaacirta dhexdeeda.
4-Walaalaha nasiibka u helay deegaanka labada Xaram waa ineysan martida Eebe cidna ku haleyn, dhinaca soo dhaweynta ,dhinaca barida habka loo xajiyo iyo qiimaha salaada xaramka lagu tukado ay lee dahay .
5-haweenka maxam la,aanta soo dhoofaya ama beenta lagu soo wadayo waa in si gaara loo dareemo dhibka ka imaanaya aakhiro iyo aduun.
المراجع
صفة الحج ومسائل تهم الحاج لإبن العثيمين رحمه الله ، أركان الإسلام والإيمان لجميل زينو
المهج التعليمي: أحكام الحج)شعبة توعية الجاليات)، ومطوية دليل السالك لأداء المناسك للحمدان



HORDHAC ……………………………………………………………………………….
FADLIGA XAJKA IYO ARIMO KALE OO MUHIIM AH………………
SHANTA MEELOOD EE LAGA SOO XARMADO –MAWAAQIIT-…
WAXYAABO DHOWR AH OO LAGA RABO QOFKA
INTUUSAN XARMANIN………………………………………………
SADEXDA NOOC EE LOO XIRTO XAJKA……………………………
WAXYAABO KA REEBAN QOFKA XARMADAY…………………
XAAJIGU MARKUU YIMAADO XARAMKA IYO
HABKA LOO GUTO DHAWAAFKA IYO SACYIGA……………………
MASAA,IL ANFACAYA QOFKA XAAJIGA AH………………………
MAALINTA 8AAD EE BISHA CARAFO ILAA
XAJKU KA DHAMAADO………………………………………………
SIYAARADA MASJIDKA NABIGA S.C.W. …………………………
UGU DAMBEYNTII IYO DARDAARAN GAABAN………………………

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684738
Today
Yesterday
All days
1125
1445
684738
2024-09-16 19:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e88cedb519621332805211726516461
title_66e88cedb52a68262673071726516461
title_66e88cedb53a020119692551726516461
title_66e88cedb54985385644791726516461
title_66e88cedb558b11784566241726516461
title_66e88cedb568a16539095771726516461

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e88cedb65f515203949161726516461
title_66e88cedb66f0924093591726516461
title_66e88cedb67e020044455241726516461
title_66e88cedb68ca7207448701726516461

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com