SHAREECADU MAXEY KA TIRI KUWA CAAYA ALLAAH& RASUULKA &DIINTA & SAXAABADA NABIGA? ..
حكم سب الله وسب الدين وسب الرسول صلى الله عليه وسلم
وسب الصحابة الكرام رضي الله عنهم .
JAWAAB : waxaa wax aad looga tiiraanyoodo ah in laga helay muslimiinta qaar uusan amaan ka helin xataa Rabul caalamiin, rabiga mudan inla weyneeyo, Rabiga mudan in wax walba laga jeclaado, taasna waxaa sababey markuu yaraaday iimaanka qalbiga nuuriya ee qofka ku ximbaara alle ka cabsi iyo inaan laga talaabsan xuduuda allaah, War wallaahi waa gaalnimo cad oon geed ku soo gabasho laheyn, hadii munaafiqiintii ku jeesjeestay diinta lagu yiri : Ha cudur-daaranina waad gaalowdeene , maxaad u maleyneysaa kan sida cad u caayey allaah subxaanahu watacaalaa iyo diintiisii ..
قال الله تعالى : ( ولئن سألتهم ليقولن إنما كنا نخوض ونلعب ، قل أبالله وءاياته ورسوله كنتم تستهزءون ، لا تعتذروا قد كفرتم بعد إيمانكم )

وقال تعالى : ( وقد نزل عليكم في الكتاب أن إذا سمعتم ءايات الله يكفر بها ويستهزأ بها فلا تقعدوا معهم حتى يخوضوا في حديث غيره إنكم إذا مثلهم إن الله جامع المنافقين والكافرين في جهنم جميعا ..)

Su.aashan mar la weydiiyey caalimka weyn ee la yiraahdo ibnu baas wuxuu ku jawaabay : Qofkii caaya allaah iyo diintiisa , haduu ahaa mid muslimiinta lagu tiriyo, muslimiinta wuu ka baxayaa labo jid ayaana u banaan 1- inuu islaamka ku soo laabto oo qaato hanuunka iyo naseexada muslimiinta .. 2- inuu diido inuu soo laabto, kaas waxaa lagu abaalma rintiisu waa qoorta in laga gooyo.
culimada qaarna waxey qabaan inaan towbo laga dalbin oo toos qoorta looga jaro, si aysan diintu ciyaar u noqonin , laakiin waxaa fiican in towbada laga dalbo.. Sheekhu isagoo wali hadalkiisii sii wata wuxuu lee yahay xataa midka toobo keenay waxaa lagu dhufanayaa dhowr jeedal si uu u tooso .
Arintan-ceyda alaah iyo diintiisa iyo rasuulkiisa- waxaa la mida in lagu jeesjeeso shey diinta ka mida sida janada naaarta , salaada ,sakada , amarka illaahay i.w.m.
Ibnu-cuseymiin oo isna ka mida culimada waa weyn ee caalamka islaaka ayaa inta ibnubaas raaciyey ma banaana in lala joogo dad caaya allaah subxaanahu watacaalaa wuxuuna daliil ahaan u soo qaatay aayadaan soo sheegnay ..

Sidaas ayuu diinta kaga baxay laakiin toobo keen ayaa la lee yahay , haduu diidana
Eeg culimada muslimiintu waxey ka dhaheen mas,aladan ..
Qaadi ciyaad wuxuu yiri :Khilaaf kuma jiro haduu mid muslimiinta ka mida caayo allaah inuu gaaloobay, dhiigiisuna xalaal yahay..
Imaamu axmed ayaa ku yiri: riwaayad uu wariyey cabdillaahi ,ninbaa nin ku yiri nin kale : war waxaad tahay ina gumeedkii xumaa - isagoo ka wada inuu allaah wax ka sheego- imaamu axmed wuxuu ku jawaabay kaasi islaamka wuu ka baxay waa in qoorta laga gooyo ..)
Ibnu qudaama wuxuu yiri : (Qofkii caaya allaah wuu gaaloobay ,haka ahaato kaftan ama dhab).
Ibnu teymiyah wuxuu yiri : (Qofkii caaya allaah iyo rasuulkiisa wuu gaaloobay ,ha ogsaano arintan iney xun tahay ama yuusan ogsoonaanin.
Ibnu raahweyh wuxuu yiri : muslimiintu waxey isku raacsan yihiin in qofkii caaya allaah iyo rasuulkiisa uu gaal yahay , xataa haduu qirsan yahay wuxuu allaah soo dajiyey..
Ibnu qayim wuxuu yiri : (Cibaadadu dhuuxeedu waa alle jeceyl iyo alle weyneyn , hadii labadaas mid kamida la waayo cibaadadaasi wey baaba,eysaa ..

inuu ka il cidii cayda allaah iyo diintiisa iyo nabigiisa iyo saxaabada nabiga s.c.w. waa gaal dhiigiisu banaan yahay , sababtuu ku gaaloobay waa tan :
1-Wuxuu hoos udhigay xaqii allaah ee mudanaa in la jeclaado oo la weyneeyo, labadan ayaana saldhig u ah alle rumeynta xaqiiqadeeda .


WABILLAAHI TOWFIIQ
C/QAADIR AKHII

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1115590
Today
Yesterday
All days
704
2114
1115590
2025-07-10 03:06

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_686f2e2c6027410469276891752116780
title_686f2e2c6033119734242991752116780
title_686f2e2c603fe16304492141752116780
title_686f2e2c604ba1077649881752116780
title_686f2e2c6057b3749003761752116780
title_686f2e2c606811414341951752116780

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_686f2e2c611ef13623597571752116780
title_686f2e2c612a718961614861752116780
title_686f2e2c6136118969533381752116780
title_686f2e2c614267087948171752116780

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com