GEERIDU WAA XAQ
الموضوع / الموت حق
إعداد / عبد القادر شيخ محمد أخي
This email address is being protected from spambots. You need JavaScript enabled to view it.
Allahayow adigaa mudan mahad aan halkan lagu soo koobi Karin , nabi muxamedna s.c.w. rabi ha ka abaalmariyo siduu ugutay risaaladii aad u soo dhiibtay, culimada muslimiintana rabi haka jaseeyo sidey inoo soo gaarsiiyeen diinta islaamka, aniga iyo adigana khaatumada allaha inoo hagaajiyo, aamiin yaa rabii, ( Qofku haduu dhinto sadex ayaa raacda , labo markii la xabaalo ayey ka soo laabtaan midna wuu ku haraa- camalkiisa saalixa ayaa ku hara ehelkiisa iyo xoolihiisuna wey soo laabtaan.. hadalka waxaa yiri nabi muxamed s.c.w.1400 sano kahor, rabina s.w.t. in badan ayuu geerida kaga hadlay kitaabkiisa ..
Walaalayaal labo iskuma khilaafsana in geerigu xaq tahay, iney geerigu ina sugeyso inaan aduunyada lagu waareynin, in maalin maalmaha ka mida , habeen habeenaha ka mida saacad saacadaha ka mida nafta la iska qaadi doono , adigoon lagula tashanin..

Walaal anigoo allaah dartiis kuu jecel waxaan kaa codsanayaa inyar inaad naftaada la xisaabtantid, ma isweydiisay hadii aad geeriyootid aakhiro maxaad la kulmeysaa awood ma uleedahay inaad qof aad ujeceshahay sida aabahaa, hooyadaa ,xaaskaada, wiilkaada , gabadhada, saaxiibkaa aad dib u celiso in yarba ha ahaatee jawaabtu waa maya, hadii ay tahay naftaada waa sidoo kale ..

Saacadaas iyada ah cid wax kuu qaban karta ma jirto , shalay waxba tari meyso, waxna kama gaartid inaad wax qabato Saacadaas ka dib dharkii aad iska bixin jirtay waa lagaa bixin , qubeyskii aad qubeysan jirtay waa laguu qubeyn , masaajidkii aad lugahaada ku aadi jirtay waa lagu geyn adigoo saaran nacash , oo iimaamka hortiisa lagu dhigi si laguugu tukado salad aan rukuuc iyo sujuudtoona laheyn, intaa kadib walaalkay ama walaashayey xaguu laguu wadaa? Xagee lagu geyn ? qabriga yar eed in badan indhahaada ku aragatay ayaa lagu galin , dad qofkaad ugu jeclayd baa ciida kugu qarin, ehelkaadii iyo xoolahaadii wey kaasoo laaban waxaa kaliya oo kugu hari waa camalkaagii , hadii aad beeratay camal wanaagsan wanaag ayaad guraneysaa , hadii kalena xumaantii iyo sharkii aad beeratay ayaad gurani , sidaas darteed walaalayaal aduunka aan maanta joogno waa beer qof walba wuxuu abuurto ayuu goosan ..Rabi subxaanahu watacaalaa waxaan ka baryeynaa inuu inaga dhigo kuwii acmaasha wanaagsan beerta iyo inuu janadiisa ina galiyo naartiisana inaga badbaadiyo .. i
ربنا آتنا في الدنيا حسنة وفي الآخرة حسنة وقنا عذاب النار

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1215077
Today
Yesterday
All days
375
1239
1215077
2025-09-07 13:06

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_68bd83499dbaf3760274951757250377
title_68bd83499dc8d20923128531757250377
title_68bd83499dd6818370992581757250377
title_68bd83499de3b3790800321757250377
title_68bd83499df091002248831757250377
title_68bd83499dfd98890792871757250377

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_68bd83499ece217632062351757250377
title_68bd83499edb821449819891757250377
title_68bd83499ee8d6483798011757250377
title_68bd83499ef5f1927044701757250377

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com