المكتب التعاوني للدعوة والإرشاد وتوعية الجاليات شرق جدة
COOPERATIVE OFFICE FOR CALL AND GUIDANCE EASTERN JEDDAH.
P. O. Box 102137, Jeddah 21321 K.S.A
Tel. # 625-1671 - Fax.6240398

2) )
الأصــول الثــلاثة
(باللغة الصومالية)
قال الله تعالى : (فأعلم أنه لا إله إلا الله)

AFAR ARIMOOD OO WAAJIBA


WAXAA DIYAARIYEY
C/QAADIR SH. MAX,ED (AKHII)


WALAALAYAAL mahad oo dhan waxaa iska leh Rabiga ina abuurtay ee inaga dhigay ummadii Nabi Mux,ed s.c.w. ummadii ukheyrka badneyd inta Rabi ummad ifka keenay. Walaalayaal waxaa ina saaran waajibaad fara badan,waxaana jeclahay hadii Rabi idmo inaan halkan idiinku soo gudbiyo afar arimood oo ka mida waxyaabaha waajibka inagu ah si aan ugu dadaalo Rabina waxaan ka baryeynaa inuu inaga dhigo kuwii ka soo baxa waajibaadkan iyo kuwa la midka ah WAAJIBKA KOOBAAD:IN LA BARTO DIINTA ISLAMKA, gaar ahaan inta qofku ku caabudi karo Allahii abuurtay, waayo Alle ma aqbalo cibaado aan la aqoon wax loola jeedo Barashada Diinta islaamku waa labo qeybood qeyb ku waajibaysa qof kasta oo muslim ah inuu barto, Rag iyo Haweenba, taasoon cidna laga yeelaynin inay ka jaahil noqto Tusaale ahaan barashada salaada gaar ahaan sida loo tukado ama loo weyso qaato iyo waxyaabaha buriya weysada waa inuusan jaahil ka noqonin qof sheeganaya islaam, waayo waa cibaado uu qofku maalin kasta u baahan yahay, intaas waxaa dheer waa inuu qofka muslimka ah barto oo fahmo Arkaanta islaamka iyo Arkaanta iimaanka macnaha weyn ee ay xumbaarsan yihiin, sidoo kale waa inaan barano waxyaabaha Rabi inaga xarimay si aan uga dheeraano Qeybta labaad waa cilmiga aan waajibka ku aheyn inuu qof walba barto laakiin waa in laga helaa muslimiinta dad yaqaana Tusaale ahaan Cilmiga Faraa,idka waa cilmi ummadu ubaahan tahay, sidaas darteed waa in laga helaa muslimiinta dad yaqaana cilmigan, si markii loogu baahdo looga faa,ideysto, sidaas awgeed hadii laga waayo muslimiinta qof yaqaana cilmigan ummadoo dhan dambi ayaa ka soo gaaraya waxaa kale oo lagama maarmaan ah inaan barano wax kasta oo faa,ido leh, si ay ummadu ugaarto isku filaansho ugana baxdo duliga ay maanta ku jiraan. Dadku waa labo nooc nin caalim ah iyo nin jaahil ah, Qofka caalimka waa Qofka Rabi diintiisa baray, ka dibna baraya dadka wixii Alle ku maneystay Jaahilkuna waa midka aan waxba aqoon. Walaalayaal Barashada Diinta Islaamka waxay lee dahay fadli aad u weyn waadna la socotaan in qofka jaahilka ah ay ceeb ugu filan tahay, in marka loogu waco jaahilnimo uusan ogaleyn in la yiraahdo jaahil, cilmigana waxaa sharaf ugu filan in cid waliba jeceshahay in loogu yeero caalim ama sheekh, Walaalayaal barashada diinta islaamka, waatan kor u qaada nin la moodo in laga fiican yahay hoosna u dhigta nin la moodo inuu sareeyo kadib markuu jaahil ka noqday diinta islaamka, sidaas owgeed ayss wuxuu Qur,aanku inoo cadeeyey in qofka caalimka ah uusan la mid aheyn qofka jaahilka ah sida ku cad suurada Az-zumar Aayada (9)
قال الله تعالى : (هل يستوي الذين يعلمون والذين لا يعلمون )
Cilmigu wuxuu ka mid yahay waxyaabaha Alle loogu dhawaado kuwa u sareeya, cilmigu waa xayaatada qofka muslimka ah, qofkaan cilmi laheyna waxuu la mid yahay qofaan naf ku jirin.
Culimada islaamku waxay in badan inoogu celceliyeen in barashada cilmigu ka fiican tahay salaadaha sunada ah, iyo soomka sunada ah waayo salaada iyo soomka sunada waxay anfici qofka tukaday ama soomay oo qura, laakiin cilmigu waxuu anfacayaa dhamaan muslimiinta oo dhan. ARINTA LABAAD: IN LAGU DHAQMO DIINTA ISLAAMKA,Qofka muslimka ah ee ka qaatay nasiib shareecada islaamka waxaa waajib ku ah inuu ku camal falo cilmiga Alle baray waayo miraha cilmigu waa in lagu camal falo cilmi aan lagu camal falin waxuu la mid yahay geed aan miro laheyn sidaas darteed ayaa Rabi Qur,aanka ku canaantay kuwa dadka kheyrka faraya ee naftooda hilmaamaya fiiri suuradda Al-Baqarah (44)
قال الله تعالى : ( أتأمرون الناس بالبر وتنسون أنفسكم وأنتم تتلون الكتاب أفلا تعقلون )
qofka aan ku camal falin cilmigii Alle baray wuxuu la mid yahay sidii geed aan miro laheyn Nabiguna s.c.w. waxuu inoo sheegay in ninka caalimka ah een ku camal falin cilmigiisa uu ka mid yahay sadexda u horeysa galida naarta sida ku cad Saxiixul-Bukhaari. Sidaas darteed Walaalayaal aan aad isu ilaalino, ha noqdo dhaqankeenu mid waafaqsan iimaanka aan sheeganeyno, dhibka jira maanta markaad eegto waxaa kuu cadaan in dhibka intiisa badan uu ka yimaado dadka oon ku dhaqmeynin diintooda Tusaale ahaan ummadda soomaali yeed waxaa lagu tilmaamaa inay tahay ummada kaliya ee ilaa hada Rabi ka bad baadiyey gaalnimo cad hadana waan u jeednaa sida dadka qaarkiis ay shareecada uga fog yihiin, taasna waxaan ku tilmaami karaa inta badan waxay ka timid dhaqan daro xaga diinta iyo jahli. ARINTA SADEXAAD:IN LAGA SHAQEEYO FAAFINTA DIINTA ISLAAMKA
Qofka muslimka ah ee wax ka bartay diinta islaamka, ka dibna Rabi u sahlay inuu ku camal falo cilmigiisa waxaa waajib ku ah inuu Cilmiga gaarsiiyo dadka, isagoo adeegsanaya xikmad iyo asluubta loogu waco dadka diinta islaamka una kala hor marinaya umuurta sidey u kala horeyso, Tusaale ahaan hadii ummadu ubaahan tahay in laga saxo khalad ay ku dhex jirto, ma ahan in laga hadlo khalad aan meesha oolin sidaas owgeed Ducaada maanta diinta fidisa ma yara, laakiin waxaa in badan oo ducaada ka mida ka maqan xikmada Rabi Qur,aanka ku sheegay inaan adeegsano markaan rabno inaan qof ugu yeero diinta islaamka ama mid fisqi ku dhex jira uu macsida faraha ka qaado, Fiiri Suurada An-Naxli (125)
قال الله تعالى:(أدع إلى سبيل ربك بالحكمة والموعظة الحسنة وجادلهم بالتي هي أحسن)
Aayadan waxey inoo cadeyneysaa sadex qodob oo lagama maarmaana in qof kastoo raba inuu dadka kheyr u sheego gaashaan ka dhigto. A-Qofka raba inuu dadka kheyr u sheego waa inuu adeegsado xikmad iyo asluub dagan oo dadka qancin karta.B-Qofkii xikmad markii loo adeegsaday wax ka tari weydo, waxaa loo adeegsan wacdi iyo Alle ka cabsi iyo in aduunka aan lagu waareynin, oo qof walba la xisaabin doono maalin aysan wax tareynin xoolo iyo wiil kadib hadii Rabi ku anfaco waano waa sidii la rabay hadii kale waxaa loo talaabayaa asluubta sadexaad oo ah.T-Qofka si dagan wax loogu sheegay ee qaadan waayay hadana Alle ka cabsoo la yiri ee yeeli waayay waxaa loo adeegsanayaa Dood qabow oo qasadkeedu yahay in qofku wax qaato, intaas kadib wax mas,uuliyad ah kama saara qofka kheyrka sheegaya, waayo Rabi ayaa Nabi Mux,ed ku yiri :NABI MUX,EDOW DADKA INAAD WAX USHEEGTO WAXAAN AHEYN DUSHAADA MA SAARA,
قال الله تعالى : ( فما عليك إلا البلاغ)
INAGANA WAXAA WAAJIB INAGU AH INAAN NABIGEENA S.C.W. KU DAYANO.
وقال تعالى: (لقد كان لكم في رسول الله أسوة حسنة )
sidaas darteed waxaan risaaladan gaaban ugu dardaarmayaa dhamaan muslimiintoo dhan inay akhriyaan taariikhda Nabiga s.c.w. iyo noloshii qiimaha badneyd ee ay soo mareen Saxaabadii Nabiga s.c.w. iyo dadkii hore ee sharafta lahaa, si dacwadeena iyo wax isu sheegeena iyo dhamaan dhaqankeenu u noqdo mid waafaqsan sidii Rabi iyo Rasuulkiisu raali ka yihiin. ARINTA AFRAAD: IN LAGU SABRO WIXII DHIB KA YIMAADA FIDINTA DIINTA ISLAAMKA, Qofka bartay Diinta Islaamka ka dibna Alle u sahlay inuu ku camal falo cilmigiisa, hadana isu taagay inuu u cadeeyo dadka xaqa Alle baray, waxaan shaki ku jirin in dhib badan ka soo gaarayo ummada faraha badan ee uu xaqa u cadeynayo, dhibkaas ka soo gaaraya fidinta Diinta Islaamka darteed, nooc kastaba ha noqdee waxaa la rabaa in lagu sabro Walaalayaal Arimahan afarta ah een soo sheegay waa arimo muhiima oon dhihi karo waa daawada lagama maamaanka ah ee ummadeenu u baahan tahay maanta si looga baxo duliga ummada ku dhacay, mida kale waa inaan ogaano mar kasta in ummadd kastoo laga waayo Arimahan afarta ah een kor ku soo sheegnay ay tahay ummad khasaartay aduuun iyo aakhiro, Bal is weydii su,aalahan gaaban Sidey ku hodmi ummad ka fogaatay barashada Diinta Islaamka? sideyse ku hodmi ummad aan ku camal falin waxay baratay? Sideyse ku hodmi Ummad aan isu cadeyn kheyrka sharkana aan iska reebin? sideyse ku hodmi ummad aan u dulqaadan dhib ku soo gaaray Diinta Islaamka darteed? Aqri Suuratul-Casri iskuna day inaad dhuuxdo macnaha balaaran ee ku dhex jira.
قال الله تعالى : (والعصر ، إن الإنسان لفي خسر إلا الذين آمنوا وعملوا الصالحات وتواصوا بالحق وتواصوا بالصبر)
Immaamu-Shaafici oo ah mid ka mida culimada islaamka ugu waaweyn ayaa markuu ka hadlayey suuradan qiimaheeda wuxuu yiri: (haduusan Rabi usoo dajiyeen khalqigiisa xujo aan Suuratul-Casri ka aheyn wey ku filaan laheyd) hadalka Imaamul-Shaafici wuxuu ina tusayaa qiimaha Rabi siiyey Suuradan gaaban ee ka kooban sadexda Aayadood, UGU DAMBEYNTII TALOOYIN WAX KU OOL AH.
1-Ogow in daryeelka diinta islaamka xil ka saaran yahay qof kasta oo muslima taasi waxay ina tuseysaa Inaysan mas,uuliyadu ku ekeyn culimada iyo ducaada kaliya. 2-Marnaba ha is dhihin wax ma tari karo . 3-Qofkii islaamka sheeganaya laakiin ka fog dhaqanka islaamka wax tarkiisu wuxuu noqon karaa inuu dhibkiisa ka haysto islaamka iyo dadka muslimiinta ah.
Rabi ha inaga dhigo kuwii ku dhaqma diinta ay barteen, ummadeena Rabi haku soo dabaalo Diinta islaamka, waayo iyadaa xal u noqon karta shacabkeena iyo ummad kasta oo rabta liibaan iyo hor u mar aduun iyo mid Aakhiro.
هذا وصلى الله على نبينا محمد وعلى آله وصحبه أجمعين.

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684738
Today
Yesterday
All days
1125
1445
684738
2024-09-16 19:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e88cedb519621332805211726516461
title_66e88cedb52a68262673071726516461
title_66e88cedb53a020119692551726516461
title_66e88cedb54985385644791726516461
title_66e88cedb558b11784566241726516461
title_66e88cedb568a16539095771726516461

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e88cedb65f515203949161726516461
title_66e88cedb66f0924093591726516461
title_66e88cedb67e020044455241726516461
title_66e88cedb68ca7207448701726516461

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com