المكتب التعاوني للدعوة والإرشاد وتوعية الجاليات شرق جدة
COOPERATIVE OFFICE FOR CALL AND GUIDANCE EASTERN JEDDAH

P. O. Box 102137 Jeddah 21321 K.S.A
Tel. # 625-1671 - Fax 6240398

(1)
الأصـول الثـلاثة
(باللغة الصومالية)


SADEXDA ASLI EE WAA WEYN. BARASHDA RABI &
NABI MUXAMED &
DIINTA ISLAAMKA .

WAXAA DIYAARIYEY
C/QAADIR SH.MAX,ED (AKHII)

KU: DHAMAAN WALAALAHA SOOMAALIYEED
WALAALAYAAL waxaa waajib ku ah qof kasta oo muslim ah, inuu barto sadex arimood oo waa weyn: mida ugu horaysa waa Barashada Rabigeena Mida labaadna waa Barashada Diinta islaamka, mida sadexaadna waa barashada Nabigeena s.c.w., walaal hadaan dib ugu laabano wax yar ARINTA KOOBAAD WAA:- Barashada rabigeena hadii lagu weydiiyo yaa rabi kuu ah? Waxaad tiraahdaa rabigaygu waa allaha igu barbaariyey nicmadiisa, allaha i abuuray anigoon jirin, igana dhigay qof jira, hadii lagu yiraahdo maxaad Rabigaa ku garanaysaa? waxaad tiraahdaa waxaan ku garanayaa calaamooyinkiisa sida habeenka, maalinta iyo abuurida uu abuuray uunkiisa sida cirka, dhulka i.w.m. waxaana daliil u ah qur,aanka kariimka, sida ku cad suurada fusilat aayada (37)
قال الله تعالى:(ومن ءايته اليل والنهار والشمس والقمر)
hadii lagu weydiiyo maxuu alle kuu abuuray? waxaad tiraahdaa waxuu alle ii abuuray inaan kaligiis caabudo oona adeeco, anigoo raacaya amarkiisa, kana fogaanaya waxuu alle neceb yahay waxaana daliil u ah arintan qur,aanka kariimka, sida ku cad suurada ad-daariyaat aayada (56)
قال الله تعالى:(وماخلقت الجن والإنس إلاليعبدون)
hadii lagu weydiiyo maxuu alle ku amrayaa? muxuuse alle kaa reebayaa ? waxaad tiraahdaa alle waxuu i amrayaa inaan kaligiis caabudo, waxuuna iga reebayaa inaan la wadaajiyo cibaadadiisa qof kale, waxaana daliil u ah arintan Qur,aanka kariimka, sida ku cad suurada An-Nisaa aayada (36)
قال الله تعالى : (واعبدوا الله ولاتشركوا به شيئا)
sidaas darteed lama baryi karo waxaan alle ka ahayn, qofkii barya cidaan alle ahayn, ama u gowraca ama ka gargaar dalba, ama ka baqa, ama ka rajeeya waxuu san qaban karin, ama nadar la gala, sida sheekh hebalow hadaad i siiso wiil waxaan kuu qalayaa intaas oo neef, arimahaas aan soo sheegnay oo dhan qofkii sameeya, ha ogaado inuu ku dhacay shirki iyo gaalnimo cad, waxaana waajib ku ah inuu si dagdag ah rabi ugu laabto, intaan la gaarin maalin uusan qofku taag iyo tabar laheyn, marka walaalayaal aan alle u noqono, iskana ilaalino waxii alle iyo rasuulkiisa inaga fogeynaya ARINTA LABAAD waa barashada diinta islaamka :- hadii lagu weydiiyo maxay tahay diintaadu? waxaad tiraahdaa diintaydu waa islaam, waa isu dhiibida illaahay iyo u hogaansiga amarkiisa, waxaana daliil u ah arintan qur,aanka kariimka, sida ku cad suurada aali-cimraan aayada (19) عندالله الإسلام ) قال الله تعالى: (إن الدين
Walaalayaal islaamku waxuu ku dhisan yahay shan tiir oo waa weyn, mida ugu horeysa waa labada ashahaado ee cadaynaysa in Alle xaq lagu caabudo uusan jirin Alle ma,ahane, Nabi Mux,edna s.c.w. yahay Rasuulka Alle u soo diray bini,aadamkoo dhan, sida ku cad Qur,aanka kariimka suurada Al-Acraaf Aayada (158)
قال الله تعالى : (قل يا أيها لناس إني رسول الله إليكم جميعا )
si uu ugu cadeeyo ummada xaqa wanaagiisa iyo xumida shirkiga, Rabi ha inaga hayo shirki.. Ka dibna waa in salaada
la tukado, iyadoo loo tukanayo sidii Alle ina amray, Rasuulkuna s.c.w. inoo cadeeyay, waayo Rasuulku s.c.w. waxuu ina yiri u tukada sidaan u tukaday, sida ku cad sunadiisa .
(صلوا كما رأيتموني أصلى) قال رسول الله صلى الله عليه وسلم
ka dibna waa in zakada xoolaha laga bixiyo, bisha ramadaana la soomo, xajka baytka Allena la guto-qofkii awooda– hadii Rabi idmo tiir walba si gaara ayaan uga hadli doonaa, walaal hadii lagu weydiiyo waa maxay iimaanku? waxaad ku jawaabtaa iimaanku waa in la rumeeyo illaahay, lana ictiqaadiyo inuu yahay Alle waaxid ah khaaliqna ah, aduunkoo dhana maamulkiisa gacanta ku haysta, waa in la rumeeyo inuu yahay Allaha kaliya ee xaq u leh cibaado meel ay ka timaadaba, waana in la rumeeyo in Alle lee yahay magacyo iyo sifooyin isaga u gaara, sidoo kale waa in la rumeeyo Malaa,ikta sida (Malakul–Jibriil iyo Miikaa-iil) iyo dhamaan malaa,ikta oo dhan kuwa la inoo sheegay iyo kuwa aan la inoo sheegin waana inaan rumeeyno inay malaa,iktu yihiin khalqi ka mida intuu Alle abuuray, ku waasoo loo abuuray daacada Alle, Malaa,iktu waxay sameeyaan waxii Alle amro kumana caasiyaan amarka Allaha abuurtay,sida ku cad Qur,aanka Kariimka suurada At-Taxriim Aayada (6)
قال الله تعالى: ( عليها ملآئكة غلاظ شديد لا يعصون الله ما أمرهم ويفعلون ما يؤمرون )
waxaa kale oo arkaanta iimaanka ka mida in la rumeeyo kutubta Alle ku soo dajiyey nabiyada, sida nabi muuse towreet, nabi Ciise injiil, Nabi Muxamed Qur,aan, Nabi Daa,uud Zabuur, i.w.m. sidoo kale waa in la rumeeyo rususha Alle soo diray oo dhan iyo maalinta qiyaamaha ee qof walba wuxuu shaqaystay Alle ka abaal marin doono, iyo qadarka Alle khayrkiisa iyo sharkiisaba ARINTA SADEXAAD:-Waa barashada Nabi Muxamed s.c.w. walaal hadii lagu weydiiyo waa kuma Nabigaadu?waxaad tiraahdaa waa Muxamed ibnu cabdullaahi ibnu cabdul-mudhalib ibnu haashim, haashimna waxuu galaa qureysh, qureyshna waxey gashaa kanaana, kanaanana waxay gashaa carab, carabna waa ilmihii ismaaciil, ismaaciilna waa ina ibraahim, ibraahimna waxuu galaa nuux, nuuxna waxuu galaa aadam, aadamna waxaa laga abuuray carrada, hadii lagu weydiiyo kee u horeeyay rususha? keese u dambeeyey? waxaad tiraahdaa waxaa u horeeyey nabi nuux c.s.w., waxaana u dambeeyey Nabi Muxamed s.c.w. ahna rasuul Alle u soo diray umaddan, midka carabka ah, iyo kan cajamiga ah, iyo kan jooga meel fog iyo kan meel dhaw jooga, waxuuna ku dadaalay s.c.w. in dadku Allahooda oo qura caabudaan, waana xikmada Alle usoo diray rusushoo dhan, sida ku cad Qur,aanka suurada An-Naxal Aayada (36)
قال الله تعالى : (ولقد بعثنا في كل امة رسولا أن اعبدوا الله واجتنبوا الطاغوت )
kadibna dadku waxay noqdeen labo nooc, mid rumeeyey iyo mid beeniyey, Rabi ha inaga dhigo kuwa raacay ee rumeeyey,
Nabi Muxamed s.c.w. waxuu ku dhashay kuna barbaaray Mako Al-Mukarama, waxaana Alle u waxyooday isagoo jira 40sano, ka dibna 13 sano ayuu dadka ugu wacayay islaamka iyo Alle cibaadadiisa oo kaliya, ilaa Alle samada u kor yeelay waxaana lagu soo farad yeelay shanta salaadood ee muslimiintu tukadaan, Nabigu s.c.w. 3sano ayuu mako ku tukanayey ka dibna waxaa loo idmay inuu madiino Al-Munawara u haajiro wuxuuna  joogay Madiino 10sano, isagoo baraya dadka diinta Alle ku soo dajiyey iyo shareecada inta ka dhiman sida zakada soomka, xajka, iyo jihaadka iyo wanaag isfarida iyo xumaan iska reebida i.w.m . waxaana rabi oofsaday isagoo jira 63sano, waxaana lagu duugay madiino al-munawara s.c.w., walaalayaal waxaa waajib inagu ah inaan jeclaano nabiga s.c.w., oon raacno jidkii uu nooga tagay, ilaa aan ka dhimaneyno, rabina waxaan ka baryeynaa inuu nagu dilo diinta xaqa ah iyo jidka toosan. Aamiin .

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

684738
Today
Yesterday
All days
1125
1445
684738
2024-09-16 19:54

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_66e88cedb519621332805211726516461
title_66e88cedb52a68262673071726516461
title_66e88cedb53a020119692551726516461
title_66e88cedb54985385644791726516461
title_66e88cedb558b11784566241726516461
title_66e88cedb568a16539095771726516461

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_66e88cedb65f515203949161726516461
title_66e88cedb66f0924093591726516461
title_66e88cedb67e020044455241726516461
title_66e88cedb68ca7207448701726516461

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com