USUULU TALAATA


 Usuul


:اعْلَمْ رَحِمَكَ اللهُ أَنَّه يَجِبُ عَلَى كُلِّ مُسْلِمٍ وَمُسْلِمَةٍ، تَعَلُّمُ هَذِهِ الثَّلاثِ مَسَائِل، والْعَمَلُ بِهِنّ

الأُولَى: أَنَّ اللهَ خَلَقَنَا، وَرَزَقَنَا، وَلَمْ يَتْرُكْنَا هَمَلا، بَلْ أَرْسَلَ إِلَيْنَا رَسُولاً، فَمَنْ أَطَاعَهُ دَخَلَ الجَنَّةَ، وَمَنْ عَصَاهُ دَخَلَ النَّارَ

:وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

{إِنَّا أَرْ‌سَلْنَا إِلَيْكُمْ رَ‌سُولًا شَاهِدًا عَلَيْكُمْ كَمَا أَرْ‌سَلْنَا إِلَىٰ فِرْ‌عَوْنَ رَ‌سُولًا فَعَصَىٰ فِرْ‌عَوْنُ الرَّ‌سُولَ فَأَخَذْنَاهُ أَخْذًا وَبِيلًا}

الثَّانِيَةُ: أَنَّ الله لا يَرْضَى أَنْ يُشْرَكَ مَعَهُ أَحَدُ فِي عِبَادَتِهِ، لا مَلَكٌ مُقَرَّبٌ، وَلا نَبِيٌّ مُرْسَلٌ

:وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

{وَأَنَّ الْمَسَاجِدَ لِلَّهِ فَلَا تَدْعُوا مَعَ اللَّهِ أَحَدًا}

الثَّالِثَةُ ُ: أَنَّ مَنْ أَطَاعَ الرَّسُولَ، وَوَحَّدَ اللهَ لا يَجُوزُ لَهُ مُوَالاةُ مَنْ حَادَّ اللهَ وَرَسُولَهُ، وَلَوْ كَانَ أَقْرَبَ قَرِيبٍ

:وَالدَّلِيلُ قَوْلُهُ تَعَالَى

لَّا تَجِدُ قَوْمًا يُؤْمِنُونَ بِاللَّـهِ وَالْيَوْمِ الْآخِرِ يُوَادُّونَ مَنْ حَادَّ اللَّـهَ وَرَسُولَهُ وَلَوْ كَانُوا آبَاءَهُمْ أَوْ أَبْنَاءَهُمْ أَوْ إِخْوَانَهُمْ أَوْ عَشِيرَتَهُمْ ۚ أُولَـٰئِكَ كَتَبَ فِي قُلُوبِهِمُ الْإِيمَانَ وَأَيَّدَهُم بِرُوحٍ مِّنْهُ ۖ وَيُدْخِلُهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا ۚ رَضِيَ اللَّـهُ عَنْهُمْ وَرَضُوا عَنْهُ ۚ أُولَـٰئِكَ حِزْبُ اللَّـهِ ۚ أَلَا إِنَّ حِزْبَ اللَّـهِ هُمُ الْمُفْلِحُونَ


Ogoow Allaah kuu naxariisayee inay waajib ku tahay Muslim kasta iyo Muslimad kasta  Barashada sedexdaan masaa'il iyo ku camal falidoodaba.

Tan koowaad: In uu Allaah ina abuuray uuna na arzuqay uusanna nooga tagin macnodaro (shaqo la'aan)bal wuxuu inoo soo diray Rasuul,qofkii adeeca Rasuulka [oona dhinta asigoo adeecaayo Rasuulka) qofkaasi jano ayuu galay, qofkiise caasiya Rasuulka (kuna dhinta caasinimadiisa ) qofkaasi naar ayuu galay.

Daliilkana waa qowlkii Allaah kor ahaayee : [Waxaan idin soo dirnay Rasuul idinku markhaati furo (in uu idin soo gaarsiiyay fariintii uu Allaah xagiisa idin kaga keenay, Sidii aan Fircoon ugu dirnay Rasuul wuu caasiyay Fircoon Rasuulkii (maxaas ka Raacay) waan qabanay Fircoon qabasho daran]  Suuratu al Muzamil aayada:15aad.

Tan labaad: In uusan Allaah raali ka ahayn in lala wadaajiyo axad cibaadadiisa , lalama wadaajin karo Allaah Cibaadadiisa Malag la soo dhaweeyay (malag Allaah u dhow) iyo weliba Nabi la soo diray (wixii ka soo harana warkoodaba daa). Daliilkana waa qowlkii Allaah sareeyey: [Masaajida Allaah baa iska leh hana kula Baryina Allaah axadna.] Suuratul jinn aayada :18aad.

Tan sedexaad: In qofkii adeeca Rasuulka scw kaliyeeyana Allaah (Waxdaaniyada Allaah suga) aysan u banaanayn inuu jeclaado qof la colaytamay Allaah iyo Rasuulkiisa haba ahaado qofkaasi kuwa udhow kan ugu sii dhow.

Daliilkana waa qawlkii Allaah Sareeyey: [Ma helaysid qawm Rumaynayaan Allaah iyo maalinta aakhiro oo jecel cid la colaytantay (oo khilaaftay ) Allaah iyo Rasuulkiisa,Haba ahaadeen cidaasi aabayaashooda ama wiilashooda ama walaalahooda (xaga nasabka) ama qaraabadooda (qabiilkooda) ,kuwaasi (kuwa rumeeyay Allaah iyo Maalinta aakhiro oo aan qalbiga ka  jeclaanin, xiriirinin kuwa la colaytamay oo khilaafay Allaah iyo Rasuulkiisa haba ahaadeen dadka dad u xiga ) kuwaasi Allaah wuxuu quluubtooda ku qoray Iimaanka,wuxuuna Allaah kuwaasi ku ayiday (ku taageeray ) nasri (gargaar ) xagiisa ka ahaaday, wuxuuna Allaah galinayaa kuwaasi janooyin ay dareerayso hoosteeda wabiyo weliba ay yihiin kuwo ku waaraya Janadaas dhexdeeda, kuwaasi Allaah wuu ka raali noqday Ayagana way ka raali noqdeen Allaah, kuwaasi ayaa ah Kooxdii Allaah uu jeclaa Xizbullaah, hooy kuwa uu Allaah uu jecel yahay ee ah Xizbullaah ayaga kaligood ayaa ah Kuwa liibaanay]. Suuratu almujaadallah aayada : 22aad.


Sharax Usuulu Talaata



logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Feed not found.

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1179662
Today
Yesterday
All days
219
1751
1179662
2025-08-20 06:00

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_68a5647bb1cec13007077721755669627
title_68a5647bb1dd39609818801755669627
title_68a5647bb1ea416836894311755669627
title_68a5647bb1f7420433845521755669627
title_68a5647bb20452106440441755669627
title_68a5647bb214921401341401755669627

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_68a5647bb2e804623472041755669627
title_68a5647bb2f5720819246781755669627
title_68a5647bb302a20586162601755669627
title_68a5647bb310511869296921755669627

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com