Qofka fiirfiiriya aayadaha digriga xakiimka wuxuu si dhab u ogaanayaa qiyamka akhlaaqda ee quraanka kariimka ugu yeeray inaysan ahayn wax laga maarmi karo, meel keliya in lagaga dhaqmi karo, balse waa qiyam sugan oo aan isku baddalin isbaddalka waqtiga, sidoo kale meesha lagu sugan yahay. Wax kaga waadaxsan ma jiro qiyamkan akhlaaqda inay ahaayeen manhaj nololeed oo uu dabbaqay nabiga - naxariis iyo nabadgelyo korkiisa ha ahaatee - kuna boorriyay uguna yeeray, marka la weyddiiyay mu'miniinta hooyadooda Caa'isha -Ilaahay raalli haka noqdee - nabiga dabeecaddiisa qofka weyddiiyay 4 akhlaaq kala duwan uma tirinin waxay aaddisay quraanka kariimka, Sacad bin Hishaam - Alle ha u naxariistee - waxaa lagaga wariyay oraahda Alle : (Waxaad ku sugan tahay dabeecad sare), wuxuu yiri: waxaan weyddiiyay Caa'isha: umulmu'miniiney iiga warran dabeecadda nabiga waxay tiri: quraanka ma akhrisaa? waxaan iri: haa waxay tiri: dabeecadda rasuulka waxay ahayd quraanka, hagidda Caa'isha qofka wax weyddiiyay waxaa ku sugan adkeyn la adkeynayo in quraanka dhammaantiisa caqiido ama shareeco ama cibaado ama mucaamalaad inuu u yahay asaas ahaan mid si xoog ugu yeera dhisidda aadanaha xagga akhlaaqda oo dhammaystiran, rasuulkuna inuu ahaa tusaalaha ku habboon dhistan dhammaan arrimaha noloshiisa. Qiyamka ugu muhimsan waxaa ka mid ah: in la tixgaliyo dadnimada aadanaha, iyo in la ilaaliyo sharaftiisa oo aan la dulleysanin, kanna waa amarka Alle kitaabkiisa kariimka uu ku amray mu'minka inuu ka hufo naftiisa wax kastoo dadka dhibaya sida jeesjeeska iyo dhaajinta malada xun wuxuu leeyahay Alle: (Kuwa xaqa rumeeyow yuuna yasin ragna rag (kale) waxay u dhawdahay inuu ka khayr badanyahaye, haweenna yayna haween yasin waxay u dhawyihiin inay ka khayr badanyihiine, hana ceebeynina naftiinna, hana isugu dhawaaqina naanays xun, waxaa xun magaca faasiqinimada iimaan kadib, ciddaan tawbad keeninna waa daalimiin), wuxuu leeyahay Alle:  (Kuwa xaqa rumeeyow ka dhawrsada wax badan oo mala ah, maxaayeelay malaha qaarkiis waa dambi, hana is jaasuusina, qaarkiinna qaar yuusan xamanin, miyuu jecel yahay midkiinna inuu cuno Hilibka walaalkiis oo mayd ah, waad neceb tihiin arrintaa, Eebana ka dhawrsada waa tooba aqbale naxariistee).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1738685
Today
Yesterday
All days
319
1789
1738685
2026-05-25 05:57

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a13e4d593a894854985031779688661
title_6a13e4d593ada14009512111779688661
title_6a13e4d593b252362478541779688661
title_6a13e4d593b708902345371779688661
title_6a13e4d593bbb20500492831779688661
title_6a13e4d593c0418516435961779688661

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a13e4d5a3d3c3134300231779688661
title_6a13e4d5a3d8a12222379311779688661
title_6a13e4d5a3dd52194126221779688661
title_6a13e4d5a3e1f4421367981779688661

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com