Waxaa ka mid ah dhinacyada weynida quraanka kariimka dadaalka uu ku dadaalayo dhismaha akhlaaqda nolosha dadka iyo ummadaha iyadoo loosoo marayo qiyam iyo mabaadi' iyo qaacidooyin nidaamiya dhaqanka aadanaha, kuwaasoo aasaasaya bulsho isku xiran oo leh naf daahir ah iyo qalbi nadiif ah, dadka bulshadaas oo iskula dhaqmaya run iyo amaano iyo naxariis iyo cadaalad, mid kaste ka mid ah wuxuu rumaysan yahay sunnada kala duwanaanta dadka dhexdooda iyo nabad in layskula noolaado, iyo dadka in la tixgaliyo in adduunka diin lagu camiro, wuxuu leeyahay Alle: (Dadow waxaan idinka abuurnay lab iyo dhaddig, waxaanna idinka yeelnay shucuub iyo qabiilooyin si aad isu aqoonsataan, ruuxase ugu sharaf badan Alle agtiisa waa ka idiinku dhawrsasho badan, Allana wax walba waa ogyahay), wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:  (Hadduu doono Eebahaa wuxuu ka yeeli lahaa Dadka mid kaliya mana ka suulaan inay iskhilaafsanaadaan), wuxuu leeyahay Allaha weyn:   َُُ (Isagaana idiinka ahaysiiyey dhulka idinkuna camiray dhexdiisa).

logo 2


Facebook Liibaanta

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

3312202
Today
Yesterday
All days
842
1407
3312202
2026-10-23 10:49

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

JSN_TPLFW_GOTO_TOP
UongofuUongofu.com