GUURKII KHADIIJA

Markuu Rasuulka SCW 25 sano gaaray wuxuu guursaday Khadiija bintu Khuweydlad. Khadiijo waxay ahayd qof maalqabeen ah quruxna leh oo ka sheegganayd haweenkii qureysheed, waxayna da'deedu ahayd markaas 40 sano. Ka hor waxay soo guursatay nin ay laba carruur ah u soo dhashay. Khadiijo maalkeeda ayay hadba qof u dhiibi jirtey si uu ugu tijaareeyo waxayna wax ka siin jirtey faa'iidada. Waxay maqashay Maxammed binu Cabdullahi scw runtiisa, dabeecaddiisa wanaagsan iyo ammaanadiisa oo Makka oo dhan caan ka ahayd oo loogu magac daray loona bixiyey Maxammed Aammiin. Markaas ayey u yeertay Nabiga SCW una soo badhigtay inuu xoolaheeda maanta u tijaaro geeyo. Rasuulka SCW waa uu ka yeelay oo tijaaradii ayuu qaaday, waxayna ku dartay wiil u joogey oo la yiraahdo Maysara. 

Nabiga SCW iyo Maysara waxay xoolihii u qaadeen Shaam halkaas oo uu Nebiga SCW ku soo iibiyey xoolihii uu kexeeyey isla markaasna wuxuu soo gaday wixii Makka looga baahnaa. Faa'iido aad u badan ayuu Nebiga SCW Khadiijo u soo hooyey taasoo u keentay kalsooni dheeraad ah iyo in ay aragtay ammaanadii iyo akhlaaqdii Rasuulka SCW.Maysara wuxuu u sheegay Khadiijo waxyaabo mucjiso ah oo uu Nebiga SCW ku arkay, sidaa daraadeed Khadiijo markay ka aragtay Nebiga SCW arrimahaas iyo waxa la midka ah, waxay Rasuulka SCW u soo bandhigtay iney is guursadaan. Rasuulka SCW wuxuu la soo tashaday adeerradii wayna ka aqbaleen weyna u dooneen oo labadii eheyl ayaa isku yimid, halkaas ayaana Rasuulka SCW loogu meheriyey Khadiijo.Khadiijo, oo uu Nebiga SCW qabay ilaa uu 50 sano dhaafay, waxay Nebiga SCW u dhashay carruurtiisa oo dhan marka laga reebo Ibraahim oo ay dhashay Maariyatul Qibdhiya. Waxayna Nabiga carruurtiisu ahaayeen saddex wiil oo la kala oren jirey: Ibrahim, Qaasim iyo Cabdullaahi (oo la oran jirey Dhayib iyo Daahir) iyo afar gabdhood oo la kala oran jirey: Seynab, Ruqiyo,
Ummu-khalthum iyo Fadumo. Saddexda wiil wey saqiireen hase yeeshee gabdhihii way hanaqaadeen oo islaamka ayey la kulmeen weyna wada islaameen.Gabdhaha waxaa loo kala guursaday sidatan: Seynab waxaa guursaday Abil Caas; Ruqiya iyo Ummu-kalthum waxaa kala guursaday laba wiil oo Abii lahab oo Nebiga SCW adeerkiis ahaa uu dhalay. Ninkaas oo Rasuulka SCW aad u dhibay caqabadna ku noqday dadkii iney islaamka qaataan ayaa markay soo degtay suuratu lahab wuxuu, Abii lahab u yeedhay labadiisii wiil wuxuuna ku yiri: "u fura Maxammed labadiisa gabdhood" wayna fureen ka dibna waxaa labadii gabdhood iska daba guursaday Cismaan binu Cafaan oo ay labadiiba k dhinteen; Faadumo waxaa iyada guursaday Cali bin Abii Dhaalib oo ahaa Nabiga scw ina adeerkiis.Nebiga SCW carruurtiisa oo dhan way ka wada hor dhinteen Faadumo oo lix bilood ka dambeysey maahane, waxaana carruurtiisa ugu waynaa Qaasim, waxaa ku xigtay Seynab, waxaa ku xigtay Ruqiya, waxaa ku xigtay Umu-kalthum, waxaa ku xigay cabdullaahi oo ugu yaraa bah khadiija. Rasuulka scw carruurtiisu waxa ay dhasheen Naginimada ka hor Cabdullaahi iyo Ibraahim maahane, Cabdullaahi waa la isku khilaafaa in uu nabinimada ka hor dhashay iyo in uu ka dib dhashay, waxaase loo badan yahay in uu Nabinimada kadib dhashay. Ibraahim isagu wuxuu ku dhashay madiina sannadkii 8aad ee hijriga waxaana dhashay maariyatul qibdhiya saan soo tilmaanayba.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1521124
Today
Yesterday
All days
1425
2130
1521124
2026-02-12 22:29

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_698e543242c4d1995327691770935346
title_698e543242c9f7387722581770935346
title_698e543242cf218821681591770935346
title_698e543242d3f12926335691770935346
title_698e543242d8b16568097601770935346
title_698e543242dd613390141321770935346

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_698e54325b50f5531461141770935346
title_698e54325b5651135915141770935346
title_698e54325b5b53069799961770935346
title_698e54325b6074354544951770935346

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com