Quraanka kariimka siduu ugu dadaalay qiyamka akhlaaqda Mahad waxaa iska leh Allaha caalamka oo dhan rabbi u ah kaasoo oo kitaabkiisa kariimka ah ku yiri:  (Quraankanna wuxuu ku Hanuunin Dadka Arrinta u Toosan ugana Bishaarayn kuwa fala Wanaag inay Mudan Ajir wayn), waxaan qirayaa in Ilaah kale jirin Alle keligiisa mooyee mana laha qof wax la wadaago, waxaan qirayaa in sayidkeena iyo nabigeena uu yahay addoonkiisa iyo rasuulkiisa, Ilaahayow naxariis iyo nabadgelyo nabigeena korkiisa yeel isaga iyo ehelkiisa iyo asxaabtiisa, iyo qofkii wanaag ku raacay ilaa maalinta abaalmarinta. Intaas kaddib: Dhinacyada weynida quraanka kariimka lama tirin karo lamana soo koobi karo, quraanka kariimka waa xarigga Alle ee adag, waa digriga xigmadda leh, waa nuurka cad, waa waddada toosan, kaasoo aan haleelin taxriif, baadilkana imaan karo hortiisa iyo gadaashiisa,  kamana dhergaan culimada, ku celcelintana kuma duugoobo, cajaa'ibtiisana ma dhammaato, qofkii ku hadlo run buu sheegaa, qofkii ku camalfalana ajar buu helaa, qofkii ku xukumana cadaalad buu falaa, qofkii ugu yeerana waddada toosan ayaa lagu hanuuniyaa, wuxuu leeyahay Alle subxaanahu:  (Waxaana kugu dajinnay Kitaab oo ah Caddaynta wax kasta iyo hanuun iyo Naxariis iyo bishaarada dadka muslimiinta ah), wuxuu leeyahay Alle: (Waxba kagama aanan tagin Kitaabka, waxaana loo soo Kulmin Dadka Xagga Eebahood).

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

WhatsApp This Page Now

Halkan karaadi

1738685
Today
Yesterday
All days
319
1789
1738685
2026-05-25 05:57

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6a13e4d593a894854985031779688661
title_6a13e4d593ada14009512111779688661
title_6a13e4d593b252362478541779688661
title_6a13e4d593b708902345371779688661
title_6a13e4d593bbb20500492831779688661
title_6a13e4d593c0418516435961779688661

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6a13e4d5a3d3c3134300231779688661
title_6a13e4d5a3d8a12222379311779688661
title_6a13e4d5a3dd52194126221779688661
title_6a13e4d5a3e1f4421367981779688661

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com