15. Adkaarta Adinka
َ22- Wuxuu dhahayaa sida uu dhahayo
mu-adinku, laakiinse marka uu soo gaaro
mu-adinku(xayya calassalaati xayya
calal-falaax oo ka dhigan u kaalaya
salaada u kaalaya liibaanta) wuxuu dhahayaa (laa xawla walaa quwwata illaa
billaah oo kadigan: majiraan xeelad iyo
awood ta ilaahay lagu helo mooyee).

23- (( wa anaa ash-hadu an laa ilaaha
illalaahu waxdahu, laa shariika lahuu,
wa anna muxammadan cabduhu wa
rasuuluhu, radiitu billaahi rabbaa, wa
bi-muxammadin rasuulaa, wa bil-islaami
diinaa )) .
(( Aniguna waxaan qirayaa in ilaah jirin
xaq lagu caabudo ilaahay mooyee,kaligii,
cid wax la wadaagtana majirto, waxaan
kaloon qirayaa in nabi muxammad
yahay adoonkiisa iyo ergaygiisa, raali
waxaan ku ahay rabbinimada ilaahay,
iyo rasuulnimada nabi muxammad, iyo
islaamkana diin ahaan )).
(( wuxuu dhahayaa hadalkaas,
ashahaadada mu-adinka kadib)) .

24- ((wuxuu ku saliyayaa nabiga s.c.w
Marka uu bogo u jawaabida ama kadaba
dhihidda mu-adinka)).

25- (( wuxuu dhahayaa adinka marka uu
dhamaado:{allaahumma rabbi hadihi aldacwati attaamah wassalaati al-qaaimati
aati muxammadan al-wasiilatah, wa fadiilah wab cath-hu allaahumma maqaaman
maxmuudanilladii wacadtahu innaka laa
tukhliful miicaad )) .
“allow rabbigii dacwadan dhamayska
tiran lahaayow, iyo salaada oogan
lahaayow, sii muxammad (s.c.w)
wasiilada( oo ah darajo jannada ka mid
ah) iyo darajo dadka dheer, soo saarna
maalinta qiyaamada isagoo taagan meel
lamahadiyay, kaasood u ballan qaaday,
adiguna allow ma goysid ballanka”.
‘’ wuxuu ducaysanayaa adinka iyo
aqinka dhexdooda, ducada waqtigaasna
lama celiyo”.
16. Ducooyinka furashada (salaada)
-27و (( allaahumma baacid baynii wa
bayna khadaayaaya kamaa baacaddta
baynal mashriq wal-maqrib, allaahumma
iqsilnii min khadaayaaya bil-thalji walmaa-I, wal-baradi )) .
<> allow kala fogee dhexdayda iyo
dhexda gafafkayga, sida aad ukala
fogaysay qorrax kasoo baxa iyo qorrax
u dhicidda , allow iga daahiri (sifee)
gafafkayga sida looga sifeeyo marada
cad wasakhda, allow igaga dhaq
dambiyadayda baraf, biyo, iyo qabow <>.
{subxaanakallaahumma wa bixamdika, wa tabaarakasmuka, wa tacaalaa
jadduka, walaa ilaaha qayruka )).
((allow adigaa ka huffan xumaan,
mahadna leh, magacaaguna wuu
barakoobay, sharaftaaduna (awoodaada)
kor ayey ahaatay, mana jiro ilaah aan
adiga ahayn )).

(( wajahtu wajhiya lilladii fadarassamaawaati wal-arda xaniifan, wamaa
ana minal-mushrikiina, innasalaatii wa
nusukii wa maxyaaya wa mamaatii
lillaahi rabbil caalamiina, laa shariika
lahu wa bidaalika umirtu wa ana minal
muslimiina. Allaahumma anta al-maliku laa ilaaha illaa anta, anta rabbii wa
ana cabduka, dalamtu nafsii wactaraftu
bidambii faqfirlii dunuubii jamiican innahu
laa yaqfirudunuuba illaa anta. Wahdinii
li axsanil-akhlaaqi la yahdii li axsanihaa
illaa anta,wasrif cannii sayyi-ahaa laa
yasrifu cannii sayyi-ahaa illaa anta, labbayka wa sacdayka, wal-khayru kulluhu
biyadayka, washsharru laysa ilayka, ana
bika wa ilayka, tabaarakta wa tacaalayta,
astaqfiruka wa atuubu ilayka )) .
< waxaan u jeediyey wajigayga allihii
abuuray cirarka iyo dhulka anigoo ka
iilanaya (shirkiga) kamana mid ihi kuwa
wax kula wadaajiyey (mushrikiinta),
salaadayda , iyo gawracayga
(cibaadadayda) iyo nolashayda iyo
geeridayduba waxay u sugnaadeen
ilaahaygii caalamkoo dhan rabbigooda
ahaa,cid wax la wadaagtana malaha

sidaas baana la i amray waxaana kamid
ahay muslimiinta (hogaansamayaasha).
allow adigaa ah boqorka, ilaah majiro
xaq lagu caabudo adiga mooyee, adigaa
ah rabbigay ,aniguna waxaan ahay
adoonkaaga, waxaan dulmiyey naftayda,
waana qirtay dambigayga, ee ii dambi
dhaaf dambiyadayda dhamaantood,
ma dhaafo dambiyada adiga mooyee,
igu hanuunina akhlaaqda teeda ugu
wanaagsan, kuma hanuuniyo teeda
wanaagsan adiga mooyee, igana jeedi
teeda xun, igama jeediyo teeda xun
(akhlaaqda) adiga mooyee, allow waan
ku ajiibay, waana kugu liibaanay, khayr
oo idilna waa labadaada gacmood
dhexdood, sharkuna xaggaaga
ma aha, aniguna adiga umbaan ku
joogaa,xagaagana waan ahaaday, waad
baraka badnaatay, waadna kor ahaatay,
waxaan ku weydiisanayaa inaad ii dambi
dhaafto, waana kuu toobad keenayaa>> .
(allahumma rabba jibraaiila wa miika-iila, wa israafiila,
faadirassamaawaati wal-ardi, caalimal
qaybi washshahaadati, anta taxkumu
beyna cibaadika fiimaa kanuu
yakhtalifuun ihdinii limaa ikhtulifa fiihi
minal xaqqi bi-idnika innaka tahdii man
tashaa ilaa siraadin mustaqiim )) .
<> allow rabbigii (malaga) jibriil iyo
miikaa-iil iyo israafiil, cirarka iyo
dhulkana abuurayow, waxa maqan iyo
waxa joogaba ogaayow, adigaa kala
xukumaya adoomahaaga dhexdooda
waxa ay isku khilaafeen dhexdiisa. igu
hanuuni waxa la isku khilaafay xaqqiisa
idinkaaga sababtiis, adigu (allow) waad
ku hanuunisaa qofkaad doonto jidka
toosan >.

(31) (( allaahu akbar kabiiraa, allaahu
akbar kabiiraa, allaahu akbar kabiiraa,
wal-xamdu lillaahi kathiiraa, wal-xamdu
lillaahi kathiiraa, wal-xamdu lillaahi
)46(
kathiiraa, wa subxaanallahi bukratan wa
asiilaa)). Saddex jeer.
(( acuudu billaahi minashaydaani: min
nafkhihi, wa nafathihi, wa hamzihi))
<> ilaahaybaa weyn oo weyn, ilaahaybaa
weyn oo weyn, ilaahaybaa weyn oo weyn
, mahad badanna ilaahaybaa leh, mahad
badanna ilaahaybaa leh, mahad badanna
ilaahaybaa leh, ceeb iyo xumaanna
waxaa ka huffan ilaahay aroor iyo
galabba)) .
< waxaan ilaahay uga magan galayaa
shaydaanka: afuufkiisa , tufiddiisa iyo
waswaasintiisa > .

32 – (( allaahumma lakal xamdu anta
nuurussamaawaati wal ardi wa man
fiihinna, wa lakal xamdu anta qayyimu
samaawaawti wal ardi wa man fiihinna,
walakal xamdu anta maliku samaawaati
wal ardi, walakal xamdu antal xaqqu wa
wacdukal xaqqu, wa qawlukal xaqqu, wa
liqaaukal xaqqu , wal jannatu xaqqun,

wannaaru xaqqun wannabiyyuuna
xaqqun, wa muxammadun xaqqun s.c.w
, wassaacatu xaqqun { allaahumma laka
aslamtu, wa calayka tawakaltu, wa bika
aamantu, wa ilayka anabtu, wa bika
khaasamtu, wa ilayka xaakamtu, faqfir lii
maa qaddamtu , wamaa akhkartu, wamaa
asrartu,wa maa aclantu, antal muqaddimu wa antal muakhkhiru, laa ilaaha
illaa anta}.
<> allow mahad ayaa kuu sugan,
adigu waxaad tahay nuurka cirarka
iyo dhulka iyo waxa ku dhex suganba,
mahad baana kuu sugan adigu waxaad
tahay maamulaha cirarka iyo dhulka
iyo waxa ku dhex sugan, mahadbaana
kuu sugan waxaadna tahay rabbiga
cirarka iyo dhulka iyo wixii ku dhex
sugan, mahadbaana kuu sugan ,
waxaadna leedahay hanashada
cirarka iyo dhulkaba iyo wixii ku dhex
sugan, mahadbaana kuu sugan adigu
waxaa tahay boqorka cirarka iyo
dhulkaba, mahadbaana kuu sugan adigu
waxaad tahay xaq, ballankaaguna
waa xaq, qawlkaaguna waa xaq,
kulankaaguna wa xaq, jannaduna waa
xaq, naartuna waa xaq, nabiyaduna
waa xaq, muxammadna waa xaq s.c.w
, qiyaamaduna waa xaq, allow adigaan
isku kaa dhiibay, adaana ku talasaartay,
adigaana ku rumeeyey,xagaagaana
usoo laabtay,daraadaa ayaan u dooday,
xagaagana waan u xukuntamay, ee ii
dambi dhaaf wixii aan hormarsaday iyo
wixii aan dib marsaday iyo wixii aan
qarsaday iyo wixii aan muujistayba,

adigaa ah ka wax hormariya iyo ka
wax dibmariya, ilaahna majiro xaq lagu
caabudo adiga mooyee>>.(adigu waxaad
tahay ilaahayga, ilaah majiro xaq lagu
caabudo adiga mooyee «.
17.Ducooyinka rukuucda (la akhriyo)

33- (subxaana rabbiyal cadiim) seddex
mar.
<>waxaa xumaan ka hufan rabbigaygii
waynaa>>

34 -(subxaanakalaahumma wa bixamdika, allaahumaqfir lii,)
(allow adigaa ka huffan
xumaan,rabiganagow mahadna leh, allow
ii dambi dhaaf)

logo 2


Facebook LikeBox

Rss 1

Abdelqader1

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

720497
Today
Yesterday
All days
108
670
720497
2024-10-18 04:55

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_6711ea55b6c6b16616961991729227349
title_6711ea55b6dbb4564810311729227349
title_6711ea55b6efc6852376641729227349
title_6711ea55b703e5952380621729227349
title_6711ea55b716610794737451729227349
title_6711ea55b728e19343255211729227349

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6711ea55b86a69350733711729227349
title_6711ea55b87ec9828955811729227349
title_6711ea55b89206007886581729227349
title_6711ea55b8a4d21248372821729227349

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com