Fadliga xussida ilaahay
 illaahay wuxuu yiri :

{ i xusa , aan idin xussee,(ajir idin siiyee)
iguna mahadiya hana igu gaaloobina}.

{kuwa xaqa rumeeyaw xussa ilaahay
xusid badan}

Alle wuxuu yiri: {raga inbadan ilaahay
xusa iyo haweenka inbadan xusa,
wuxuu Eebe u darbay (diyaariyay) dambi
dhaaf iyo ajir weyn}

{ku xus rabigaaga naftaada adigoo
khushuuc(baryo) iyo cabsi muujinaya
)18(
kuna jirto qaylo la,aan, aroor iyo galabba,
hana noqon kuwa halmaama xuska ilaahay}.al-acraaf 205
{ qofka rabbigii xusa iyo ka aan xusin
waxay lamid yihiin qof nool iyo qof
dhintay}.
{Ma idiin sheegaa camaladiina ka ugu
khayr badan, uguna udgoonka badan
boqorkiina agtiisa, uguna sarayn badan
darajooyinkiina, idiin-kana khayr badan
inaad bixisaan(sadaqaysataan) dahab iyo

qalin (lacag), kana sii khayr badan inaad
la kulantaan cadowgiina, kadibna aad
garaacdaan luqumahooda, iyaguna ay
garaacaan luqumihiina? Waxay dheheen:
haa (noo sheeg) wuxuu yiri s.c.w: {waa
xusidda ilaahay kor ahaaye}.
Wuxuu yiri rasuulku s.c.w: wuxuu
leeyahay ilaahay kor ahaaye:{waxaan
ag ahay waxa uu iga filayo adoonkaygu,
aniguna isagaan lajiraa haddii uu
i xuso, haddii uu igu xuso naftiisa
dhexdeeda waxaan ku xusi naftayda
)20(
dhexdeeda,haddii uu igu xuso qolo
dhexdoodna,waxaan kudhex xusi qolo
ka khayr badan kuwaas,haddii uu iisoo
dhawaado taako, waxaan u dhawaan
dhudhun, haddii uu iisoo dhawaado
dhudhunna waxaan u dhawaan baac,
haddii uu ii yimaado isagoo socda
waxaan u imaan anigoo ruclaynaya.}.

Waxaa laga wariyey cabdullaahi ibnu
busrata a.k.r : in nini yiri:{ rasuul allow
waxaa igu badtay shareecooyinka
islaamka ee ii sheeg shay aan ku dhago?
Wuxuu yiri rasuulku s.c.w :{yuusan ka
suulin carrabkaagu in uu ku qoyanaado
xusidda alle}.
)21(
َWuxuu yiri rasuulku s.c.w :{ qofkii akhriya
xaraf kamid ah kitaabka ilaahay wuxuu
leeyahay xasano, xasanadaasina waa
toban lamid ah, madhahayo: (aliflaamiim)
waa xaraf kaliya, laakiin alif waa xaraf
laamna waa xaraf miimna waa xaraf}.
(
Waxaa laga wariyey cuqbah ibnu caamir
a.k.r inuu yiri rasuulka ayaa noo soo
baxay anagoo joogna suffah markaa suu
yiri: :{kiinee jecel inuu u kallaho maalin
kasta xaga (budxaan ama caqiiqba)
kadibna kala yimaada laba halaad oo
shilshilis si dambi la-aan iyo qaraabo
gows la-aani ku jirto? Waxaan dhahnay:
rasuul allow waan jecelnahay arintaas.
Wuxuu yiri rasuulku s.c.w :{hadaba
muu u kallaho midkiin misaajidka oo
ogaado ama uu akhristo laba aayadood
oo kitaabka ilaahay kamid ah ayaa
uga khayr badan laba halaad, saddex
aayadoodna waxay uga khayr badan
yihiin saddex halaad, afarna waxay
uga khayr badan yihiin afar halaad iyo
tirooyinkooda oo geel ah}.

Wuxuu yiri rasuulku s.c.w :{qofkii
fadhiista fadhi uusan kudhex xusin
ilaahay, wuxuu ku noqonayaa
(fadhigaasi) qoomamo. Qofkii seexdana
meel uusan kudhex xusin ilaahay,
waxay ku noqonaysaa meeshaasi
qoomamo(shallayto)}.
Wuxuu yiri rasuulku s.c.w :{ ma
fariisan qolo fadhi aysan kudhex xusin
ilaahay,kuna salliyin nabigood, haddii
ay yeeleen sidaas wuxuu ku noqon
)24(
fadhigaasi shallayto (qoomamo),
ilaahayna haddii uu doono wuu cadaabi
haddii uu doonana wuu u dambi dhaafi}.

Wuxuu yiri rasuulku s.c.w:{majiraan qolo
ka kacaysa fadhi iyagoon ilaahay xussin,
hadday jiraana waxay ka kaceen wax
lamid ah dameer bakhtigiis, waxaana u
sugnaatay qoomamo}

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1435259
Today
Yesterday
All days
803
2616
1435259
2025-12-30 06:43

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_695374807e80715265701151767076992
title_695374807e85815689849571767076992
title_695374807e8a61505191511767076992
title_695374807e8f319765800891767076992
title_695374807e93f21443829041767076992
title_695374807e98b5217862781767076992

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_6953748090c9b3401927711767076992
title_6953748090ceb16410850701767076992
title_6953748090d3919233802341767076992
title_6953748090d8a19964523691767076992

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com