Hordhac
Mahadda ilaahaybaa leh, isaga
ayaan mahadinaynaa, kaalmo iyo danbidhaafna waydiisanaynaa, waxaana
uga magan galaynaa ilaahay shararka
nafaftayada, iyo xumaanta camaladana,
qofkii ilaahay hanuuniyana wax lumin
karana majiro, qofkii uu lumiyana wax
hanuunin kara majiro. waxaan qirayaana
inuu san-jirin ilaah xaq lagu caabudo
ilaahay mooyee, kaligiina wax lalama
wadaago, waxaan kaloon qirayaa in
nabi muxammad yahay adoonkii ilaahay
iyo ergaygiisii, naxariis iyo nabad galyo
korkiisa ha ahaatee isaga, ehelkiisa,
asxaabtiisa iyo kuwii ku raacay wanaag
ilaa maalinta qiyaamada.
Intaa kadib:
Kani waa kitaab gaaban, oon ka-
)15(
soo gaabiyey kitaabkaygii ku magac
baxay{addikru wadducaa wal-cilaaju
birruqaa minal kitaabi wassunnati}
waxaana kasoo gaabiyey kitaabkan
qeybtii ducooyinka, si uu u noqdo khafiif
la qaadan karo safarada. Waxaan
ku ekaadayna ducooyinka kaligood,
axaadiistoodana waxaan ku kaaftoomay
inaan u saleeyo hal iyo labakitaab qofkii
doonaya aqoon korarsi xaga xadiiska
iyo saxaabiga wariyeyna, ha u noqdo
kitaabkayga aan kor ku xusay.
ilaahay waxaan ku waydiisanayaa
magacyadiisa wanwanaagsan, iyo
tilmaamihiisa sareeya, in uu ka yeelo
{kitaabkan} mid loola jeedo wajigiisa
wanaagsan, iyo in uu igu anfaco
camalkan nolashayda iyo geeridaydaba,
iyo in uu ku anfaco qofkastoo akhrista,
)16(
ama daabaca, amase sabab u noqda
faafintiisa, allaha ka hufan xumaanta
ayaana awood u leh inuu naga aqbalo
arintaas.
Naxariis iyo nabadgalyana ha ahaato
nabigeena muxammad s.c.w , ehelkiisa,
asxaabtiisa iyo qof-walboo ku raacay
wanaag ilaa maalinta qiyaamada.
Qoraaga /Waxaa laqoray bishii safar ee
sanadka hijriga 1409.

logo 2


Facebook LikeBox

Halkan KARAADI VIDIO

Halkan karaadi

1434987
Today
Yesterday
All days
531
2616
1434987
2025-12-30 04:50

Maamulka dacwadda

SS10

 

Kulamadda dacwadda

title_69535a073bd5412664026121767070215
title_69535a073bda517003658161767070215
title_69535a073bdf312876703021767070215
title_69535a073be3f18563728571767070215
title_69535a073be8b16405109421767070215
title_69535a073bed716840169771767070215

 

DURUUSTA IYO MUXAADARAATKA

title_69535a074f8d03473777611767070215
title_69535a074f92020272593251767070215
title_69535a074f96f1617739051767070215
title_69535a074f9bb10872143761767070215

ISLAMCHOICE.ORG SOMALI

Mowqica Dacwadda iyo Barashadda Diinta ee Kitaabka iyo Sunadda calaa Fahmi Salafus-Saalix

UongofuUongofu.com